Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go’aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya. Qalbi Dhagax wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ONLF, wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya, balse dowladda ayaa ku wareejisay Itoobiya oo muddo raadineysay. Hadaba maxaa laga dheehan karay warbixinta uu guddiga baarlamaanka Soo saaray. 1. “Isla xisaabtan” Dhiibidii Qalbi Dhagax waxaa ka dhashay xanaaq ka dhan ahaa dowladda, waxayna dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho. Ka dib baarlamaanka ayaa u saaray guddi baara kiiskaasi, waxayna sheegeen in ay wareysteen wasiirro, agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo lala xiriirinayay dhacdada. Sakariye Yusuf oo ku taqasusay sharciga ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujineyso in lala xisaabtamo dowladda, golaha shacabkana uu qabsaday shaqadii loo xil saaray. “Awoodda qaranka waxaa iska leh sharcidejinta, ayagaana leh howsha xakameynta iyo dabagalka dowladda, ansixintana waa shaqadooda”, ayuu yiri Abukaate Sakariye. Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa mid ka mid ah waajibaadka saaran oo ah in ay ogaadaan waxa dowladda qabatay ma sax baa mise waa qalad”. Xildhibaanada arrinta loo xilsaaray ayaa sharcidarro ku tilmaamay dhiisbidii Qalbi Dhagax, waxayna sheegeen in “aan qof dambe dal kale loo dhiibin ayadoo aan la raacin sharciga dalka”. Xildhibaanada qaar ee ka hadlay kullankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay warbixinta baaritaanka ayaa dalbaday in “la soo celiyo Cabdkariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax)”. Warbixinta oo golaha shacabka uu u codeeyay waxaa lagu lifaaqay heshiisyadii dowladda ay sheegtay in ay u cuskatay dhiisbidii Qalbi Dhagax, iyo shuruuc kale oo caalami ah. 2. Labada Go’aan (Midka baarlamaanka iyo kii xukuumadda) Guddiga sameeyay baaritaanka ayaa sheegay in aan dhiibidda Qalbi Dhagax loo marin hannaan sharci ah. Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh) oo gudoomiye u ah guddiga 15-ka xubnood ka kooban ee loo saaray baaritaanka arrintaas ayaa baarlamaanka u sharaxay wixii u soo baxay. “Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay’adaha garsoorka,” ayuu yiri Cali Xoosh. Wuxuu intaa ku daray, “Waxaa arrinta maareysay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, laguna saleeyay go’aan ku saleysan qodob aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka”. Golaha Wasiirada ayaa horey u difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax waxayna sheegeen in loo cuskaday labo heshiis oo kala ahaa: Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Balse heshiisyadaasi ayaa horey loo dhaliilay sharci ahaantooda. Abukate Sakariye oo horraantii bishii Sebtembar la hadlay BBC-da ayaa sheegay: “Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo” ayuu yiri Sakariye. Hadaba labada go’aan ee kala ah midkii dowladda ay Itoobiya ugu wareejisay Qalbi Dhagax iyo kan hadda uu qaatay Baarlamaanka, midkee sax ah ama loo hoggaansamayaa? Sakariye Yusuf oo khabiir ku ah arrimaha sharciga ayaa ku doodaya in dowadda ay qasab ku tahay in ay qaadato go’aanka uu baarlamaanka shalay gaaray. “Dowladda dhexdeeda ayaa laga rabaa in ay masuuliyadda sii qaadato, oo wixii dhacay sidii ay ku sixi lahayd ah, sababtoo ah baarlamaanka go’aanka uu qaatay waa mid sharci ah,” ayuu yiri. Maxay tahay ONLF ? Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho. Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan. Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha. Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya, Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya. 1. ONLF iyo Qalbi Dhagax ma “argagixisa” baa? Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in “Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.” Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in “ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah.” Markii uu sare u kacay dhaliishii dowladda loo jeedinayay ee la xiriiray Qalbi Dhagax, golaha wasiirada ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in ONLF iyo Al-Shabaab ay yihiin ururo argagixiso. Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa “falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.” ”Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar. Abukate Sakariye oo maanta BBC Somali la hadlay ayaa yiri: “Haddii baarlamaanka uu si aqlabiyad ah ugu codeeyay, wixii maanta ka dambeeya waxay noqoneysaa sharci in Soomaaliya aysan u aqoonsanayn, oo ONLF aan la dhihi karin waa argagixiso.” “Go’aanka baarlamaanka ayaa maanta wixii ka dambeeya dalka ka noqonaya mid sharci ah, ONLF ma noqonayaan argagixiso, dalka dhexdiisana dembiilayaal kuma noqonayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray. BBC
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax kusii jiro gacanta dowlada Ethiopia ayaa waxaa Xildhibaanadaasi ku biiray Axmed Fiqi oo ka tirsan baarlamanaka Somalia. Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay inay khalad tahay in arrinta Qalbi Dhagax loo sameeyo marmarsiyo, waxa uuna xaqiijiyay in Kiiska Sarkaalkaasi uu yahay mid lamariyay wado aan xaqiiq aheyn. Fiqi ayaa sheegay in dadkii ay guddigii baaritaanada waday wareysteen aysan aheyn kuwo awood weyn ku leh dalka, sidaa aawgeed la marin habaabiyay kiiska Qalbi Dhagax. Xildhibaan Fiqi, oo ay xiganeysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaan ay ku wanagsaneyn in wax badan laga weeydiiyo madaxdii dalkaan lagu aaminay balse aan lala aadin Hay’adda Nabadsugida oo waajibkeeda gudaneysa. Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasoo qabqabto shaqsiyaadka howlgalkaasi ku taliyay ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugida, waaba haddii ay jirto eedeynta loo jeediyay Hay’adda, sida uu hadalka u dhigay. ”Arrintaan waa inaan la dhaliilsan oo gacanta lagu soo dhigaa shaqsiyaadka ku lug lahaa Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax. waxaa khasab ah in la maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa kiiska” Waxa uu sidoo kale cadeeyay in arrintaani aan looga hari doonin dowlada Somalia, inta meel looga hubsanaayo kiiska Qalbi Dhagax. Geesta kale, waxa uu Axmed Fiqi ku baaqay in dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa dalka ay keenaan cadeynta sababta ay u dhiibeen Qalbi Dhagax, maadaama ay iyaga qaaden mas’uuliyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay Somalia usoo dirtay Markab siday Hub noocyo kala duwan leh. Hubka ayaa la sheegay inuu isugu jiray kuwo Deeq iyo deeq ah, oo inta badan u socday dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladu ay ka go’day saadka Hubka. Qoraal kusoo baxay wargeyska Middle East monitor ayaa lagu sheegay in xogta Hubkaasi ay heleen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia. Wargeyska oo xiganaaya ilo ka tirsan Guddiga cunaqabataynta ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay ka talaabtay xadka iyo sharciyada lagu mamnuucay Hubka la geeya Somalia. Guddiga cunaqabataynta Hubka ayaa dowlada Imaaraadka ku eedeeyay in Somalia ay u daabulaan Hubka noocyada kala duwan ee qaarkood halista galinkara rajada laga qabo dib usoo kabashada Somalia. Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Somalia kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah, sida uu qoray Wargeyska isla markaana ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Guddiga. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hubka uusan aheyn keliya midka loo ogolyahay Somalia, balse ay jiraan macluumaadyo kale oo muujinaaya in Hubka lagu wareejinaayay Doonyaha ay ku jireen kuwo culus oo mamnuuc ka ah Somalia. Waxaa lagu xusay warbixinta in Hubka uu Imaaraadka u iibkeenay Somalia uusan ugu horeyn kan, balse ay dhacday in muddo dhowr jeer ah ay Imaaraadku jabiyeen sharciga isla markaana Somalia u rareen Hub kala duwan, sida ku cad warbixinta Guddiga. Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu daray in dowlada Imaaraadka carabta ay si xooli ah u dhiseyso Saldhiga Militery ee Barbara taa oo ka dhigan in la doonaayo in Hub farabadan lagu guro Somalia. Dhinaca kale, Madaxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su’aal ku saabsan Hubka ay u raraan Somalia oo ay weydiisay Jariidada Middle East Monitor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Tan iyo markii la dhiibay sarkaarlkii ka tirsanaa ururka “ONLF ” Waxa taagneed doodda ku saabsan dhiibidiisa, iyo in ururka ” ONLF” loo aqoonsado argagixiso. Go’aanka shalay uu qaatay Baarlamaanka kaddib xogtii guddiga baaritaanka ma aheen mid eey fillaayeen Dadka fallanqeeyo siyaasadda Soomaaliya, waxaase dhici karta in eey Jiraan wax yaallo soo dadajiyey. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa awoodda sharci ee loo cuskaday Go’aankaan iyo saameenta uu leeyahay dhanka siyaadda . Ururka “ ONLF” ma yahay urur argagixiso? Ururka”ONLF ” waa urur ah Gobnnimo udirir oo aas aasmay 1984, waxuuna udagaalamaa Sidii Dhulkii loo yaqaanay Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya ooga bixi lahaayeen Xukunka Dowladda Ethopiya, arrintaa oo aheed yiddiillo dad badan oo Soomaali ah, kunna Naf waayeen hal- gamaayl soomaaliyeed dagaaladdii soomaaliya iyo Ethopiya 1977. Ururka ONlF ma aha urur udiiwaangshan ururadda argagixisidda, kumana jiro liiska Argagixisadda, Dowladda Ethopiya ayaa ka dalbtay Dowladda maraykanka horaan ineey ku darto liiska aragagixisadda, laakinn way diiday Washington Dalabka Addis Ababa. Sababtoo ah waxaa jirto mabaaddii lagu heshiiyey caalamka, kuna jirto xeerka caalamiga ah ” International law” taas ah oo Tibaaxeeso shucuubta ineey xaq uleeyihii katashigga Aayahooda” The right of peoples to self- determination“, Dadkana aan lagu gumeesan Karin hab kasta oo loo maraba. Waxaa xusid mudan Haay’ada xuquuqul insaanka udoodo Ee “Human Raights watch ” Ineey isku si u canbaareeso Dowlaada Ethopiya iyo Ururka ONLF, eeyna galaan labadaba Danbiyo lid ku ah xuquuqda aadanaha ” crimes Against Humanity” ee mid gooni ah eeysan Eed kala dul-dhicin. Ururka waxuu xafiisyo kuleeyahay Wadamada Caalamka iyo kuwa Ethopiya Dariska la ah intaba, sidaas darted ma aha urur argagixiso ah waana sida eey guddiga sheegeen. Hadaba Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya maxay ka qabaan dhiibidda danbiille? Marka laga hadlayo dhiibidda danbiilayaasha ama Eedeesanayaasha (Extradition), waxaa jiro labo nooc oo lakala qaado Danbiyo siyaasadeed “ Political crimes” iyo kuwa kasoo harey “Criminal offense”. Hadaba Dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo Heshiisyada dunida ma ogolo in la dhiibo Danbiile siyaasadeed, xataa lagama gali karo Heshiis dhiibida Danbiile siyaasadeed, hadii lagalana waa mid aan waxbo kama jiraan ah. Danbi siyaasadeed waxaa lagu qeexaa “midka loo galay dana siyaasadeed sida mid urur gobnimo doon ah, siyaasi is badal doon ah uu galay”. Waana midka loo heesto saraakiisha “ONLF”, tusaale haddaan ku siiyo heshiiskii maraynka iyo Turkiga 1979, waxuu dhigaayey in la is waydaarsado Danbiilayaasha, marka laga reebo kuwa Danbi siyaasadeed loo heesto, oon heshiis laga gali Karin. Waana sababta udiiday maraykanka wareejinta Fathulalli Gollan oo loo heestay Afganbiggii Dhicisoobay Ee turkigga. Sharciyada uyaal Dalka soomaliya ayaa diidan dhiibidda danbiile siyaasadeed, Tusaale Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, Q.11aad, Faqrada 3aad waxay aroneesaa: ma banaano Dhiibidda siyaasadeed. Taasi waa midda guddiga eey sheegeen in lagu saleeyo dhiibid kasta inta laga soo saaraayo Sharcigga isucelinta danbiilayaasha. Marka laga reebo Danbiyadda