-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah. Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada. Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada. heshiiska ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye oo dhameystiran waxaan idiin soo gudbin doonaa Daqiiqadaha soo socdo Inshaa Allah The post Sawiro: Sheekh Maxamed Shaakir oo loo saxiixay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ruux aad Barashadiisa Rabtid Jabad la Xaaro, Jadiin la Cun ama Jid la mar” sida darteed murtidaan waxay Tilmaameysa sida baniaadamka lagu ogaan karo Dabeecadihiisa Xumaan iyo Samaan markaad la Daristo, Safar wada gashaan, ama Cunto Wadaagtaan sida darteed Maalin uun la wadaag in aad Wada shaqeysaan Fahad Yaasiin markaas baa wax badan ogaan doontaa. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aan soo wada shaqeyney Xiligii uu Warbaahinta ka tirsanaa muddo dheer ayuu wax ka qorayey Xaaladda Soomaaliya weliba Qoraaladiisa waxaa hadda laga helaa Baraha Bulshada, Akhrintoodana kama dhergeysid qaarkood sidii uu u saadaaliyey ayeynoqdeen haddii aad Dib u Milicsatid Dhamaatood waxay Tilmaamayaan Qormooyinkiisa kuwa u adeegaya Bulshada Soomaaliyeed waxaan aad ugu xasuustaa Qormadii laga daba dhacay ee uu qorey Sannadkii 2004 ee Cinwaankeedu ahaa “I DOORO AAN KU DILEE” waa Xiligii Doorashadii Madaxweyne ee ka dhacadey dalka Kenya, Qoraalkaas saadaashiisii waa ay soo baxdey. Qoraalada kale ee aan ku Xasuusto Fahad Yaasiin waxaa ka mid ahaa Qoraaladii uu ku taageerayey Samzam Axmed Ducaale oo ah Gabar Soomaaliyeed oo lagu xirey Somaliland wuxuuna Qoramadii uu ka qorey ugu magacdarey “ XAALADDA SAMSAM IYO DAMIIRKA SHACABKA SOOMAALILAND” Qoraalada kale ee aan Xasuusteyda ka go’in ee aadka ii soo jiitey waxaa ka mid ahaa mid uu ugu magacdarey “SHACABKA SOOMAALIYEED: RABBI AYAA U MAQAN EE RAG UMA MAQNA” Waxaa kaloo ka mid ah Qoraalada Fahad Yaasiin ee uu qorey mid uu ku amaanayey Madaxweynaha jabuuti oo uu ugu Magacdarey mar uu la dardaarmayey Shacabka Jabuuti “REER JABUUTI: SHANTAAN QODOB HAKU DOORTEEN GEELLE” Isago Tilmaamayey Wanaaga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Ma yara Qaraalada ee uu qorey Qoraaga Fahad Yaasiin haatana ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya waxaa iyana aan dhowr jeer ku noq noqdey Akhrinteeda Qormo uu ugu Magacdarey “BEENTU TABAR DARANAA QOFKEEDUNA TAYO XUMAA. Waa Qormo markaad akhriso aad dareemeyso sida ay ay u gaabiso Beenta iyo sida ay u Xun yihiin kuwa mar waliba ku dhaqma waxayna ka Tarjumeysa xaalada maanta ka jirta Baraha Bulshada. Qormooyinka kale ee aan aad u Jecleystey ee uu qorey Fahad Yaasiin waxaa ka mid ah Qormo uu Cinwaan uga dhigey “ AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA” waxay ka Turjumeysa sida ay u dhibeyso Dhibaatada Ummada Soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo jirey Dagaalo iyo Dhibaatooyinka kale waana qormo uu Bulshada wax uga sheegayo. Fahad Yaasiin oo dhawaan Siyaasada ku soo biirey markaad Akhriso Qoraaladiisa Faraha badan waxaa kuu soo baxaya sida uu yahay, isla markaana uu Miisaan Culus u Leeyahay sidaa darteed waxaan aad uga amaanayaa Siyaasada Degen ee Qunyar Socodnimada ee aan Qofna ka Xanaajineyn, Xilkasnimada, Degenaanta, Aaamusnaanta,Gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed waxaana leeyahay Dadka Aflagaadeed Fahad Yaasiin in ay ka waantoobaan maadaama uu leeyahay dabeecadahaas aan kor ku soo sheegney Soomaalida waxay Tiraahdaa “BARASHO HORTEED HA I NICIN” W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Fahad Yaasiin: Barashaa kuugu dhiman! appeared first on Caasimada Online.
