-
Content Count
215,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka lagu Magacaabo Beer-xaano oo u dhow Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Fariisimo Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas. Duqeynta ayaa la sheegay in Diyaaradahu ay la Bartilmaameedsadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Beer-xaano,waxaana dadka Degaanka laga soo xigtay in Dhowr Gantaal ay ku dhufteen halkaas Diyaaradaha Wax Duqeeyay Degaanka Beer-xaano. Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Duqeyntaas lagu dilay 15 Dagaalame oo Labo kamida ay yihiin Saraakiil Xilal ka hayay Al-shabaab. Sidoo kale general Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacay say ay saldhiga uu shir ugu socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose. Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Ggeneral Ismaciil Saxardiid ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Labada Sargaal ee Shabaabka ah ay kala ahaayeen Madaxii Sakawaadka Degaanka Beer-xaano iyo kii Amniyaadka Degaankaasi. Taliyaha waxa uu tibaaxay in 2 km ay ugu baxeey Al-shabaab Degaanka beer-xaani Magacyada iyo sawirrada Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ay sheegeen Saraakiisha xoogga dalka iyo mareykanka in ay soo gubbin doonaan. Duqeynta Diyaaradeed ayaa loo maleynayaa in ay Fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la heyn Ee laga leeyahay Wadanka Mareykanka,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan Duqeynta Xalay ka dhacday Degaanka Beer-xaano ee Gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Duqeyn ay amartay Dowladda oo Xalay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicay ayaa gaaray dalka Mareykanka ka dib markii laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Biljamka. Waxaa loo heystay falal la xariira Burcadbadeednimo, waxaana loo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono filin looga hadlayay Burcadbadeeda kadibna xabsiga ayaa la dhigay. Mudda Afar sano ah ayuu xabsi ku jiray, waxaana uu dhowr jeer kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla dalkaasi. Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan & Xeeb, Maxamed Macalin Aadan (Tiicey), ayaa afar sano iyo laba bilood ka dib waxaa laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Belgium-ka, markii lagu waayay eedeymihii loo haystay ee burcad badeednimada. Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb, ayaa sanadkii 2013-kii waxaa lala xiray Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo mar madax u ahaa kooxihii burcad badeeda ee ka hana qaaday Gobolada Dhexe, kaasoo loo haystay in uu ka masuul ahaa markab laga leeyahay dalkaasi Belgium-ka oo madax furasho loogu haystay Gobolada Dhexe. Maxamed Macalin Aadan (Tiicey) iyo Afweyne oo ka baxay burcad badeeda, ayaa ka hor intii aan lagu xirin dalkaasi waxaa Afweyne loo sheegay in uu wax ka jili doono filim ku saabsan burcad badeednimada, balse ay taasi ahayd shirqool la doonaayay in lagu soo xiro. Maxkamad ku taala Belgium-ka, ayaa xabsi ku xukuntay labadaasi nin, markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo oogay in ay ku lug lahaayeen markabka ay burcad badeedu ku haysatay Gobolada Dhexe. Dacwad oogayaasha, ayaa Tiicey ku soo oogay in maamulkiisii uu la macaamil la lahaa burcad badeeda, isla-markaana uu gabaadsiin jiray, intii uu ahaa Madaxweynihii Ximan & Xeeb. Maxkamad hubisa xukunada ay Maxkamadaha kale ridaan oo markii dambe dib u eegis ku sameysay xukunka Tiicey, ayaa fadhiyo badan ka dib ogaatay inaanu ku lug lahayn wixii lagu soo eedeeyay, iyadoona ugu dambeen amartay in dib xoriyadiisa loo siiyo. Dhanka kale Tiicey, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Wadanka Mareykanka, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay. Tiicey oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in uu hadda qorsheynayo maxkamad uu la tiigsado dalka Belgium-ka, si uu mag-dhow uga helo sumcad xumidii uu dalkaasi kala kulmay, sida uu yiri. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/hhhhhhhhhhhhhhhhh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo jimcaha sheegay in dalkiisa uu Qaramada Midoobey ka dhex-bilaabi-doono hindise la xiriira sidii lagu baa’bin lahaa go’aanka Donald John Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Madaxweyne Erdoğan waxaa uu sidoo kale ka hadlay in marka hore Turkiga keliya isku dayi-doono sidii uu u baabi’in lahaa go’aanka Trump, haddii ay u suuro-geli-weysana waxaa ay aadi-doonaan Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa. Waa dadaal kale uu sameynayo Erdoğan kadib markii todobaadkan uu shir Qudus looga hadlayo, oo ururka iskaashiga Islaamka ahaa, isla markaana ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 50 hoggaamiye oo dunida Muslimka ay ka soo qeyb-galeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan: QM ayaan ka bilaabeynaa Hindise lagu laalayo go’aanka Trump ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka digay in la dayaco magaalda Bareysan ee Qudus isaga oo ku tilmaamay dayacaada Qudus inay la mid tahay Kacbada oo la dayacay iyo magaalo madaxyada kale ee dowladaha Islaamka. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu bambo ku tuurtay bariga dhexe. Recep Tayyip Erdoğan oo jimcadii shalay qudbad ka jeedinayey Istanpul ayaa yiri “Hadii aan weyne Qudus, nooma suurto galeyso inaan ilaalino madiinatu munawarah, hadii aan weyno madiina ma awoodno inaan ilaalino makka, hadii aan weyno Makah waxay weyn doonaa Kacbada”. Recep Tayyip Erdoğan ayaa intaai ku daray in weerar cusub lala beegsano bariga dhexe iyo dhammaan umadda muslimiint ah ka dib aqoonsigii Mareykanka uu u aqoonsaday in ay Qudus tahay magaalo madaxda Isarel, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu sii wadi doono qaadashada tallaabooyin kale oo looga hortagayo go’aanka maamulka Mareykanka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed u muuqda in Dowladda ay kaga jawaabeyso Hadalkii Dowladda Mareykanka ay ku sheegtay in ay hakisay Saadkii ay siinayeen Ciidamada Dowladda Sababo Musuq iyo isdaba mareyn ay ku eedeeyeen. Warsaxaafadeed kasoo Baxay Xukuumadda Soomaaliya uuna ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa:- Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah. Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga. Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay. Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan. Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS. Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada ciidanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka. Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay. Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka. DHAMMAAD Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DF oo war kasoo saartay sababta uu Mareykanka u joojiyey gargaar uu siinayay ciidamada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
singapore (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo bishii tagtay Xilka Dalkaasi wareegay kadib markii Militariga dalkiisa ay la wareegeen awoodda Zimbabwe ayaa maanta oo Jimco ah la geeyey Isbitaal ku yaalla Wadanka Singapore si uu u hubiyo Xaaladiisa Caafimaad. 93-jirkaan ayaa talada Zimbabwe haye 37-sano, waxaana soo afjarmida sii heynta Xilka ay timid kamid markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii oo hadda ah Madaxweynaha Zimbabwe, waxayna sababtay in Militariga uu fara gelin sameeyo iyagoona la wareegay awoodda Maamulka. Mugabe loogama Baran in uu Xirto Shaar Cad, waxaana Sawirkaan laga qaaday xilli uu xirnaa Shaar cad isagoo ku sugan gudaha Isbitaalka, sidoo kalane xiran Surwaal Madoow waxaana Garbihiisa socday 8-qofood sida ay sheegeen Suxufiyiin katirsan Wakaaladda Wararka ee AFP. Safarkiisa ugu weyn ee Dalka Singapore ayaa ahaa hubinta Xaaladiisa Caafimaad maadaama uu horay u xanuunsanaye, ayna ugu darsoontay Wal-Walka la xiriira Culeyskii Siyaasadeed ee soo wajahay Kolkii Militariga ay Go’doomiyeen. Warbaahinta ayaa hadal heysa in aanan dib ugu laaban doonin Mugabe dalkiisa, waxa uuna ahaa Madaxweyne dhaleeceeya Madaxda Reer Galbeedka, isagoona u doodi jiray Dadka afrikaanka ah ee la heeb sooca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay in Mugabe la geeyo Isbitaal ku yaalla Singapore? appeared first on Caasimada Online.