siyaasadda, ma aha in la iska dhiibi karo waxii kasoo haray, Sharciyada caalamiga ah waxay ilaalinayaan Xuquuqda dadka in lagu tunto, waxaana lagu Xiray danbiilaha aan galin danbi siyaasadeed shuruudahaan soo socda: inuu danbiga loo heesto ka yahay dani sharciyadda labada dalba in uu jiro heshiis isucelin danbiilayaal oo udhaxeeyo labada dalba. in xukun maxkamadeed ku dhacay oo qofka la wareejinayo. Markii la helo shuruudaan ayaa waxaa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda laga Rabo danbiilaha, laga codsan karaa wareejinta danbilaha, loona soo gudbinaya Galkiisa oo wato xukunka maxkamadda. Dastuurka ku-meelgaarka ah Q.36aad Ee ka hadlaya arrinkaan ayaa oronayaa : waa in isucelinta eey tahay mid waa faqsan sharcigga, jirana heshiis Caalami ah oo ku waajibanayo soomaaliya celinta Danbiilo ama eedeesano, sidoo kale sharciga isucelinta waxuu uxilsaaray Dastuurka Baarlamaanka. Sidaas ayuu go,aanka guddiga ucuskaday sharciyadda dalka, sidoo kale markii lagalaayo heshiis sida waa in lasoo mariyaa baarlamaanka sida ku qoran Dastuurka ku-meel gaarka ah Q.90, Faqradiisa (Q). Arrinta kale ee mudan in la dhiira galiyo ayaa ah q.9aaad ee uddiga soo jeediyey taas Oo aheed waa in dib loo aruuriyo mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo taniyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada, taas Oo caawin doonta haay,adaha dowladda, cilmi baarayaasha iyo dadka Daneeyo Soomaaliya dhamaan. Saameenta siyaadadeed ee go’aanka baarlamaanka . Dhiibiddii qalbi dhagax waxay direesay farriin ah in soomaaliya eey ka gudubtay fikraddii soomaali wayn, dowladda itoobiyana eey qof doonto kala bixi karto Soomaaliya, taas oo ubilowday soomaaliya iyo itoobiya xariir cusub oo Saaxiibtinnimo ah. Lkn go,aanka Baarlamanka ayaa ah farriin ka duwan taas , lagana aqrisanaayo Dadka Soomaalida ah inney yihiin kuwii 1960,1970 eeyna wali fikradii eey aaminsanyihiin waxaa tusaale u ah 152 xildhibaan oo ku kala arragti duwan siyaasadda iyo Xisbinnimadda ineey isku raaceen codkooda ku aadan arrintaa. Arrinkaan ayaa saameen ku yeellan karo dagaalka dowladda eey shaacisay kaas oo la Sheegey in lagu afjaraayo shabaabka itoobiyana eey ka tahay Lafdhabarka. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in eey jiraan wax yaallo soomaalida ka Mideesantahay si kasta ooy ukalla arragti duwantahay, taasna waa rajo wanaagsan oo Dabreeso damaca siyaasigga. W/Q: Cali Sheekh Adam Yuusugf (Cali Soomaali) Qoraa arrimaha sharcigga iyo siyaasadda Kala Xiriir: calisomali400@gmail.com
  5. Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago. Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale. Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin. Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga. Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan. Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe. Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah. BBC
  6. Madaxweyne Robert Mugabe ayaa shaagay in uu xilka sii hayn doono todobaadyada soo socda,kadib khudbad si weyn loo sugayey oo uu ka jeediyey Television-ka dalkaasi. Mr.Mugabe oo ay weheliyaan saraakiil sare oo militeri ayaa sidoo kale sheegay in uu shir guddoomin doono shirka xisbigiisa ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor hore ku warrantay in Mugabe uu ogolaaday xilka in uu banneeyo,balse waxaa fajiciso noqotay markii uu shaaciyey warka la xiriira xilka in uusan ka degayn. Xisbiga SANU-PF ayaa Axaddi ugu baaqay in uu isku -casilo wax ka yar 24 saac,haddii kalena ay xilka ka qaadayaan,waxayna ka ceyriyeen hoggaaminta xisbiga oo uu hayey tan iyo sannadkii 1980. Mugabe oo ah 93 sano jir waa madaxweynaha keli ah ee uu yeeshay dalka Zimbabwe,kadib markii uu xorriyadda ka qaatay Waddanka Ingiriiska sannadkii 1980. PUNTLAND POST The post Robert Mugabe oo sheegay in uu xilka sii haynayo. appeared first on Puntland Post.