-
Akhriso ”Isimada Puntland oo Xaliyey Murankii Dekada Bosaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Bosaso-[Puntland Post]-Isimada Puntland,oo manta kulan ku qabtay Magaalada Bosaso ayaa Ganacsatada iyo dawlada dhex dhigay heshiis, ka dib markii Ganacsatadu ay Muran ka keeneen shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso. Kulanka lagu soo bandhigau heshiiska la gaaray ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ganacsatada Puntland, Isimo Miisaan ku leh Puntland, Mas’uuliyiin ka socday dawlada iyo dadweyne kale oo goob jog ka aaha go,aanka ay soo saareen Isimada Puntland. Qodobada ay dawlada iyo Ganacsatadu ay ku heshiiyeen ayaa kala ahaa; -In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada -Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso -In la taageero Mashaariicda Horumarineed -In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay Isimadu u sameeyen ay daba galaan. Dhinaca kale Masuuliyinta Dawlada ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda. Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay Ganacsatada iyo dawlada waxana ha kada ku jiray in mudo ah shaqada Dekada Bosaso. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Akhriso ”Isimada Puntland oo Xaliyey Murankii Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post. -
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Qudus u aqoonsan doono in ay tahay caasimadda Israa’iil, sida ay ku warrameen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump. Arrintan uu khilaafka ka taagan yahay ayaa la filayaa in Trump uu ka sheego hadal uu jeedin doono gelinka dambe. Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxay taasi qaadan kartaa sannado. Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe. Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”. Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka. Haddii Trump uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, Mareykanka wuxuu noqonayaa dalkii ugu horeeyay ee sadaasi sameeya, tan iyo aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948. Haddaba Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 13ka Bishan Dcember uu dalkiisa marti gelinayo shir weyne Caalami ah oo Waddamada Dunida Muslmka ay ka qeybgelayaan. Shirkan ayuu sheegay in looga hadlayo go’aanka Mareykanka ee Magaalada Quddus oo uu Trump shaaciyay in uu u aqoonsanayo caasimadda Israel. Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa Maagalada Ankara maanta ka sheegay in Shirkaas lagu mideynayo mowqifka Waddamada Muslimiinta ah si ay uga hortagaan go’aanka Trump laga filayo. Madaxweyne Erdigan ayaa horay u sii sheegay in haddii Mareykanka Magaalada Barakeysan ee Quddus u aqoonsado caasimadda Israel uu xiriirka u jarayo Israel laftirkeeda. Inta badan Caalamka ayaa Mareykanka uga digay in uu ku fududaado go’aanka Safaaraddiisa Israel uu ku geynayo Quddus caasimadda Israelna ugu aqoonsanayo magaalada Barakeysan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Turkiga oo ku dhawaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo arrinta Quddus appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada. “Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar. -DHAMMAAD Source
-
Maamulka Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta gaarsiiyay gurmad isugu jira raashin iyo dhar qoysaska guryahoodu ku basbeeleen xalay dab ka kacay magaalada Garowe gaar ahaan dhabarka dambe ee dhismaha Xalwo Kismaayo jidka Soddonka. Duqa magaalada Garowe iyo Xoghayaha Dowladda hoose ayaa gaarsiiyay 15 qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku nool magaalada Garowe raashin iyo dhar maamulka degmadu ugu deeqay. Xoghayaha Dowladda hoose ee Garowe Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay inay la qeybsanayaan dhibtii kasoo gaartey qoysaskaan danyarta dabkii xalay baabi,iyay hantidooda iyo hoygoodii. Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay shirkaddo ka qeybqaatey damista dabka, Isagoona sheegay inaanu jirin khasaare nafeed oo uu geystay dabkaan. Isku soo wada duuboo waxaa ka qeybqaatey daminta dabka xalay qabsadey guryaha qaar ka mid ah barakacayaasha booyadaha shirkaddaha Alnaciim iyo Farjano,wallow aanu jirin dab damis ay leedahay dowladda hoose oo ka qeybqaatey daminta dabkaan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Qoysaska ku guryo beelay dab xalay ka kacay Garowe oo loo gurmaday appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa maanta lagu wadaa in lagu saxiixo dhameystirka heshiiska ay dhawaan gaareen maamuladda Ahlusuna iyo Galmudug. Munaabasadda ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo heshiiska ay gaareen Ahlusuna iyo Galmudug. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wali labada dhinac ka wada hadlayaan heshiiska ay gaareen, waxaana la sheegayaa inuu jiro qodobo aan wali la isku afgaran, balse la filayo in saacadaha soo socda laga heshiiyo. Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti waxa axadii aynu soo dhaafnay lagu soo gaba-gabeeyay wada-hadalo u socday Mas’uuliyiinta maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo kulankaas uu qaban-qaabiyay urur Goboleedka IGAD. Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada lagu wado in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in hal maamul ku midoobaan kaasi oo ah Galmudug, iyadoo qodobada qaar ee lagu heshiiyay ay ku jirto awood qeybsi ay Ahlusuna ku yeelan doono Maamulka Galmudug. PUNTLAND POST The post Heshiiskii Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Muqdisho lagu Sixiixayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga. Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM. Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka. Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel biyood iyo sidoo kale nadiidinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada. Qarashkan oo aad u badan ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Dowladda Farmaajo oo tallaabo muhiim ah qaaddey, dadkana soo xusuusisay bari-samaadkii appeared first on Caasimada Online.
