-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ehlada Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku wareejiyay Dhul uu ku lahaa Muqdisho. Dhulkaan oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa ka taagnaa muran iyo is qab qabsi. Ugu dameeyntii maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Dhulkaasi ku wareejiyay ehelada Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo Wariyaasha kula hadlay xarunta uu dhulkaasi ku yaala ayaa sheegay in wixii laga bilaabo maanta ay dhulkaasi iyaga ay leeyihiin. Dhanka kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay iska wareejiyaan guryaha aanay la heyn oo ay daganyihiin. Tan iyo Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa soo badanayay muranada dhanka dhulka. Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Cabdullaahi-Yuusuf-Gurigiisii-Muqdisho.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dhul uu Muqdisho ku lahaa Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo lagu wareejiyay ehelada Marxuumka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa Goordhow ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiirada. Madaxweyne Waare ayaa Magacaabay 20 Wasiir iyo 20 Wasiir ku Xigeen iyo 7 Wasiiru Dowlayaaal ah oo u badan Wasiiro Cusub. Baarlamaanka Hir Shabelle ayaa lagu Wadaa in loo gudbiyo oo ay ansixiyaan wasiiradaasi . La soco Magacyada Wasiirada La Magacaabay Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweynaha Hir Shabelle oo ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo markii horeba uu kasoo bilowday safarkii uu ku imaanayey magaalada Muqdisho. Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Xudur. Weli lama sheegin ulajeedka uu u tagay degmada Xudur, hase ahaatee degmadaasi iyo deegaanno ku dhow waxaa ku sugan ciidankii isaga daacadda u ahaa. Abuu Mansuur ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed, waxaana la filayaa inuu faahfaahiyo ulajeedka uu u tagay degmada Xudur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Source
-
Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirrada maamulka Hirshabeelle kaas oo beryihii lasoo dhaafay qaab xulidda la isku mari waayay. Siyaasiyiin caan ka ah maamulka Hirshabeelle ayaa kasoo muuqday wasirrada cusub ee maamulkaas waxaana ay ka kooban yihiin 57-xubnood. 20-wasiir ayuu magacaabay, halka 20-kale oo kuxigeenna ah lagu soo daray liiska, 17-wasiirru dowle ayuu magacaabay mudane Waare, kaas oo beryihii lasoo dhaafay culeys badan uu saarnaa. Daqiiqadaha soo socdo ayaan idinla wadaagi doonaa liiska magacyada wasiiradaas
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ku guuleestay in uu dib ugu soo celiyo Dhul uu lahaa allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed Caruurtiisa Dhulkaas oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir in muddo ah laga hastay. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah an laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday Guddoomiyaha in an loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heysto lagana qaadi doono. Fulinta howshan ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay Allaha u naxariistee Maxaweyne Abdulahi Yusuf, iyo Bulshada Degmada kuwaas oo si wanaagasan u soo wada dhaweeyay talaabadani.