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Odoyaasha iyo Xildhibaanada Galmudug ee Deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Cadaado ayaa kulan ay ku yeesheen Magaaladaasi waxa ay kaga soo horjeesteen Heshiisyadii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay ku kala gaareen Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho. Xildhibaanada Galmudug deegaan ahaan kasoo galay kana soo Jeeda Magaalada Cadaado ee Warqadda ku Saxiixan waxaa kamid ah:- Xildhibaan Mahad Cali Cilmi. Xildhibaan Cabdi Xasan Cili. Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon. Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen. Xildhibaan Xasan Cabdullaahi Maxamed. Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud. Iyo Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Jimcaale. Odoyaasha Goobta ka hadlay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay Hadalkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna beelaha dega Deegaanada Maamulkaasi ay isku raacsan yihiin. Waxa ayna ku tilmaameen in ay ku raacsan yihiin Hadalka Xildhibaanada ku matala Maamulka ay ku sheegeen in heshiiskaasi uu yahay mid kahor imaanaya Dastuurka Galmudug. Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa heshiisyo hordhac ah ku kala saxiixday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana lagu ballamay heshiis guud oo ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso War murtiyeedka kasoo baxay The post Odoyaashal iyo Xildhibaano Cadaado ku Kulmay oo kasoo horjeystay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo dunidan ay ka dhacaan dhacdooyin kala duwan hadana waxaa jira dhacdo aad u xanuunbadan oo soo jiidatay dunida oo idil. Dhacdadan ayaa waxaa sameeyay Haweeney Afrikaan ah oo iyadu nolosha ku aastay Canug yar oo ay dhasho si ay u guursato Nin ay muddo naawileysay isla markaana hantiile ah. Haweeneydan ayaa waxaa ku adkaatay inay guursato ninkaas taajirka ah maadaama ay waday canugan yar oo ay usoo dhashay nin horay u qabay oo ay kala tageen. Ninkaan ayaa Haweeneyda ku khasbay in is guursigooda uu yahay mid ku xiran inay disho canugeedan ay markii danbe aastay. Sameynta ficilka kadib waxaa nasiib daro noqotay in ninkaan Hantiilaha ah uu diiday Haweeneyda kadib markii ay si sahlan ku dishay canugeeda, waxa uuna sababta diidmada ku sheegay in si lamid ah ay u dili doonto carruurta ay u dhasho. Haweeneydan ayaa weyday canugeeda iyo ninkii ay daraadii u dishay, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdo xanuunbadan oo soo jiitay indhaha caalamka. The post Sawirro argagax leh: Haweeney canugeeda nolosha ku aastay kadib Jaceyl ay u qaaday nin Hantiile ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Israel ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Tel Aviv, ay ku marti galineyso amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Muxammad bin Salman. Booqashadan ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyay Wasiirka Sirdoonka Israel Mr Yisrael Katz oo sheegay inay ahmiyad gaara xiligaan u leedahay inay marti galiyaan amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga. Mr Yisrael Katz, waxa uu tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in amiirka uu soo gaaro magaalada Tel Aviv, maadaama uu soo hagaagayo xiriirka labada dhinac. Arye Shalicar oo ah Afhayeenka Wasaarada ayaa dhankiisa ka sheegay in Katz uu muujiyay rajadiisa ku aadan booqashada Amiirka. Afhayeenka oo saxaafada u bayaaninaayay qaabka ay u dhicikarto booqashada ayaa waxa uu yiri ” Wasiir Yisrael Katz, waxa uu xaqiijiyay in boqorka Sacuudiga uu marti qaaday Ra’isul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo in Mohammed bin Salman, wiilka Boqorka uu yimaado oo soo booqdo Israel,” Dowlada Israel waxa ay booqashada ku tilmaantay mid lagu xoojinaayo iskaashiga labada dal iyo in la mideeyo Siyaasadaha labada dhinac. Sidoo kale, Sannadihii ugu danbeeyay, waxaa jira warar badan oo la xidhiidha xiriirka ka dhexeeya Riyadh iyo Tel Aviv, inkastoo xaqiiqda tahay in Sacuudi Carabiya, iyo wadamada kale ee midowga carabta, aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Gumaystaha Israil. Si kastaba ha ahaatee, booqashada laga dalbanaayo amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Muxammad bin Salman, ayaa ifineysa xiisad u dhexeyn karta dowladaha carabta iyo Sacuudiga, maadaama ay horay usoo baxayeen warar sheegaya in Bin Salmaan uu ka danbeeyay qorshaha Israel lagu siinaayo Qudus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Israel oo magaalada Tel Aviv uga yeertay amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga, kadib go’aankii Shirka Istanbul appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Maraykanka ayaa joojisay gargaarka cunnada iyo shidaalka ay siin jirtay ciidamada qalabka sida ee Somalia iyaga oo welwel ka muujiyay musuq-maasuq jira. Go’aanka ay dowlada Mareykanka ku jartay taageerada ay siin jirtay ciidamada dowlada ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaarada difaaca Somalia. Mas’uuliyiinta ka hadashay go’aankan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia Genaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini. Generaal