-
On 13 November, people across Somaliland took part in elections to choose a new President. The UK played an active role as part of a group of international donors in supporting the Somaliland National Election Commission in planning, preparing and delivering these elections. On 16 November, the international election observation mission stated in their initial findings that they had not witnessed irregularities on a scale which would undermine the integrity of the result. The UK joined international partners in expressing our deepest regrets for the loss of life caused by violent protests in some locations in the days which followed the voting. On 21 November, the National Election Commission announced that Mr Musa Bihi Abdi had been chosen by the people of Somaliland as their next President. The UK Ambassador in Somalia has extended the UK’s warm congratulations to Mr Musa Bihi Abdi on his election and has commended the commitment and responsibility of opposition candidates, Somaliland’s people, and its institutions to the electoral process and strengthening democracy. The UK remains committed to helping people from across the Somali region to reach their fullest potential. We now look forward to deepening our partnership with Somaliland as we support Mr Bihi in fulfilling his aspiration to govern for the benefit of all Somalilanders.
-
Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta goaanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’iil isla markaana safaarada Mareykanka uu u raro Qudus. Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqdey safaaradaha inay galaan xaalad foojignaan ah amnigana adkeeyaan. Sida ay kasoo xigatey Jariidada Politico oo kasoo baxda wadanka Maraykanka Wasaarada arimaha dibada ayaa cadaysey suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Trump kadib. Digniinta ayaa si qarsoodi ah oo loogu diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaariyo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay. Wargayska ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Mareykanka oo ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned kadib go’aanka Qudus ee la filayo inuu qaato Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,kuwaas oo dhawaan heshiis horudhac ah ku yeeshay Dalka Jabuuti. Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in shirkan galabta lagu wado in uu furmo ay ka qeybgelayaa madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyon Xildhibaanno Galmudug ah ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xafladda lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Dalka Jabuuti ay ku gaareen Ahlusunna iyo Galmudug. Dhanka Ahlusunna ayaa la sheegay in Munaasabaddaas ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Wararka ayaa intaas ku daraya in Xafladda ka dhici doonta Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay Goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa KNN u sheegay in Xafladda lagu qabanayo Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku soo kala Saxiixdeen Wadanka Jabuuti. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban ka jeediyay Heshiiskii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heshiiska inta dhiman ay ku dhameystiran doonaan Caasimadda Maamulka Galmudug oo ah Dhuusamareeb,balse hadda ay Maamusho Ahlusunna. Shirka galabta ka furmaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgelaya ka qeybgalayashii shirkii April ee bishii April Muqdisho ku fashilmay. Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa dhawaan heshiis ku saxiixday Jabuuti,waxaana ay inta ka dhiman wadahadalkooda sheegeen in ay ku dhameysanayaan shir ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Madaxda Dowladda oo ka qeyb galaya heshiis Madaxtooyada ku dhexmari doona Galmudug iyo Ahlusunna appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso (Puntlandi) Shir Isimada Puntland ay ku qabteen Hotel Gacayte ee Boosaaso ayaa maanta lagasoo saaray Go’aanno ku saabsan arrimaha nabad gelyada iyo muranka dekeda Bosaso. Go’aanadaan oo ka koobnaa afar qodob, ayaa saxaafada loo akhriyay.. -In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada -Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso -In la taageero Mashaariicda Horumarineed, -In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo Kullanka ay isimadu kaga dhawaaqeen go’aanadaan waxaa goob joog ahaa Ganacsato, xubno xukuumadda Puntland katirsan , waxgarad, haween iyo dadweyne kale. Puntlandi.com
-
Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) oo ahaa taliyahii saldhigga suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku dhintey qarax ka dhacay magaaladaasi. Wararka waxay sheegayaan gaariga taliyaha uu ku qarxay dhabarka dambe ee madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland. Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo markii hore dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday taliyaha, balse markii dambe uu dhintay. Waxaa qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ka socda howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka. Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid kasii darayey, iyadoo dilalka iyo falalka kale ee amniga ka dhanka ah ay soo kordheen. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku baaqay in Gobolka Banaadir uu yeesho ciidamo u gaara oo amniga suga. Isagoo ka hadlayey shirkii amniga ee magaalada Muqdisho ka dhacay ayuu guddoomiye si cad u sheegay in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan ciidamo fara badan oo kala duwan taasoo keentay in sugidda ammaanka ay dhibaato noqoto, loona baahdo hal ciidan hoos taga maamulka Gobolka banaadir oo hal talis ah. “Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ciidamo amni oo kala duwan, marka loo eego khataraha amni ee jira. Waan taas sababta aan uugu baahanahay inuu Gobolka Banaadir helo cidiamo uu isagu leeyahay oo isku xiran hal talisna leh si ay amniga xilkiisa u qaataan….” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo doonaya in maamulkiisa la wareego amniga caasimadda halkii lagu haleyn lahaa taliyada kala duwan ee dowladda Federaalka hoos taga. Guddoomiye Taabit ayaa horey si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka. Waxaa kaloo Maamulka G/Banaadir loo ansixiyey qoodse miisaaniyadeed oo dhan 10%, taasoo aan weli fulin. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Guddoomiye Taabit oo dalbaday in ciidamo hoostaga G/Banaadir lagu wareejiyo Ammaanka Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa uu ajendihiisa ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka. Guddi walba waxaa uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta guddigiisa ka quseysa. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen. Dhinaca kale, Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhalinyaradda Soomaaliyeed ku heysato dalka Liibiya oo ah marinka dhalinyaro badan oo tahriibayaal ah ka dib soo jeedin ay guddoonka golaha u soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ,wuxuuna sheegay in guddiga arrimaha dibada ee Golaha Shacabka looga fadhiyo in ay keenaan qorshe dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada dalalka dibada ku heysto looga soo badbaadinayo. Goobjoog News Source
-
Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga. Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM. Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka. Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel biyood iyo sidoo kale nadiidinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada. Qarashkan oo aad u badan ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan. Goobjoog News Source
-
Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Camey ayaa maanta beeniyay im musuq maasuqa ka jira Puntland uu ka dhashay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda, kadib markii sidaasi uu sheegay hanti dhowraha Puntland Hadalkaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ka sheegay shirka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Soomaaliya, shirkaas oo maanta Garowe lagu qabtay. Madaxweyne ku xigeenka ayaa qiray in shaqaaluhu mushaarka ka daaho balse wuxuu kasoo horjeestay hadalka hanti dhowraha ee ku saabsan inaanu shaqaaluhu mushaar helin. Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in kor loo qaado maamul wanaaga, si musuq maasuqa loola dagaalamayo. Halkaan dhegayso codka Camey. Camey 6 Puntlandi.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Cali Ibraahim Cali oo kumagaca dheeraa (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Cali ayaa xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay Duleedka Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaana uu ku sii jeeday shaqada. Xilliga uu Qaraxa qabsanayay uu ku soo jeeday xafiiska shaqada isaga oo ka soo baxay Gurigiisa,waxaana uu ku qabsaday agagaarka Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha. Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland. Geeridaha taliyihii qeybta Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku soo aadday iyada oo Magaalada amnigeeda ay la wareegeen Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland iyo Galmudug ka kala scoda. Ciidamada Puntland ayaa degaankaas ka billaabay howlgal ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay qaraxa lagu xiray Gaariga Taliyihii hore ee Saldhigga Gaalkacyo. Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyihii qeybta Booliska ee Saldhigga Gaalkacyo Cali Magafe. The post Sawiro: Sarkaal Boolis Oo Qarax Lagu Dilay Gaalkacyo Iyo Shabaab Oo Sheegtay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa Jimcaha Muqdisho ka furmi-doona tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada, kaasi oo laga soo wareejiyay Jubbaland. Tartanka waxaa ka qeyb-galaya maamullada Jubbalad, Koonfur galbeed, Banaadir, Hirshabeelle, Galmaudug Iyo Puntland. Hadaba Halkan ka Akhris Sida Horay Loogu Kala Guuleystay: Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto. Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood iman koobka. Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer, Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi beri iyo Banaadir mid ha jeer. Burburkii Kadib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir halka tartankii kale ee July sanadkii hore dhacay ay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland. Haddii marka aan qaab maamul goboleed u qorno waxaa ay noqoneysaa sidan: Jubbaland: 8 Jeer Koonfur Galbeed: 3 Jeer Banaadir: 2 Jeer Hirshabeelle: 3 Jeer Galmudug: Eber Puntland: 1 Jeer Natiijada iyo ciyaaraha, kala soco, Goobjoog News Source