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ka digay in dowlada xulafa Sacuudiga ay kacdoono Siyaasadeed u abuuran dowlada Qadar. Erdogan, ayaa sheegay in xulafada Sacuudiga ay qorsheynayaan inay arbushaan xasiloonida ka jirta dalka Qadar, iyadoo la adeegsanaayo Kooxo calooshood u shaqeystayaal ah. Erdogan, waxa uu tilmaamay in Turkiga uusan afka ka qabsan doonin carqalad lagu sameeyo Qadar, waxa uuna wacad ku maray inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah xulafada, haddii ay dhacdo in la kaakiciyo xiisada iminka la qaboojiyay. ”Kama aamusi doono carqaladeynta xasiloonida ka jirta dalka Qadar, waxaan ka digeynaa in loo adeegsado gamco calooshood u shaqeystayaal” Erdogan, ayaa cadeeyay inay jiraan qorshooyin cusub oo ay Qadar uga hortageyso dhibaato kaga imaada xulafada Sacuudigam balse waxa uu ka digay in lasoo kaakiciyo dhibaato aan hadda jirin. Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee jooga Qadar ayuu sheegay inay u madaxbanaan yihiin talaabo waliba oo lagu xaqiijinaayo amniga Qadar. Dhinaca kale, waxa uu xulafada Sacuudiga ugu baaqay inaan loo adeegsan burburka dowlada Qadar oo uu sheegay inay tahay dowlad muslim ah isla markaana ka qeybqaadata taakuleynta dalalka Islaamka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada @live.com
-
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow ku dhowaaqay golaha wasiirada ee maamulkaasi, kuwaasi oo ka kooban 57. Xubnaha wasiiradan ayaa ka kooban 20 wasiir, 20 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 17 wasiiru dowle sida uu soo sheegay wariyaheena Cismaan Cabdalla oo ku sugan Jowhar. Madaxweyne Waare ayaa maalmahan dambe laga sugayey inuu soo dhiso golahiisa wasiirada. Goor dhow waxaan idiin soo gudbin doonnaa magacyada wasiirada cusub ee Hirshabelle. Goobjoog News Source
-
Saxiixa heshiiska Qadar iyo SoomaaliyaDowladnimada Soomaaliya wixii ka danbeeyey dowladii uu madaxweynah ka ahaa Eebe ha naxariistee Maxamed Siyaad Bare ma jirin heshiis rasmi ah oo lagu maalgalinayo dalka ama lagu siinayo dowladihii soo maray dalka dhaqaale wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax loogu qaban karo. Laga soo bilaabo dowladii Carte ee Cabdiqasim Salaad Xasan madaxweynaha ka ahaa ilaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ma jirin heshiis dhaqaale ee dhanka horumarinta iyo kaabayasha dhaqaalaha ku baxaya oo dowladdu la gashay dowlado kale ama hay’ado caalami ah oo noqda mid miro dhal ah, ama waxaa ku xirnaan shuruudo aan laga bixin karin fulintooda. Heshiika shalay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta mudane Jamaal Maxamed Hassan iyo Agaasimaha Sanduuqa horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ku dhex maray magaalada Muqdisho kaasoo gaaraya $ 200,000 milyan oo doolar oo wax looga qabanayo dhismaha wadooyinka isku xira Muqdihso Jowhar, iyo Afgooye iyo Muqdisho isla markaana dib u dhis balaaran lagu samaynayo xarumaha dowladda ee ku burburay dagaalada sokeeye ayaa wax weyn ku soo kordhinaya horumarka dalka. Heshiiskaan ayaa calaamad u ah garab istaaga aan shuruudu ku xirnayn ee walaalaheena Qadar ay la garab istaageen shacabka Soomaaliyeed. Aan dib u milicsano heshiiskii (New Deal) ee Dowladii hore ay gashay kaas oo lagu saxiixay aduun gaaraya 2.5 Bilyan oo dolar, oo wadamada deeqda bixiya ugu wanqaleen wax ka qabashada