Diini, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto haddii ay dowlada Mareykanka kusii adkeysato go’aanka lagu jaray taageerada Saadka ee ciidamada Qalabka Sida. Diini waxa uu cadeeyay inuu burbur ku imaankaro awooda ciidamada Xooga Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia aysan xiligaan ka bixi Karin jaritaanka Saadka. Isagoo ka hadlaayay go’aankaas ayaa waxa uu yiri ‘’Hadii ay qorshahan ku dhaqaaqaan mareykanka waxaa ay saameyn adag ku yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan al-Shabaab”. Diini waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaa laga doonayaa Mareykanka in waxa hadal uu ku xaliyo tabashooyinka jira maaha inuu ku xanuunjiyo dowlada inuu jaranaayo saadka ciidanka’’ Diini waxa uu sidoo kale ku baaqay inaan lagu dagdagin haddii ay xaqiiqo tahay in dowlada Mareykanka ay dooneyso soo afjarida dagaalka lagula jiro al-Shabaab’’ Dhinaca kale, Diini ayaa waxaa uu soo hadal qaaday saadka ay sheegtay mareykanka ay ka jarayso Somalia, isagoona sheegay in dhmaan aan la siinin ciidamada dowlada ,balse kaliya la siiyo Ciidamada xooga dalka ee ku kala sugan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Diini oo qeyla dhaan kasoo saaray Go’aanka uu Mareykanka ku jaray Saadka lasiiyo ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maalintii lixaad ka socda magaalada Garowe olole nadaafadeed oo lagu wajahayo uruurinta qashinka iyo hagaajinta bilicda magaalada, waxaana iska kaashanaya 8 xaafadood iyo maamulka dowlada hoose. Haweenka ka qeybgalaya ololahaan ayaa ku amaanay maamulka dowlada hoose gaar ahaan Xoghayaha cusub inuu door wanaagsan ku leeyahay dhaqaajinta ololahaan oo kusoo beegmaya xilli cabashooyin badan ka jireen nadaafadda magaalada. Xoghaye Maxamuud Cali Gurey oo jimcadii shalay kala qeybgalay maamulladda xaafaddaha,haween iyo dhalinyaro u taagan ololaha ayaa ugu baaqay bulshada inay dib ugu soo laabtaan dhaqankoodii horre si meesha looga saaro isticmaalka bacda tirada badan oo qeyb ka ah waxyeelada caafimaadka iyo deegaanka. Dhinaca kale haweenka ka qeybgalaya ololaha ayaa ka codsadey maamulka dowlada hoose inay gacan ku siiyaan isticmaalka shay kasta oo aan dhibaato ku ahayn deegaanka iyo dadkaba. Haweenka xoogsatada oo qashinka ka gura xaafadaha magaalada ayaa inta badan lagu eedeyaa inay sabab u yihiin nadaafad darada ka jirta toggaga iyo hareeraha magaalada. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Olole nadaafadeed oo ka socda maalintii 5aad Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Door-to-door searches by Red Terror Troops to hunt down opposition members FRI DEC 15, 2017 / 11:39 AM EST (Reuters) – Dutch judges jailed a onetime aide to Ethiopia’s former communist ruler Mengistu Haile Mariam for life on Friday for war crimes carried out during Ethiopia’s “Red Terror” purges of the 1970s, including the execution of 75 prisoners. Eshetu Alemu, 63, was found guilty at his trial in the Hague of ordering the 1978 killing of camp detainees – many of them under 18 years of age – who were taken from their cells and strangled with ropes in a church. In the hearings held under Dutch universal jurisdiction, Alemu, a former Mengistu regional representative, was convicted of all charges brought by prosecutors, including arbitrary detention, inhumane treatment, torture and mass murder. “The fact that the majority of victims were children younger than 18 makes the crimes all the more cruel,” said presiding judge Mariette Renckens. Alemu came to the Netherlands as an asylum seeker in 1990 and had been in custody since 2015. He has pleaded not guilty to the charges but was not present when the verdict was read out. Negus Gebeyehu, a prisoner in a camp under Alemu’s control, gave an emotional speech in the Hague court following the verdict as other victims cheered. “Justice has been done for Ethiopia,” he said. “I was imprisoned as a young man and I survived. This is also the day for us to forgive.” An Ethiopian court had sentenced Alemu to death in absentia in 2007 for his role in the “Red Terror”, which Mengistu’s communist military junta conducted after Ethiopian emperor, Haile Selassie, was ousted in 1974. Mengistu was found guilty in absentia of genocide in the same trial in 2007, where he and top members of his military government were accused of killing thousands during his 17-year rule. “Today’s verdict shows perpetrators that the Netherlands will not be a safe haven,” Jirko Patist of the national prosecutor’s office said. The Netherlands is one of the European countries that has established an international crimes prosecution unit to prosecute alleged war criminals residing in the Netherlands even if their crimes were committed abroad. (Editing by Anthony Deutsch and Richard Balmforth)
-