  7. Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen 20 arday oo cilmiga Saxaafadda ka bartay Mac-hadka Soomaali Journalism College ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Puntland,Waxgarad,Haween iyo dhalinyaro. Gudoomiyaha Mac-hadka Soomaali Journalism College, Jaamac Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka warbixiyey u jeedooyinka loo aas-aasay mac-hadka ayaa sheegay in hadafkiisu yahay sidii loo soo saari lahaa weriyaal xirfad iyo aqoon u leh saxaafadda iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Mac-hadkaan oo furan muddo sannad iyo bar ah ayaa waxaa ka baxay ilaa 50 arday oo bartay cilmiga Saxaafadda,kuwaas oo qaarlood ka shaqeeyaan xarumaha warbaahinta ee Garoowe,sida uu sheegay gudoomiyaha mac-hadka. Jaamac Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray” waxaan naga go’an inaan soo saarno suxufiyiin xirfad iyo aqoon sare u leh warbaahinta “isagoo tilmaamay in mac-hadku xarumo cusub ka furan doono Magaalooyinka Puntland. Qaar kamid ah Suxufiyiinta ka baxay mac-hadka ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta,waxayna sheegeen in aqoonta ay barten ay uga faa’ideynayaan dalka iyo dadka,islamarkaana ay wax ka baddeli doonaan Saxaafadda Puntland. Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku amaanay Mac-hadka Saxaafadda Soomaaliyeed ee Somali Journalism College dadaalku uu ugu jiro sidii uu soo saari lahaa suxufiyiin tayo leh iyagoo ardayda kula dardaarmay in ay sii kordhiyaan xirfadooda Warbaahinta. Sawirada. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Arday ka qalin-jebisay Saxaafadda oo XafLad Garoowe loogu qabtay. appeared first on Puntland Post.
  8. Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay badbaadiyeen markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya. Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan,ayaa badbaadiyey markabka kale ee weerarka lagu soo qaaday,waxaana la qabtay lix ka tirsan Burcad-badeedda iyo laba doomood oo ay wateen,sida qoraalka lagu xusay. Lixda nin ee la qabtay ayaa sitay qoryaha darandoorriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido RPG,waxaana weerarka ay qaadeen intii u dhexaysay 17-18 bishaan Nov. Qoraalka laguma caddeyn halka weerarkaan si gaar ah uga dhacay,balse waxaa la sheegay in ahayd meel kamid ah badweynta Hindiya oo Koonfurta kaga beegan dalka Soomaaliya. Qoraalka ay soo saareen Ciidamada la-dagaallanka Burcad-badeedda Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya laguma xusin waddanka laga leeyahay markabka la badbadiyey,halka uu ka yimid iyo dalka uu ku jeeday midna,laakiin waxa lagu sheegay in uu ahaa mid ganacsi oo sida shidaal. Sidoo kale lama shaacin magacyada lixda nin ee la qabtay. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Burcad-badeed markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  9. Xafiiska ra’iisul wasaarihi is-casilay ee Lebanon Saad al-Hariri ayaa sheegay in uu Talaadada soo socota booqan doono dalka Masar si uu ula kulmo madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi,kadib sarakiisi waddanka France. Al-hariri ayaa tan iyo Sabtidii joogay magaalada ee Paris , halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha France Emmanuel Macron, wuxuuna sheegay inuu ku soo laaban doono Lebanon maalinta Arbacada ah ee soo aaddan,si uu uga qayb galo xuska maalinta xorriyadda dalkiisa. madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa diiday in uu aqbalo is-casilaadda Al-hariri ilaa iyo inta uu gacanta uga dhiibayo warqadda istiqaalada,iyadoo xukuumadda dalkaasi ku baaqday in uu deg deg u soo laabto. Axaddi Maanta Wasiirada Arrimaha debadda waddamada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Cairo ayaa ka digay in Iran iyo Hezbollah dhibaato siyaasadeed ka abuuraan gobolka,gaar ahaanna dalka Lebanon. Bayaan wada jir ah oo ay soo saareen ayey ku eedeeyeen ururka Hezbollah in uu taageero argagixisada ka jirta dalalka Carabta,balse waxaa kulanka ka maqnaa Wasiirka Arrimaah debadda Lebanon Gebran Bassil. PUNTLAND POST The post Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