amniga, horuamrinta adeega bulshada, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, kor u qaadida tayada hay’adaha dowlada iyo gar gaarka bani aadantinimo. Mudadii 4-ta sano ahayd ee uu socday barnaamijkaas ma jirto ilaa iyo hada wax la taaban karo oo dalka looga qabtay lacagta intaas le’eg, waxaana dhaqaalahaas badankiisu ku baxay shirar ka dhacaya dalka dibadiisa iyo gudihiisa, la taliyayaal sare oo ka socday caalamka, diyaarado maalinba meel u duulayey, waxaa xusid mudan in diyaaradaha qaarkood malin kasta looga soo shaqo tagi jiray magaalada Nairobi galabtiina ay rawaxin jireen shaqaalaha ajanabiga ah. Dowladan cusub ayaa gabi ahaanba iska diiday in shirkii bisha May, 2017-kii ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska in Soomaaliya la galiyo barnaamij la mid ah New Deal, waxaase taa badalkeedu dowladu dalbatay in lagu taageero “Qorshaha Horumarinta Qaranka” (National Development Plan) oo ah barnaamij Soomaalidu leedahay oo ay dajisay Wasaarada Qorshaynta ee XFS, waxaana ay ku wargalisay beesha caalamka ciidii rabta in ay Soomaaliya taageerto wixii dhaqaale ay u soo marsiiso halkaas si wax looga qabto meelaha mudnaanta u kala leh dowladda. Lacagtii ugu badnayd ee hal mar la siiyo dowladii hore ayaa ahayd in ($ 50 milyan oo doolar) oo ay bixisay dowlada sucuudiga, lakiin shuruudaha ku xiranaa lacagtaas ayaa ahayd in la gooyo xiriirka siyaasadeed ee Dowladda Iraana la leedahay Soomaaliya, waxaana go’aankaas lagu fuliyey in kayar usbuuc. Halka ka akhriso lifaaqa qoraal ay soo qortay Rauters xiligaas.https://www.reuters.com/article/us-somalia-saudi-iran/somalia-received-saudi-aid-the-day-it-cut-ties-with-iran-document-idUSKCN0UV0BH. Waxaa kale oo jiray lacago aan badnayn oo cadaan ah oo soo galay dalka, kuwaas oo dhamaan watay shuruudo adag. Waxaase marna la ilaabi karin in dowlada Turkiga oo ah dowlada kaliya ee kabta Miisaaniayadda dowladda sanad kasta aysan wax shuruud ah ku xirin gar-gaarka ay siiso Soomaaliya, waxayna dalka ka qabteen wax la taaban karo laga soo bilaabo 2011-kii. Dowlada Soomaaliya oo ku fa’iiday Siyaasadii dhex dhexaadnimada ahayd Dad badan oo siyaasada gobolka iyo tan caalamka u dhuun daloola ayeey ku noqotay lama filaan kadib markii dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqay in khilaafka ka dhaxeeya dalalka khaliijka ay dowlada Soomaaliya qaadatay door dhex dhexaadnimo. Waxaa durbaba la isla dhex yaacay warar been abuur ah oo sheegaya in Soomaalida ka shaqaysata Sacuudiga la soo tarxiilayo dhamaantood, in ganacstadii xafiisyada ku lahayd Dubai waqti ay dalka uga baxaan loo qabtay, in xoolihii Soomaaliya ee Sucuudiga aadi jiray la joojinayo, in lacago badan lagu bixinyo sidii dowlada looga keeni lahaa mooshin, iyo in maamulada gobolada dhaqaale la siin doono si ay uga horyimaadaan dowladda, balse taa badalkeeda dowlada waxay u noqotay guul in go’aankaas ay qaadatay una soo hooyey magac iyo sharaf weyn, waxaana meesha ka muuqatay in Soomaaliya ay noqoto wadan lala tacaamuli karo madaama go’aankooda ay u madax banana yihiin, waxaana dowladu ku guulaystay in ay xiriir saxiibtinimo la yeelato wadamada dariska ah oo dano kala duwan wata iyo dalalka khaliijka oo khilaaf xuni soo kala dhexgalay. Dhinaca kale waxaa jiray dad yar oo qabay in “Waa Baahanahay aan Bakhti loo