Brief Background and the Profile of the New Deputy Finance Minister of the Republic of Somaliland, Mr. Mohammed Dahir Ahmed (ACCA).. Mr. Mohammed Dahir Ahmed (ACCA) was born in Hargeisa on the 10thof October 1979. He grew up, studied and completed his Kuranic, primary and secondary school at Abu hurayra (Ex Abdullahi Muse) Secondary school in Hargeisa from 1990 – 1998. Mr. Mohammed moved then to Ethiopia for a territory education while he was among some outstanding students from Somaliland who had gone through competitive University placement test in Jijija/Ethiopia to be part of a University Scholarship Program offered by the Ethiopian Civil Service Collage in Addis Ababa, Ethiopia. Mr. Mohammed proved himself to be among those who successfully had the top scores and preceded his educational journey to Addis Ababa. Mr. Mohammed has pursued a Bachelor of Arts in Accounting & Finance from 1998 – 2001 at the Ethiopian Civil Service College in Addis Ababa Ethiopia with great distinction and exceptional records throughout his studies at the University. He was noted for his hard work, diligence and enthusiasm to prove beyond expectations during his lifetime at the University. After successful completion of his studies, Mr. Mohammed has returned to his home country “Somaliland” and commenced delivering lectures at the Faculty of Business & Economics, University of Hargeisa from 2001 -2003. During his tenure at the University, he has also managed to work with International Rescue Committee (IRC) an American Based humanitarian organization and The Adventist Development and Relief Agency (ADRA) where he both served as Project Accountant and Micro-Finance Project Manager respectively. Though his position in the life has always been tremendous, he always sought ways for further improvements. This ambition has led him to have finally landed in Birmingham, The United Kingdom for further studies. He has again proved himself and has completed and certified by the Association of Chartered Certified Accountants (ACCA) – at Kaplan Financial Training Company, Birmingham, United Kingdom from 2004 – 2008. From 2008, Mr. Mohammed has been a Certified Chartered Accountant (ACCA) and a permanent of the member of the International Association of Chartered Accountants. He will also be shortly qualified as a Certificated Public Accountant (CPA). Mr. Mohammed has worked with various international organization and institutions in the UK, UAE and his country of Somaliland as well while he served different capacities as a Certified Accountant. Some of the positions held by Mr. Mohammed are summarized below: Date Position Organization 2013 – Now Independent Financial Consultant and Political Analyst Freelancer 2012 – 2013 General Manager Somaliland Food Aid Coordination Agency by a Presidential Degree. 2011 – 2012 Principle Consultant Windsor Associates & Chartered Accountant’s firm, Hargeisa. 2010 – 2011 Internal Auditor Somtel Telecommunication Company, Hargeisa 2009 – 2010 Financial Consultant Albraik Investment Group of Companies, Dubai Media City, Dubai, U.A.E 2008 – 2009 Group Management Accountant MBC GROUP, Dubai Media City, Dubai 2001 – 2003 Lecturers of Accounting and Finance University of Hargeisa Mr. Mohammed is a Certified Chartered Accountant, with more than 15 years’ experience in internal & external auditing, risk management, large telecommunications, non-governmental and retail organizations. Ambitious and determined with the commitment and readiness to work for his people and country, possesses excellent interpersonal skills Finance, accounting, public financial management, investment and divestment, public sector audit and accounting systems, internal audit, financial management, due diligence reviews, mergers and acquisitions, corporate strategy and restructuring, taxation and other advisory services, risk management, accounting and auditing standards. On the 14th December 2017, Mr. Mohammed Dahir Ahmed (ACC) has been appointed as the Deputy Minister of Finance of the Republic of Somaliland by the President, His Excellency Muse Bihi Abdi.A We pray Allah for Mr. Mohammed to be able to execute his duties and responsibilities at top of his ability and for the interest of his people and the country. By: Abdikadir D. Afgaab
-
Many historians are now wondering whether Siilaanyo, in fact, will be remembered as the very worst president in all of Somaliland history. Which raises a question for today: How will Siilaanyo be viewed in history? Will he be the worst and weakest? Or will he fall into the category of faltering failures? Before we delve into that question, perhaps it would be interesting to know what in fact constitutes presidential failure and how we arrive at historical assessments of it. We cannot know a leader completely, his character, his integrity, his principles, his sense of judgment till he has shown his colors, ruling the people, making the laws. Experience, there is the test. There are many lessons we learned from Siilaanyo’s leadership that history will not allow us to forget even if we try to forget them. As history is a merciless judge, it is not fanciful or even unfair if to begin with Siilaanyo’s personality. Siilaanyo is not a relic of another age as some hypocritics assert and acerbically argue in most of the time. He is a rabble-rouser, whose political and social mindset has always been to confuse the people when he could not convince them. In principle, Siilaanyo