-
The role of a good leader is not to have all the ideas; it’s to create a culture where everyone can have ideas and feel that they’re valued. When a leader leads the state according to his own outlook, people lose faith in the state. When a leader plays the tribal card and smears his political rivals, people lose faith in their government. When a leader brings people of his own tribe into government – and more important into the army, people lose faith in the government. When the national treasury becomes the leader’s private bank account, people lose faith in the state. When a leader secures the rights of some people by the denial of the rights to others, peope lose trust in the state. When people lose faith in the state, they take solace in the tribe, and the tribe is the natural enemy of the nation. When people lose their jobs for reasons of tribalism and nepotism, they lose faith in the state, and take refuge in the tribe, and as more people lose faith in the state, they begin to trouble the peace of the nation. Faith is a fickle custodian of unity in an era of megalomania. Its absence increases the tention between the tribal factions that engage in control of power. Both are held together by trust. If a faction feels a threat to its position of strength by the other faction, conflicts arise and peace becomes untenable. Conflicts and clashes arise when a political tribal marriage is breached and broken.This is true of all tribal politics where tribal states become necessary. A state built by tribes could only be flourished when confidence-building measures between the tribes have a strong foundation. Politics and power are facts of life. No society can run its affairs without politics and power. People argue and disagree, about how they should live, who should govern over whom and how power is distributed or monopolised. In Somsliland, some people (tribes) rejoice in this, seeing in political participation and government the possibility of building power, wealth, and authority. It is then this that the ghost of megalomania has become the real driving force of Somaliland tribes. The first sin of bad government is arrogance coupled with ignorance. Putting loyalty to the the immediate family ahead of loyalty to the state is undoubtedly among the policies that bad leaderships bring into force. And when loyalty to the nation is limited to a narrow circle of trust around the immediate family; the state turns to be an object of suspicion. Most of Somaliland problems in the last seven years have risen from the inability to complete the process of a file that converts intention into reality. What was largely lacked was honesty, competency, proper decision making, national vision and justices. As we head into the year 2018, this is a good time to come to terms with the truth of the matter. As a people, and as a democracy, we have not matured to the point where we can self-govern. What we need is a government that can discipline itself. Somaliland is a country that demands strong leadership, the kind that can make tough decisions and take responsibility when things don’t go as planned. The kind of leadership that is willing to be accountable to the people. At this point in our history, just 25 years after seccesion, we are in a political space where true leadership cannot start with the government. We are still bickering like two kids squabbling in the backseat on a car, while we are yet unable to know exactly where we are right, where we are wrong and are not able to create the ideas and the vision that reflect the sense of what Somaliland will look like tomorrow. The structure of government does not change, whether it is brilliant or awful. A president presides. A Cabinet sits in attendance. What we need to change is our attitude of how we do things and govern ourselves. Every government collapses when common purpose is lost, when every minister becomes his own master and people become servants. We are in the age of challenges and change. The challenges Somaliland faces are many. Poverty across the board and poor leadershhip are our own basic challenges. Culture deficiency is another major problem. Corruption is a cancer that killed and still continues to kill us. The ghost of negative tribslism is what makes us chained to the ground and keeps us in kraals. Leadership is constantly measured by utility. Loyalty is a variable virtue qualified by beehive ambitions. Clanish rainbow is no guarantee of peace, nor a good gesture for making Somaliland great. Megalomania is just a useless quarrel through intense and immoral politics. No battle is lost until it is fought. The tribal camps are finally in place, the coalition is glued to the task, and the commanders are named. He who will look at the past will recognise the reality. A government of inclusion, whose motto is unity, faith, peace and progress, cannot abandon what is right and hope to retain its credibility. God bless Somaliland. By:Jama Falaag Hargeisa, Somaliland.