cunin” Go’aanka Soomaaliya qaadatayna u arkay mid ka turjumaysa qab-weyni iyo sharaf, mid ka turjumaya madax-banaanida dalkeena, mid ka turjumaya go’aan qaadashada madaxdeena iyo mid ku qotoma inaan soor quureed la qaadan. Dalalkaan khaliijka ee dirirta siyaasadeed dhex martay ayaa dhalyo ahaan, dhaqan ahaan, is dhexgal bulsho ahaan, darisnimo, carabnimo iyo ceelasha saliida oo dhuumahoodu isu wada daloolaan aysan kala maarmi karin oo ay mar uun heshiin doonaan, sidii Sacuudiga iyo Sweden uga heshiiyeen xurguftii siyaasadeed oo dhexmartay June, 2015-kii, taas oo horseeday in Soomaaliya ay ku canbaarayso Sweden waxaana dowladda Soomaaliya tiri xiligaas “Dowlada Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa oraahda ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, taas oo la xariirta inuu dhexgalo arimaha Sacuudiga. Dhaqaka noocaan ah wuxuu si cad u mamnuucayaa cadooyinka siyaasadeed iyo sidoo kale sharciga caalamiga ah ee u dhaxeeya wadamada” Waxaan xasuustaa xiligii Dowladda Cabdullahi Yusuf Axmed AUN Madaxwynaha ka ahaa oo ay daganayd magaalada Jowhar 2005-tii, ayaa waxaa booqosho noogu yimid safiirka Shiinaha u fahdiya Kenya, wuxuuna noo keenay jeeg ay ku qoran tahay $100,000 (Boqol Kun oo dollar) waxaana loo qabtay xaflad lagu gudoonsiinayo dowlada lacagtaas. Waxyna maalinkaas noogu dhignayd marka loo fiiriyo duruufta dhaqaale ee xiligaas jirtay mucaawino aad u balaaran oo naga soo gaartay dalweynaha Shiinaha. Hada marka la fiirsho baahiyaha ay Soomaaliya qabto ee dhan kasta ah $ 200,000 Milyan maahan lacag badan, balse wadan ku dhiiraday inuu intaas bixiyo waxaan u ahayn abaal weyn, taariikhada ayaana xusi doonta deeqda Qadar ay bixisay. Gabagbadii, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyey siyaasada arrimaha dibaada, wuxuuna salka u dhigay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya caalamka iyo dalalka aan dariska nahay. Waxaan sidoo kale amaan iyo bogaadin u soo jeedinaya dowladda Qadar oo si deeqsinimo ah dhaqaale aad u faro badan ugu deeqaday Soomaaliya, dhaqaalahaas oo noqonaya kii ugu badnaa oo hal mar la siiyo dowlada Soomaaliya. Waxayna daliil u tahay in dowladnimada Soomaaliya ay qaangaar noqotay isla markaan abuurtay jawi hufnaan iyo is aaminaad ku dhisan. Waxaan aad u rajaynaa inaan la dayicin fursadan oo qandaraaska lagu bixinayo dhismaha wadooyinka la siiyo shirkado aqoon durugsan u leh dhismaha laamiyada si xorr ah oo xalaal ahna loogu tartamo. By Diraac Fagaase The post Faallo:- Qaaraanka ay Qadar ku deeqday, qofba si u qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Dalka Ivory coast ee Galbeedka qaaradda afrika. Madaxweynaha iyo wafigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo xaaladda wadanka Soomaaliya iyo tan afrika. Shirkaan oo u dhaxeeya Madaxda afrika iyo Yurub ayaa la sheegay in looga hadli doono Guud ahaan xaalada siyaasadeed mid dhaqaalo iyo dhinaca amniga ee wadamada Africa waxaana wadamada xoogga lagu saarayo ka mid ah Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka jeediyo khudbad ku saabsan Xaalada Soomaaliya, dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa madaxda qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Ka Qeyb Galaya Shir u dhaxeeya Madaxda Afrika iyo Yurub oo Ka Dhacaya Ivory Coast appeared first on Puntland Post.