is not a man of his own word. Nor he is a man of integrity. Virtue is not his traditional value. Betrayal is his basic profession, and profanity his behaviour. When it comes to the faculty of ruling, Siilaanyo is ranked lowest for his moral authority, lowest for his vision and ability to set a national agenda. He is the worst, weakest and most wicked president since Somaliland seccesion. During his presidency, it never came into his sense that the world is ruled by brains, by justice, by morals and by fairness. To his critics, rule was an incident, to him, a vacation. He made his vagueness as a shield, his weakness as an excuse of age, his wickednes as a sign of wisdom. It is always true that honest and skillful leaders seize the opportunites to change things for the better. In periods where there is no honest and capable leadership, society progress stands still, even if things do not move in the reverse direction. As history is our guide, Siilasnyo has never made a vctory to celebrate in his political life. If there is any, it was surely when he was elected as a president through election fraud in 2010. Instead he brought remarkable failures to Somaliland history. Failures do not come from what humans know; they come from what humans do or undo.Their assessments depend on what people do well and what they don’t. For this, failures that come from what leaders do or don’t, end either in failure or in victory. First, we must consider the difference between the failure of omission and failure of commission. The first is when a president fails to deal with a crisis thrust upon him by events beyond his control. When Siilaanyo was elected as a president, he took the power of a country that was in decent shape, a country that had all its required legal institutions intact, the legislative body, the judiciary, the executive body, the police, the army forces, the public service. In fact it was actually an era when it was possible to believe that politics could speak to society’s moral yearnings and be harnessed to its highest aspirations. More than anything, perhaps, this era reminds us of a time when the nation’s capacities looked limitless, when its future seemed unbounded, when Somalilanders believed that they could solve hard problems and accomplish bold deeds. In short and sharp reflection, in the year 2010 Siilaanyo took the lead for a state that was growing like a rising sun. Siilaanyo is the first Somaliland president who did not prove himself as a skillful leader by any practical sense. He proved that he was incapable of dealing with the national issues in any effective way. In part this was because he was a man who lacked leadership character and hence couldn’t get beyond his own narrow political vision as the country he was charged with leading slipped ever deeper into crisis day after day. Siilaanyo is the first Somaliland president who, right from his presidential inaugration date till the end of his rotten term, gagged himself, didn’t listen to anybody; didn’t take any advice, and did hole himself up in the presidential mansion, pretending to be someone that he is not, like someone not up and around – sort of synical plot. This pretension in part enabled Siilaanyo to introduce policies and plans that undermined the motives of the national constitution. Siilaanyo transformed Somaliland presidential palace into a stronghold of his immediate family, putting loyalty to his own tribe ahead of loyalty to the state. He avoided the responsibility for handling the national ruling affairs and empowered memebers of his immediate family to run the government according to their own outlook and interest. Sillaanyo did not stop there. He went further and took steps that changed Somaliland state from institutional government to a traditional government. He didn’t care about how this action impacts the real meaning of what an elected institutional government is all about. Siilaanyo’s ignorance and refusal to be open and honest with the public interests further showed a disregard for the people who put him in power, and in turn eroded public trust in the state. This didn’t create leadership vacuum but caused mismanagement crises that seriously threatened to engulf the nation. What has made the state a hell on earth has been precisely that members of Siilaanyo’s tribe have got the chance to make it their heaven. Looking back at Somaliland history, Siilaanyo is the man who divided SNM into foes and factions. He is the man who instigated and intensified the first civil war that happened between East and West communities in Burco. He is the man who engineered what is known as the rainbow coalition. Moving from his original motives based on ethnic hatred, he revived to enforce the strength of rainbow coalition, which is a political tribal move meant to keep specific tribe out of Somaliland. A feeling of hatred and enmity, hard to reverse or restrain, seems to grow if faith and trust will not be offered. Siilaanyo is the first Somaliland president who openly conflated what is legal with what is always immoral, and overtly legalised corruption practices