  10. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Debai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku tegay booqasho rasmi ah,kadib markii uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku weheliya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,taliyaal iyo xubno kale,sida ay soo werisay wakaaladda Wararka SONNA. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo la-dagaallanka arggagixisada(SONNA). Xiriirka Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Soomaaliya go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay muranka khaliijka,inkastoo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay khilaafeen Dowladda Federaalka,islamarkaana la safteen xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyey Qadar. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyey in ay ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya oo ay maamul goboleedyada iyo Fderaalka iska horkeenayso,sida ay hadalka u dhigeen,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.Muxuu kala kulmay? appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ogolaaday in uu xilka ka banneeyo Axaddii Maanta,saacado kadib markii Xisbiga talada haya ee ZANU-PF party uu ka qaaday hoggaaminta xisbiga oo uu muddo 37 sano hayey,sida uu sheegay xog-ogaal la socda wada-xaajoodka. ZANU-PF party ayaa Mugabe u qabtay wax ka yar 24 saacadood in uu isku- casilo,haddii kalena xilka ay ka qaadayaan iskuday ah in si nabad gelyo ah uu ku dhammaado xukunkiisa,kadib inqilaabkii runta ahaa. Il-wareed ayaa sheegay in militariga uu ka shaqeynayo is-casilaadda Mugabe,balse faahfahin ma bixin. Idaacadda Zimbabwe ee ZBC ayaa sheegtay in madaxweyne Robert Mugabe uu goor dhow khudbad u jeedin doono qaranka. Xilli hore oo Axaddii Maanta ah,joornalka Herald newspaper ayaa baahiyey sawirada Mugabe oo xafiiskisa kula kulmaya saraakiil sare oo milireri. Mugabe oo ah hoggaamiyaha keli ah ee waddamada koonfurta Afrika oo xilka hayey tan iyo markii Zimbabwe xorriyaddeeda ka qaadatay Britain sannadkii 1980-kii, waxaa lagu bedelay Emmerson Mnangagwa, kuxigeenkiisi bishii hore la ceyriyay, kaas oo kiciyay faro-gelintii militariga ee bartamihi todobaadka. X/Reuters PUNTLAND POST The post Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo. appeared first on Puntland Post.
  12. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh. “Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka. Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka. Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada. —–DHAMAAD—- Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddigii ka tirsanaa BFS ee loo xilsaaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa diyaariyey warbixin ilaa iyo xad ku filnaankarta kiiska Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintooda ku wiiqay macluumaad aan fadhin oo laga diyaariyay Qalbi Dhagax, taa oo muujineysay in la dafiraayay macluumaadka dhabta ah, si qodob xalaala looga dhigo dhiibista Sarkaalkan lagu magacaabo Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintiisa ku adkeeyay inay khaldaneyd hanaankii loo maray dhiibista Qalbi Dhagax, oo sharci darro lagu tilmaamay. Haddaba Guddigaasi waxa ay sheegeen in Kiiskaasi ay maareysay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana aan xog badan la siin Madaxda dowladda. Is weydiintu waxa ay iminka tahay cida loo raacan doono mas’uuliyadda dhiibidda Qalbi Dhagax maadaama Madaxdii ugu sareysay dalka laga qariyay macluumaadka saxda ah?. Madaxda Dowlada Somalia ayaa mid waliba iska fogeeyay kiiska Qalbi Dhagax, waxa ayna tani muujineysaa in la doonaayo in lalumiyo kiiska. Sidoo kale, Taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka Somalia Sanbaloolshe ayaa qudhiisa kiiskaasi u heyn maareyn, inkastoo uu isaga kusoo biya shubtay. Dhinaca kale, talaabada noocaani ah ayaa noqoneysa mid fashil ku ah dowlada maadaama Madaxda ugu sareysa dalka qudhooda laga qariyay hanaanka loo maray dhiibista Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. The post Golaha Wasiiradda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Puntland Ee Sanadda 2018. appeared first on Puntland Post.