-
Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacday gobolka Bari aya a lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ISIS (Daacish). Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Puntland iyo Mareykanka ayaa ka dhacday deegaanka Boholle oo 70 KM dhanka bari ka xigta degmada Boosaaso. Wali lama shaacin magaca taliyahan ka tirsanaa Daacish ee duqeynta lagu dilay. Muddooyinkii dambe waxaa la ballaariyay howl gallada ciidan ee cir iyo dhulba leh ee lagu bartilmaameedsanayo Alshabaab iyo Daacish. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab ayaa lagu laayay meel u dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ka dib duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday saldhig ay ka soo abaabulayeen weerar ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegaya in Alshabaab iyo saraakiishooda sar sare ay bilaabeen in ay raadsadaan meel ay gabbaad ka dhigtaan, ka dib markii ay joogto noqdeen weerarrada cirka iyo dhulka ee ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo xulafadeedu. PUNTLAND POST The post Duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Daacish iyo ilaaladiisa appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamad ku taala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay dambi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah. Maxkamadda ayaa sheegtay in labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka Soomaaliga ah weeraray ay soo gaareen dhaawacyo kuwaasoo markhaati furayaal ka ahaa dhageysiga dacwada kiiska ninkan Soomaaliga ah. Sidoo kale Xeer ilaalinta maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbiga lagu soo oogay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo bareer ah, iyo inuu dhaawac u geystay dad aan waxbo galabsan. Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay ee ah inuu rabay inuu dil geysto, balse waxaa maxkamada ka markhaati furay dhowr kamid ah dadkii goobjooga ka aha dhacdadaas. Maxkamadda kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa sidaan oo kale xukuno ugu riday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal dambiyeedyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xukumay 10 sano oo Xabsi ah Dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka kenya dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ka Tirsan Ciidamada Kenya oo marayay wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu. Weerarka ayaa ku bilowday miino dhulka ku aasneed oo la kacday mid kamid ah Gawaaridda Ciidamada Kenya waxaana xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada Booliska Kenya iyo ragii ka tirsanaa Al-shaabab. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada. “Al-shabaab ayaa weerar lagu gubay sedax gaari oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya ka fuliyay inta udhaxaysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Lamu” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Wali wax war ah kama soo bixin Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay lamu ay shabaab geysteen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Jidka u Galay Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed ”Odawaa” ayaa ka hadlay wadahadalka magaalada Jabuuti uga socda maamulada Galmudug iyo Ahlusuna. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad usoo dhaweynaayo wadahadalada ka furmay Jabuuti ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna. Waxa uu Odawaa sheegay inay muhiim tahay in labada maamul ay xiligaan wada garteen xaqiiqda iyo faa’iidada ku jirta in la heshiiyo waxa uuna ku taliyay inaan lagu kala tagi wadahadalka socda. Waxa uu Xildhibaanka tilmaamay in qaabka ay hadda wax u socdaan ay ka dhadhaminkaraan inay jirto rajo ku aadan midow iyo kala danbeyn dhexmara labada dhinac. Waxa uu sheegay inay rajeynayaan in wadahadalada ka furmay Jabuuti inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo u horseeda dadka Galmudug Midnimo. Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaadato heshiisiinta labada dhinac iyadoo la eegaayo danta guud maadaama ay iminka muuqato isku soo dhawaansho. Haddalka Odawaa ayaa imaanaya xili dhawaan Hogaamiyaha Ahlusunna uu shaaciyay inay la midoobayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay qaadan doonaan dhaliilahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Militants loyal to the Al-Qaeda linked Al-Shabaab have reportedly fled to the central region following the US airstrikes on their bases in southern Somalia. The commander of Somali National Army (SNA) in Hiran region, Gen Mohamed Ahmed Tredishe, stated that they had received reports of the Al-Shabaab militants vacating parts of Hiran. “Villagers and pastoralists have been reporting that militants who appeared to have abandoned their bases in southern Somalia have reached some areas in the central region,” said Gen Tredishe at a press conference in Beledweyne town, the capital of Hiran region. Beledweyne town lies some 335km north of Mogadishu. Further north There were reports that the jihadists also wanted to move further north to Galgaduud and Mudug and even to the northeastern regions in the semi-autonomous Puntland State. “We will not allow Al-Shabaab militants to hide in the mountainous area of the central regions or move on to the eastern regions,” stated Gen Tredishe. The fleeing militants are said to have come from the Al-Shabaab bases in Lower Juba, Gedo and Lower Shabelle, the scenes of recent bombardment by US drones supporting the government of Somalia and the African Union forces (Amisom). Last week, a US defence official was quoted by CNN, saying the strike on an Al-Shabaab training camp was carried out by a manned aircraft, killing 100 militants. The fight The strike reportedly occurred 125km northwest of Mogadishu. Since October 14 when a huge car bomb killed nearly 400 civilians in Mogadishu, the Somali government and Amisom troops have initiated more aggressive military campaigns against the jihadists. In March, President Donald Trump enhanced the US military’s authority to intensify airstrikes in the fight against the Somali insurgents. Source: – Theeastafrican
-
The Qatar Development Fund (QFD) has pledged to support the Somali economy through a package of $200m worth of projects in the fields of infrastructure, education, economic empowerment, By signing a partnership agreement with the Somali Government aimed at strengthening its efforts in the area of stability and economic development. The agreement was signed by H E Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, Director General of the Qatar Development Fund and HE Jamal Mohammed Hassan, Minister of Planning, Investment and Economic Development, representing the Somali government. The project includes the implementation of several developmental projects including the construction of the Mogadishu-Jawhar road for 90 km, the Mogadishu-Afgoy road with a length of 30 km, the rehabilitation of the prime minister’s building, the rehabilitation of the Ministry of Planning, Investment and Economic Development, the rehabilitation of the Mogadishu municipality building, And building the building of the Diplomatic Institute in addition to supporting the Silatech Foundation to empower unemployed youth through vocational and technical training projects in the various Somali government and states. The projects will also include the signing of a memorandum of understanding to support education programs in Somalia between the Qatar Development Fund and the Education Foundation above all. H E Khalifa bin Jassim Al-Kuwari, Director General of the Qatar Development Fund (QFD) said that this commitment is part of the commitment of the State of Qatar to the brothers in the Somali government and people. It is an extension of a number of development projects between the two countries. Economic empowerment and job creation for youth and empowerment of women. He added that the State of Qatar is keen to strengthen the efforts of the Somali government to achieve its national interests. “We are grateful for the support of the State of Qatar over the past years,” said HE Jamal Mohammed Hassanouser, Minister of Planning, Investment and Economic Development of Somalia. He also stressed that the bilateral relationship between the two countries has been outstanding. He also praised the support provided by the State of Qatar in other fields, Humanity, education and health to restore Somalia’s health. Source – The Peninsula Qatar