leading from one avenue to another, considering that corruption is not a vice but a virtue to enrich certain people, till it gradually became a normal way of life in every sector of our society. From political circles to business board rooms to educational institutions to the health and judicial sectors. Siilaanyo is the first Somsliland president who made national treasury as his private bank account. He is the first Somsliland president who brought many people of his tribe into the government and more impoertant into the army. He is the first Somaliland president who openly violated the national consitution, allowing so many personalities of his clan and cronies to loot the public wealth. It was as if the virtue of preventing vices and promoting virtue and human values were totally out of his belief and morality. Improve ourselves, reform ourselves, become more conscious, less flawed, less proud and impulsive – all that moral values are not what Siilaanyo grew to accustom either in his political life or in his private life. Siilaanyo not only manipulated corruption policies to get Somaliland into poverty but he then used the corruption as an excuse to transform Somaliland society in ways that proved highly deleterious. One result from many of these policies was that the economy flipped out of control. Inflation surged into double-digit territory. In addition, Siilaanyo’s corruption policies sapped resources and threw the nation’s budget into deficit. The president made no effort to inject fiscal austerity into governmental operations, eschewing his primary weapon of budgetary discipline, the fraudulent print of Somali Shilling. His foreign policy would almost have to be considered a failure, and fraught with disaster. But, whatever the underlying contributors to his failure, there is no denying that he is a failed president. He never handled a single issue in a prudent presidential manner. And this is a failure of commission. When consider in all these cases, we can conclude that Siilaanyo intention was to ruin Somaliland. No more, no less. What else could we explain? A failure of commission is when a president actually generates the crisis through his own wrong-headed actions. That’s failure of commission. By:Jama Falaag jamafalaag@gmail.com Hargeisa, Somaliland
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamada dowlada oo garab ka helaaya Xoogaga Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyada al-Shabaab oo dhinacah. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay degaanka Abal oo aan sidaa uga sii fogeyn magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool. Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada dowlada iyo Xoogaga Mukhtaar Roobow ay weerar gaadmo ah ku qaaden fariisimo ku yaala deegaanka Abal oo ay ku sugnaayen maleeshiyaadka al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa wakhti danbe ku biiray ciidamada Ethiopia ee ka hoos shaqeeya maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lasoo sheegayaa in lagu jabiyay maleeshiyada al-Shabaab. Sidoo kale, warar ay baahiyeen maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dileen Saraakiil oo uu ka mid yahay C/laahi Mukhtaar Rooboow oo ahaa wiil uu dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ Maleeshiyada ayaa sidoo kale, sheegtay in isla dagaalka ay ku dileen Taliyihii hogaaminaayay ciidamada khaaska ah ee Abuu Mansuur oo magaciisa lagu soo gaabiyay Manuur Ganeey. Shabaabka waxay kaloo sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen degaanadii maanta ay ka dhaceen dagaalada, waxaanan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida saxda ee ay wax u dhaceen. Dhinaca kale, dilka wiilka Mukhtaar Roobow iyo Taliyaha ciidamada khaaska ah, ayaa waxaan weli ka hadal Maamulka Koonfur Galbeed iyo Garabka daacada u ah Roobow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo dilay Saraakiil uu kamid yahay Wiil uu dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow appeared first on Caasimada Online.
-
The budget approved by Somalia’s parliament this week is in line with fiscal reforms the government committed to when it entered an International Monetary Fund programme in May, an IMF official told Reuters. Somalia is now on its second 12-month IMF staff-monitored programme after decades of war and turmoil, and adherence to the IMF’s fiscal framework opens the door for grants and concessional funding from international financial institutions. The $274 million budget approved on Wednesday includes measures expected to boost domestic revenue collection by $20-$25 million. They include the introduction of sales and corporate income taxes for telecommunications and the removal of income tax exemption for lawmakers, said Mohammed Elhage, who leads the IMF’s Somalia work. “These are very important signals.” He said that during a September visit, the IMF had been disappointed by progress by the government, which took office after elections in February. “From September until now, we see a strong commitment to reform. The authorities are more engaged on what needs to be done.” The budget sees the