  15. BEIJING — Djibouti President Ismail Omar Guelleh will make a state visit to China next week, a Chinese spokesman announced Friday. The Djibouti president will visit China from Wednesday to Friday at the invitation of Chinese President Xi Jinping, Foreign Ministry spokesman Lu Kang said in a press release. Xinhua
  16. On 15th November 2017 demonstrations occurred in parts of Hargeisa, Buroa and Erigavo after members of Waddani opposition party held a press conference in which they made allegations of “irregularities”. On 13th November 2017, Somaliland held a presidential election competed by three political parties. Two civilians died in Burao and other four were injured by the security forces including the police and the military who used live bullets to disperse protestors. In Hargiesa, female street vendor died after she was hit by a bullet and at least five people were injured. In a statement, the Minister of Presidency stated that members of the security forces sustained injuries caused by stones thrown by protesters, according to the Minister. In Buroa the military was part of the security forces that intervened to disperse the protests, according to eyewitnesses. At the Election Day, opposition members were briefly detained. Hamse Khayre, the campaign manager of Waddani, was detained in Gabiley and Bashe Yousuf Ahmed, the Chief of Staff of the presidential candidate of Waddani and Fatimo Saeed, a senior member, were detained Hargeisa. They were all released on the same day. The social media was shut down from 13th to 17th November 2017. “We call on the security forces to restrain and avoid using live ammunition against civilian protestors. The military shall not be used to intervene in internal disturbances and protests of civilians,” says Faisa Aw Ali, the chairwomen of the Human Rights Defenders Group. “We call on all parties to use peaceful channels, and not to make any violence. All grievances shall be resolved peacefully” she added. The Human Rights Defenders Group is ad hoc gathering of human rights organizations and defenders who are united by the purpose of ensuring the protection and promotion of human rights during the election period. Faisa Aw Ali Yousuf Chairperson of the Human Rights Defenders Group Email: faizayussuf@gmail.com Phone: 063 4418771
  17. An intelligence report has revealed that Kenyan-born Al Shabaab leader, Ahmed Iman, is contemplating to quit the terror group after major fall-out with its leadership. The report says the Imam wants to quit the group and its activities after he became disgruntled with the persistent killing of Kenyan fighters within the group’s ranks. The dossier further notes that the spate of elimination and execution of Kenyans and other foreign fighters has brought a sharp division within Al Shabaab leading to hatred towards native Somalis. “The Al Shabaab video and online propagandist, Ahmed Iman Ali fell-out with its leadership. It is reported he is negotiating his way back from Somalia. It is not, however, clear if he stands a chance of making it from Somalia considering that Al Shabaab kills whoever attempts to leave. Iman has been very vocal against the execution of foreign fighters and is now weighing out his options,” the report. It further adds: “Some Al Shabaab leaders are, however, wary of losing Iman within the ranks as he has proven to be a good propaganda tool through his videos which he does with charisma taunting AMISOM forces in fluent Swahili.” Iman is the leader of ‘Jaysh Ayman’. He has been instrumental in recruiting youth into terrorism and orchestrating attacks in Kenya. The split is further accelerated by the battle on whom to pledge their allegiance to with one group led by former UK-based Abdul Qadir Mumin, who swore allegiance to ISIS in December 2015 immediately becoming target of exclusion. Al Shabaab has always pledged its allegiance to Al Qaeda. Online war Al Shabaab’s intelligence wing (amniyaat) has on several occasions targeted the pro-ISIS splinter group whose top commanders have been executed alongside their fighters. There has been an online war of words on Twitter where ISIS linked page, Jabha East Africa, blamed Al Shabaab of killing and imprisoning their leaders and fighters. The Al Shabaab and ISIS supremacy war was put to test during the Mogadishu October attack where more than 350 civilians were killed and several others injured. Even though none claimed responsibility, it is evident that the pro-ISIS group were rescarried out the attack to show Al Shabaab on how strong they are in executing suicide bombings. When contacted, the Somalia Minister of Information, Culture and Tourism Abdirahman Omar Osman said that the government has come up with a Comprehensive Approach to Security (CAS) architecture in consultation with stakeholders and international partners. “We now have plans to scale down AMISOM forces so that Somalia forces can take over the security of our country. We are optimistic We Africans are not good at publicising our successes and if this mission would have been in Western, the whole world would have known the success,” Osman said. The minister said the October attack in Mogadishu was an act of desperation because the Somalia military and AMISOM are winning. Largest number The Information minister insists that his security counterpart is committed to implementing initiatives that include stabilisation of security within Mogadishu and removal of heavy guns from the city’s streets. Source: – Standard Digital
  18. Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna hor kacayey wafdi heer caalami ah si ay halkaas wada hadal ugala soo yeeshaan Madaxda ugu sareyso dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyey Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Carabta Suldaan Bin Saciid Al-Badi. Madaxweynaha ayaa waxaa la geeyey halkii loogu talagalay isaga iyo martida la socotay oo isugu jiray Wasiiro iyo xubno kale. Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka socdo Madaxweynaha, Kulanka wada hadalka labada dowladood ayaa la filayaa inuu dhaco Maalinta Berri ah. Kulankaas ayaa la rajeenayaa in lagu soo dhameeyo mugdigii ku kala dhex jiray labada dowladood. Wixii warar ah ee kusoo kordha daqiiqad kasta waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online Inshaa Allah.