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee uu yeelan doono maamulka. Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa bilaabay shirinta qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee hadda ku sugan magaalada Jowhar. Waare ayaa lagu wadaa in 24 saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadiisa iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle. Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim ”Balcad” oo ka mid ah Xildhibaanada HirShabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in mudo 48 saac gudahooda la magacaabi doono Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle. Xildhibaan Balcad, ayaa sheegay in Waare uu la tashtay xitaa Xildhibaanada isla markaana aanu u harsaneyn la tashiyo kale magacaabis mooye. Waare ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo wadatashi ah oo uu la qaadanayay waxgaradka iyo xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle, isagoo kala hadlayay sida ugu wanaagsan ee loogu soo dhisi karo Golaha wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa gashay feejignaan oo ka dhan ah qatarta amni ee kaga imaan karta firxadka maleyshiyaadka Alshabaab ee ka baxsanaya duqaymaha Maraykanka uu kula beegsanayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. iyagoona doonaya inay gabbaad ka helaan buuraleyda Golis. Sida warsidaha Puntlandi uu xogta ku helayo waxay dowladda Puntland xoojisay ammaanka baraha kantaroolada ee lagasoo galo Puntland, waxaa kale si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Sargaal katirsan hay’addaha amniga oo ka gaabsaday inaan xusno magaciisa ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in dowladda Puntland loosoo gudbiyay xog ku saabsan boqolaal katirsan Shabaab inay iskudayayaan inay gaaraan Galgala, “Puntland ciidankeeda iyo sirdoonkeedu si aad ah ayuu ula socdaa halista argigixisada. Waxaan idiin xaqiijin karnaa in sirdoonka dowladda federalka soo gudbiyeen farriin amni oo ku saleysan in laga digtoonaado dagaalamayaaal shabaab ah oo iskudayaya inay si shacab ah ku galaan Puntland, kadibna usii gudbaan buuraha Golis. Dowladda Maraykanka ayaa labo jibaartay duqeymaha ka dhan ah kooxaha argigixisada ah, iyadoo arrintaan ay keentay inay isisoo dhiibaan boqalaal katirsan argigixisada oo adkaysan waayay duqeymaha isdaba jooga ah ee Maraykanka la beegsanayo xarumaha argigixisada ku sugan yihiin. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta magaalada Nairobi kaga sii socdaalo dalka Ivory coast, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa. Madaxweyne Farmaajo oo ka bixi doona magaalada Nairobi ayaa la filayaa in mudada uu ku sugan yahay dalka Ivory coast uu halkaa uga qeybgalo shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. Shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub oo ay marti ku yihiin Madaxweynayaal dhowr ah, ayaa waxaa looga hadli doona arrimo khuseeya xiriirka labada qaaradood ee uu shirka khuseeyo. Shirka ayaa qodobada looga doodi doono waxaa kamid ah xaaladaha ka taagan Somalia iyo kaalinta wax ka qabadkeeda kaga aadan dowladaha uu shirka u dhexeeyo. Madaxda lagu marti galiyay Khudbada ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo oo Khudbadiisa kaga warami doona xaalada dhabta ah oo ay ku shaqeyso dowladiisa iyo waxyaabaha la gudboon. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ivory coast, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalkaasi tan iyo markii loo doortay xilka, waxaana xusid mudan inuu noqon doono Madaxweynaha ugu horeeya ee socdaal ku gaari doona Ivory coast. Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa xaalado kala duwan oo ay ka dhaxashay burburka dowladii Dhexe, waxaana iminka u bilaabanaaya dadaaladii ay ku baadi goobi laheyd degnaanshiyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo xiligaa ku guda jiray howlgal. Maleeshiyaadkan oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la xaqiijiyay inay wadada u galeen gaadiidkas. Maleeshiyaadka ayaa weerarka qaaday xili ay ciidamada marayeen wadada xiriirisa degaanada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan Gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu. Ciidamada Kenya ayaa weerarka inta uu socday looga gubay Seddex gaari nooca dagaalka, halka laga dilay askar tirro ahaan lagu sheegay 11 oo la socday gaadiidka. Ciidamada ayaa weerarka looga dhaawacay Todobo Askari, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska xili ay ka warbixinayeen sida ay wax u dhaceen. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka looga dilay 6 maleeshiyo oo la sheegay inay sababsadeen qoriga loo yaqaan Sabanka oo ay adeegsadeen ciidamada Kenya. Geesta kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka Kenya ay ka qiratay dhabar jabka soo gaaray. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago wadanka Ivory coast, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. Shirkaan ayaa looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood, waxaana sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono shirkaan kamid ah xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
-