-
Garowe (Puntandi) Xaflad lagu maamuusayay maalinta farshaxanka Puntland oo sannad walba loo qorsheeyay shantsha bia December ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii saddexaad oo la xuso. Waxaa xafladaan kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng Camey, xubno katirsan golaha xukuumada, aqoonyahano iyo bahda warbaahinta gaar ahaan sawir qaadayaaasha oo xuskaan iyaga loo sameeyay. Waxaa goobta xaflada lagusoo bandhigay sawirro isugu jira kuwa Kaamero lagu qaaday iyo kuwa gacanta lagu sawirray oo ka tarjumayay bilicda iyo kheyraadka Puntland, sidoo kale waxaa ku jiray kuwa gacanta lagu sawirray oo si gaar ah u taabanayay dhaqanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shahadooyin guddoonsiiyay sawir qaadayaashii madasha kusoo bandhigay xirfadooda, isagoo ku dhiiri galiyay howsha ay hayaan. Waxaa madaxweyne Camey u sheegay inay ahmiyad weyn dowladdu ugu jirto inweriyayaashu mar walba soo bandhigaan kheyraadka iyo quruxda waddankeeda taala, si caalamka loo tuso Puntland inay tahay dhul ilaaheey ku manaystay nabbad iyo barwaaqo. DAAWO SAWIRRADA. Farshaxaniiste Abshir oo sawiraya wajiga madaxweyne Camey. Sawirka Camey oo goobta uu ku sawirray Abshir Taatiko Puntlandi.com
-
Bosaso-[Puntland Post]-Waxaa gabi ahaanba goor dhaw lagu wadaa in laso afmeeray waada hadaladii ay garwadeenka ka ahaayen isimada Puntland ee lagu wada hadal siinayay Puntland iyo Ganacsatada Cabashada ka keenay shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso. waxana hada munaasabadii lagu shaacinayey go,aanada ka soo baxay shirka uu ka socdaa hoolka shirarka ee Hotel Gacayte ee Magaalada Bosaso. Warbaahinta Puntland Post xog ay heshay ayaa sheegaysa in xal laga gaaray Murankii ka taagnaa Dekeda, isla markaana maanta lagu dhawaaqi doono natiijada kaso baxay wada hadalka. Warar horu-dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ganacsatadu ay ogolaadeen Khimadaha ay dawladu kordhisay, hasa yeeshe waxaa qodobada heshiiska ka mid ah innaan dib loo kordhin karin sida uu xogta ku helayo Puntland Post Xafiiskiisa Bosaso. Ganacsatada ayaa sheegay in marka Dekeda la dhiso ay si buuxda u ogolaanayaan Sharci kasta oo Shirkadda Dekeda maamusha ay keento, hasa yeeshe inta ka horaysa loo baahan yahay in heshiiska la gaaray lagu dhaqmo, arrintaas oo la isku raacay. Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa maamula shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraatka carabta, taasi oo lagu magacaabo P&0 PORTS, waxayna hoostagtaa Shirkadda DP WORLD. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo uu ka ha hadlayey munasabad ee ay arday ku qalin jabinaysay oo ka dhacaday Bosaso waxa uu sheegay in Ganacsatada Puntland ujeedada ay u qaylinayaan ay tahay inay wax ka helaan Qandaraasyo toban kor u dhaafaya oo dawladu ay gacanta ku hayso, kuwaas oo uu sheegay in loo tartami doono. Wxii soo kordha la soco Insha Allah Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Isimada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqi doona natiijada kaso baxday wada hadaladii Ganacasatada iyo Dawladda appeared first on Puntland Post.
-
Warbixnta aan ka Diyaariyey Jid Xirashada qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ee aan Cinwaanka ugua Dhigey “WADOOYINKA WAXAY U XIRAN YIHIIN FARMAAJAA XILKA LAGA QAADAYAA” Somaalida waxay Tiraahda Hashi Maqaarka Diideysa meelo Daldaloola ayey ka eegtaa” Mucaarad aniga ma oronayo ee waxaan leeyahay Canaasiir waxay fiiriyeen Qaybaha hore ee Qoraalka hase yeeshee hadii ay Macaanka qoraalka ee Gunta ay Akhrin lahaayeen waxaa ku jirey “Dowlada yaan la inkaarin ee ha loo Duceeyo” waxaa kaloo ku jirey”waxaa ii Muuqda Ifafaale Nabadeed” sida hadda lagu socda Sidaa darteed Warbixinta waxaa igula Daartey Canaasirta Dowlada, sidaa darteed oo Xaqiiqo ah Warbixintaas aan ku ogaadey Canaasiirta iyo Muxaafadka Dowlada Madaxweyne Farmaajo halka ay kala joogaan Markaan Akhriyey Faalooyinkii laga bixiyey, markaa aruuriyey Taleefoonadii ii soo dhacay , markaan akhriyey Faalaoyinka kooxaha Canaasiirta waxaa ii soo baxay in Canaasiirta ka soo horjeeda Dowlada uu yahay