  19. Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects. Ethiopia is finalizing construction of Africa’s largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its water supply. Cairo said last week that the three countries had failed to approve an initial study by a consultancy firm on the dam’s potential effects on Egypt and Sudan. Ethiopia has repeatedly reassured Egypt, but Cairo’s efforts to engage in closer coordination have made little headway. El-Sissi sought to reassure Egyptians in televised comments Saturday, but stressed that “water is a matter of life or death.” Source: AP
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska Standard Media, ayaa baahiyay inuu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan Horjoogayaasha al-Shabaab iyo kuwa Kenya. Khilaafka al-Shabaabka Somalia iyo kuwa Kenya ayaa sababay inuu baxsad noqdo Horjoogaha al-Shabaabka Kenya Axmed Iimaan Cali. Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen Hogaamiyaha Shabaab ee dalka Kenya Axmed Imaan uu doonaayo inuu ka baxo guud ahaan al-Shabaab, kadib markii uu yimid khilaaf. Axmed Iimaan ayey isku dhaceen hogaanka sare ee al-Shabaab, kadib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab. Maleeshiyada Shabaab ayaa Magaalooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay rag Shabaab ka tirsan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis ahaayeen. Axmed Imaan oo arintaasi ka carooday ayaa Saraakiisha Sirdoonka dalka Kenya waxa ay sheegeen inuu la wadaagay hoggaanka Sare, balse wax laga qaban waayay. Axmed Iimaan oo madax u ah Guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka al-Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah. Axmed Iimaan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin doolar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya. Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Axmed Imaan ayaa hadda waxaa u socda wada hadal ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan, isla markaana hoggaamiyaha Shabaab ee Kenya shaqadiisa uu u wadan lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Somaliya ayaa heshiis la geshay shirkad uu madax ka yahay senator hore oo Mareykan ah, taasi oo dowladda uga ololeyn doonta maamulka Trump iyo xubnaha aqalka Congress-ka. Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya ay 120,000 oo dollar siiso shirkaddan oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, horeyna senate-ka ugu matali jiray gobolka New York, intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1999-kii. Heshiiskan oo hal sano ah, ayaa sidoo kale dhigaya in dowladda ay bixiso qarash kale oo gaaraya 36,000 oo dollar oo la siinayo shirkadda Park Strategies, kaasi oo ku baxaya qarashadaadka safarka iyo sidoo kale hotel-ka. Alfonse Marcello D’AmatoSida ku cad waraaqaha waaxda caddaaladda Mareykanka, heshiiskan ayaa ka mamnuucaya dowladda Soomaaliya in lacagta gargaarka uu u siiyo Mareykanka ay u adeegsato inay shirkaddan siiso. “Shirkadda Park Strategies waxa ay bixin doontaa talooyin iyo olole ay ku mataleyso dowladda Somalia, si loo hormariyo xiriirka dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa ku qoran heshiiska. Taageerada Mareykanka ayaa muhiim u ah Soomaaliya. 10-kii sano ee tagay Mareykanka ayaa Soomaaliya ku bixiyey laba bilyan oo dollar, waxaana intaas dheer lacag 900 oo milyan oo dollar ah oo uu siiyey Amisom. Sidoo kale 720 milyan oo dollar oo Mareykanka ka timid ayaa lagu maal-geliyey howlgalka QM ee Somalia. Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo ay jiraan walaacyo ku saabsan musuq-maasuqa Soomaaliya, ayada oo dadka dhaliilaha jeediya ay Mareykanka ugu baaqeen inuu ka fakaro taageerada uu siiyo Soomaaliya, taasi oo dowladda walaac ku abuurtay. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo QM ayaa warbixino ku sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan si wax ku ool ah ula dagaalami karin Al-Shabaab, kadib taageero badan iyo tababar ay ka haleen Mareykanka. Hogaanka ciidamada ayaa sidoo kale loo jeediyey eedeo la xiriira musuq-maasuq. Mr. D’Amato oo xubin firfircoon ka ah xisbiga Jamhuuriga ee haya talada Mareykanka, ayaa awood u leh inuu saameeyo go’aanada Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu saaxib dhow la yahay aqalka cad, isaga oo ka mid ahaa taageerayaashii Donald Trump intii uu ahaa musharaxa madaxweyne. Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Park Strategies ayaa caadi ka ah Mareykanka, ayada oo dowlado badan oo caalamka ka tirsan, uguna cad cadahay Israel ay Mareykanka ku leeyihiin ururo iyo shirkado dantooda u ololeeya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com