state collecting about $156 million in domestic revenue and about $118 million in grants. The Horn of Africa nation is recovering from decades of war, and al Shabaab Islamist militants remain a threat. The new budget is still dwarfed by contributions from donors, who last year spent about $1.5 billion on food aid, health and sanitation. Observers say putting a proper budget into place and having parliament pass it is an important step. “If the IMF gives the thumbs-up, that tells you that the government is starting to deliver on revenue collection,” said a Western diplomat. “If they can get debt relief, that is the pot of gold at the end of the rainbow.” Credit from the IMF would offer the central government leverage over the federal member states, the diplomat added. The states are at odds with Mogadishu over a range of issues, including the crisis between Qatar and other Gulf states. Somalia’s external debt is about $5.2 billion, according to the IMF. It has not made a service or amortisation payment since civil war broke out more than 25 years ago. The IMF said this week that economic growth is set to quicken to 2.5 percent in 2018 from 1.8 percent this year, when drought and security issues kept it below the IMF’s forecast of 2.5 percent. Source: Reutrs The post Somalia’s budget meets IMF terms, official says appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka ay weerar culus ku qaaden al-Shabaab doonaayay inay jidka u galaan Kolonyo ciidamo ah. Inta uu dagaalka socday ayaa waxaa lasoo warinayaa in labada dhinac ay is weydaarsadeen Hubka noocyadooda kala duwan, waxaana halkaa ka dhashay khasaaro nafeed oo labada dhinac soo kala gaaray. Waxyeelada ka dhalatay dagaalka ayaa gaareysa ilaa Shan oo labada dhinac ah, waxaana sidoo kale jira rasaas u gudubtay goobo ay ku noolaayen dad xoolo dhaqato ahaa. Maamulka Puntland ayaa sheegay inay wadaan qorsho ay ku dooneyso in al-Shabaab iyo Daacish ay uga saareyso dhulkeeda. Dhinaca kale, labada Koox ayaa ku xoogan Buuraha Gobalka Bari ee Galgala waxa ayna dhowr jeer ay weerareen xarumaha ciidanka Puntland. Caasimada Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kasoo laabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib markii ay halkaa uga soo qaybgaleen shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Go’aanka looga gaarayay arrinta Qudus. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye waliba ka wada hadleen xoojinta xiriirka wadamadooda. Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ), kadib markii uu Madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo shirka Istanbuul kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda Kubadda Cagta ee Puntland oo ka qayb-galaysa Koobka Maamul-goboleedyada Somalia ayaa u soo gudubtay semi-finalka koobkan, kaddib markii ay 1-1 barbarro ah la gashay maanta kooxdii ka socotay Maamulka Koonfur-galbeed. Cayaar aad u xiiso badan ayaa dhex-martay labadan kooxood, iyadoo ay ku soo dhammaatay 90-kii daqiiqo ee ay socotay 1-1, inkastoo ay wareegga afar dhammaadka cayaarahan u soo gudubtay kooxda Puntland. Wareeggii koowaad ee cayaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku hoggaaminayso kooxda Koonfur-galbeed, waxaase dadaal badan oo ay la yimaadeen kooxda Puntland u suuro-gashay inay cayaarta ka dhigaan 1-1 barbarro ah. Guruubka B oo ay labadan kooxood kawada tirsan yihiin ayaa kaalinta 1-aad waxaa kusoo baxay xulka Kubadda Cagta Koonfur-galbeed, iyadoo Puntland ay kusoo baxday kaalinta labaad, waxaana haray Kooxdii ka socotay Hir-Shabeelle. Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Fara-weyne oo markii ay cayaartu soo dhammaatay goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu kalsoon yahay kooxda, uuna rajeynayo in koobka ay iyagu markii labaad hantaan. Ugu dambeyn, Kooxda Puntland ayaa cayaarahan kuwii ka horreeyay waxay hanteen koobka, inkastoo ay cayaartu sannadkan muujinayaan habsanaan la soo daristay, haddana waxay ku han-wayn yihiin inay markii labaad hantaan koobkan, iyagoo ku beegan Kooxda Banaadir oo marti-gelinaysa Tartankan. PUNTLAND POST The post Kooxda K/Cagta Puntland oo u soo baxday Semi-final-ka Koobka Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo jimcaha sheegay in dalkiisa uu Qaramada Midoobey ka dhex-bilaabi-doono hindise la xiriira sidii lagu baa’bin lahaa go’aanka Donald John Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Madaxweyne Erdoğan waxaa uu sidoo kale ka hadlay in marka hore Turkiga keliya isku dayi-doono sidii uu u baabi’in lahaa go’aanka Trump, haddii ay u suuro-geli-weysana waxaa ay aadi-doonaan Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa. Waa dadaal kale uu sameynayo Erdoğan kadib markii todobaadkan uu shir Qudus looga hadlayo, oo ururka iskaashiga Islaamka ahaa, isla markaana ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 50 hoggaamiye oo dunida Muslimka ay ka soo qeyb-galeen. Goobjoog News Source
-
Adan Abdo Mohamed, a visual storyteller from Hargeisa, captures a glimpse of everyday life in his hometown Source: CNN http://edition.cnn.com/videos/world/2017/12/14/african-voices-instagramming-the-streets-of-somaliland-c.cnn