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Garowe. Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari yar oo ay la socdeen dadka shilkaan galay, kuwaas oo maydkooda iyo dhaawacooda la geeyay isbitaalka guud ee Garowe. Gobolka Nugaal ayaa noqday meelaha ugu badan ee ay shilalka ka dhacaaan. Puntlandi.com
-
Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen gabaldhacii Taladaada (shalay) kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya. Ciidamada Kenya oo marayey waddo isku xirta Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa la sheegay in dagaal xooggan ay kala kulmeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Larry Kieng, taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu ayaa sheegay in markii Al-shabaab soo weerarayeen ciidankooda ay galbinayeen Basas badan oo shacab saarnaa, waxaana meel howt ah uga soo baxay dagaalyahanno hubeysan. Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 4 kamid ah ciidamada Kenya, sidoo kalena laga gubay Saddex gaaro. Taliye Kieng waa uu beeniyey in dhankooda gaadiid laga gubay, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay nabad qabaan dhammaan shacabkii ay galbinayeen. Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, iyadoo marar badan sidan oo kale ay u weerareen gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya. Goobjoog News Source
-
Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka golaha wakiillada Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay ka maqnaanshiyaha deegaanka dhammaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulkaasi oo hadda midkoon aanu joogin. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka ay jabiyeen qodob kamid ah dastuurka, maadaama ay dhammaantood ka maqan yihiin degmada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug. Xildhibaanka ayaa uu sidoo kale sheegay in madaxdan ay ka tallabsadeen dastuurka, islamarkaana ay doonayaan in wax walbo lagu xalliyo xeer jajab. “Arrintaan Dastuurka Galmudug waa ay ku caddahay, waxaana aad uga hadlay qodobka 53-aad kaas oo tilmaamaya sii haynta xilka madaxweynahana, wuxuuna ka kooban yahay Afar qodob, waxaana ugu horreeya hadii madaxweynaha maqanyahay waxaa xilka sii hayna ku xigeenkiisa, haddii ay Labadooda maqan yihiin waxaa sii haynaya guddoomiyaha baarlamaanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahay waxaa sii haynaya guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, kan ugu dambeeya waxa weeye in madaxdaan kor lagu xusay aanay Hal mar dalka ka maqnaan karin” ayuu yiri Xildhibaan C/wahaab. Ugu dambeyn, Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud ayaa sheegay in haddii la fuliyo sharciyada lagu heshiiyo uu meesha ka baxayo wax walbo oo khilaaf ah. Goobjoog News Source
-
Guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa Goobjoog u faah faahiyey kormeer ay ku tageen xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Ciise iney soo arkeen dhallinyaro aqoonyahanno ah, dhaqan wanaagsan ka muuqda, Soomaali oo dhan ka kooban oo lagu tababaro halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qeybaha ay xeradaasi ka kormeereen ay kamid tahay dhanka tababarka ciidamada Cirka, balse fasalladii tababarkaasi loogu talogalay aanay cidna joogin, isaga oo sheegay in saraakiishii halkaasi ku sugneyd u sheegeen in kaliya ay dowladda Federaalka ka sugayaa raggii dhanka cirka loo tababari lahaa. “Muhiimad ugu weyn waxay ahayd inaan aragno inaan dalka gudahiisa ku leenahay xaro aan ku tababarano ciidamada, waxaan soo aragnay tababaradii socday, laakiin dhinac ciidamada cirka fasaladoodii cid fadhida malahan, waxayna inoo sheegeen in dhankeena oo kaliya la sugayo inaan soo dhammeystirno dadkii loo xuli lahaa arrintaasi” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise. Xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho ayaa ah xero aad u weyn, waxaana lagu tababari doonaa ciidamo badan oo Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
-
Dowladda Maraykanka, gaar ahaan taliska ciidamadaasi ee ku sugan Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya iyo sidoo kale ilaaladiisa. Waxaa qoraalkan lagu xaqiijiyey in duqeyntii ka dhacday todobaadkii tagay saldhig ay daacish ku lahaayeen deegaan 70KM qiyaastii u jira magaalada Boosaaso ay ku dileen sarkaalkan iyo 15 kamid ah ilaaladiisa. Magaca sarkaalkan ma aanay sheegin, balse waxay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan. Dowladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe waxay dalka ka wadday howlgalka dhanka cirka ah oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsanayaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo saraakiishooda. Goobjoog News Source