Boqolkiiba 1% halka Muxaafadka Dowlada Farmaajo uu yahay Boqolkiiba 99% waxyaabaha aan la yaabey waxaa ka mid ah markii Ruux Dibada iga soo wacay oo ay Madax martey Dowladnimida iyo Muxubada uu u hayo Farmaajo iyo Khayre ayaa igu yiri “Maxaad Warkaas u qortey ” markaas baan ku iri “ marka hore kulli ma akhridey warbixinta ” markaasuu yiri “Maya” waxaan iri” soo akhri kadib igu soo laabo “ markii uu Cabaar iga maqnaa ayuu I soo wacay ka dib maxaa dhacay” Raaligelin buu I siiyey wuxuuna ii raaciyey Kun jeer raali noqo Guntii iyo Gabagabadii sidoo kale yar ku sugan Koonfur Afrika oo isna markii warbixinta uu akhriyey I soo wacay ayaa yiri” Amiinow waan ku aqaan waxaa tahay wariye Bulshada u adeega marka walaal waxaan kuu sheegayaa in aan aad u dhifsadey Warixnta aad ka qortey Xirnaansha wadooyinka wuxuu ii sii raaciyey “Saaxiib ma doonayo in Dowlada wax laga sheego waayo waxaan Dibada ku ogaadey dhibaatada ay leedahay dowlada la’aanta marka walaal waxaan ku leeyahay oo kuu soo jeedinayaa in aad Taageeroi Halku dhiga Dowlada ee ah Nabad iyo Nolol” waxaa iri “OK” sidoo kale Canaasiirta waxaa leeyahay Wax Taageero ah oo aan idin kaga hayo Shacabka ma jiraan ee DADKIINNA DHINAC KA RAACA W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 0025261553249 The post Warbxintii Mucaaradka igula Daarteen “Wadooyinka waxay u xiran yihiin Farmaajaa xilka laga qaadayaa” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso Beesha Caalamka waxaa looga hortagi karaa Musuq maasuqa, iyadoo ay horey u jireen dhibaatooyin kale tani waxay noqoneysaa tallaabo cusub oo wax looga qabanayo dadka awoodda dowladda u isticmaalayo sida aan sharci aheyn gaar ahaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda. Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda oo hubinayo aqoonsiga mid kamid ah Darawalada Baabuurta MuqdishoSanado badan way hirgeli weysay in wax laga qabto dhaqanka Musuq Maasuqa ku saleysan ee ka dhex jiro Saraakiisha Ciidamada dowladda tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladda Dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 markaas oo uu dalka Soomaaliya galay dagaalo sokeeyo oo socday muddo 20 sano ah. Musuq Maasuqa iyo Laaluushka wuxuu Soomaaliya ka noqday wax caadi ah gaar ahaan qeybta saraakiisha Amniga qaabilsan, taas waxay sababtay inay Bulshada aqbalaan Musuq maasuqa joogtada ah ee dusha ka saaran waxaana sabab u ah Sharci darada wadanka ka jirto iyo inuusan jirin nidaam sax ah oo lagula dagaalamo Musuq maasuqa. Dowladda hadda ka jirto Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siisay sidii looga hortagi lahaa Masuq- Maasuqaas iyadoo aan la iska indha tireyn dagaalka lagula jiro Ururka Xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya culeys ku hayo isla markaasna mar kasta ka mashaquulinayo in si dhab ah looga hortago Musuq- maasuqa. Ilaa hadda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa bilooyin badan ku celcelinayey in wax laga qabto Musuq Maasuqa ka jiro gudaha Saraakiishada iyo Ciidamada Dowladda kuwaas oo laaluush ka qaato Koontaroolada ay ka joogaan Magaalada Muqdisho midaas oo saameyn ku yeelaneyso Amniga Muqdisho. ” Askari kasta oo lasoo qabto isagoo Laaluush ku qaadanayo Kantaroolada Magaalada wuxuu wajihi doonaa Sharci adag iyo in lasoo saaro Maxkamad Militari” Digniintaan ayuu Thaabit ka jeediyey shirkii looga hadlayey Amniga Caasimadda ee dhacay Asbuucii hore. Duqa Muqdisho Thabit AbdiMar kasta oo ay Saraakiisha dowladda iyo madaxda dalka ay ka shiraan Amniga Caasimadda Muqdisho waxay Saraakiisha soo jeediyaan in wax laga qabto masuq maasuqa ka dhex jiro heerarka kala duwan ee Ciidamada midaas oo caqabad weyn ku ah wax ka qabashada xaaladaha Amni ee ka jiro Caasimadda Muqdisho. Kasloonidii ay Shacabka Muqdisho ku qabaneyn dowladda waxaa dhaawac weyn u geystay qaraxiii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Caasimadda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu Qaraxaas dhacay waxaa si weyn loo xoojiyey amniga Magaalada iyadoo Kontaroolada lasoo dhigay Ciidamo cusub si baaritaan guud loogu sameeyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha taasoo ah isku day lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasiloonidii Magaalada Muqdisho. Waxaa Muuqato in qaabkaan cusub ee loo sugayo Amniga Muqdisho laga gaaray guulo waaweyn inkastoo ay weli wax kasta biliow yihiin. Waxaa Qaraxii Soobe laga joogaa Asbuucyo iyadoo aysan Magaalada ka dhicin wax Qarax ah inkastoo weerar lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 , waana sababta uu Duqa Muqdisho u dhahayo wax badan ayaa laga qabtay Amniga Muqdisho. Sidoo kale qaabka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa ka dhex jiro Hey’adaha Amniga iyo dabagalka lagu hayo saraakiisha Laaluushka qaato wuxuu u muuqdaa nidaam hadda bilow ah . Laakiin dagaalka cusub ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ee nidaamka amniga iyo saraakiisha laaluushka qaato ayaa u muuqda in si habboon loo diyaariyay. Qorshayaasha lagu doonayo in lagu ugaarsado ayaa ah in lala socdo dhaq dhaqaaqooda iyadoo qalab lagu xirayo taleefannada gacanta si ay u ururiyaan caddayn ku saabsan ku lug lahaanshahooda kiisaska laaluushka. ” Ahmiyadeena koowaad waa la dagaalanka Musuq maasuq, waxaana hadda diyaarsan qorsho dhameystiran oo looga hortagayo” ayuu yiri Thabit Cabdi. Tallaabada koowaad oo dowladda qaadeyso ayaa ah in lasoo qabqabto Ciidamada taagan Jidadka Muqdisho ee laaluushka ka qaato Bajaajyada Magaalada ka shaqeysto midaas oo ah habka ugu fudud ee wax looga qaban karo. Dadka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa si weyn usoo dhaweyn doono nidaamkaan cusub ee lagula dagaalamayo Musuq Maasuqa maadaama inta badan ay dhibaato kala kulmaan askarta lacagaha Laaluushka uga qaato Waddooyinka Magaalada, inkastoo ay shaki ka muujinayaan inay dowladda ka hortagi karto Musuq Maasuqaaan maadaama ay iyada dhibaatada wado, waxayna dalbanayaan in la helo hey’ado madax banaan oo arrintaan wax ka qabto. ” Qorshahaan cusub wax badan ayaa nagu caawin doonaa, balse waxaa muhiim ah in weyn looga taxadaro arrintaan, iyadoo laga fogaanayo in sarkaal aan dambi laheyn dusha laga saaro maadaama uu jiro xilfaatan gudaha ah oo ka dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada” ayuu yiri Mohamud Abdullahi oo ah korneyl howlgab ah oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda. Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka cusub ee musuq maasuqa looga hortgayo wuxuu dowladda iyo Beesha Caalamka ka caawinayaa in laga hortago Musuq maasuqa soo jireynka ahaa kaasoo dhibaato badan ku hayey dalka si loo dhameeyo dhaqanka ah in Saraakiisha ku takri falaan awoodda dowladeed. “Kalsoonida dadwaynuhu waa furaha, tani waxay noqon doontaa talaabo muhiim ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta” ayuu yiri Mr. Thabit Abdi oo ka hadlayey nidaamka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa. Isha: alleastafrica.com Waxaa soo turjumay: Cabaas Cali Xasan (Cabaas Xaliye) Email: filimside@gmail.com The post Marka meel la iska dhigo Dagaalka Argagixisada, Muqdisho waxay leedahay cadow kale oo dagaal lagula jiro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri doona isbdel fudud oo lagu sameynayo golaha xukuumadda, iyada oo ujeedku yahay si aysan ugu baahan ansxinta Baarlamaanka, sida uu ogolyahay xeer hoosaadku waa in uu bedeli karo ugu badnaan 25% Isku Shaandheyntan ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo iyada oo loo bandhigey ayna aqbaleen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Amniga Qaranka, iyaga oo kulamo kala gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:- In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha BishaFebruary 2018 Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Wasiiro Kuxigeenadda Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan. Wasiirru dowlayaasha Cusub Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:- Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha Xigasho: Ilo wareed Wargal ah oo kala duwan (Mustaqbal Radio) Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Akhriso Liiska Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada ay saameyn doonto Iskushaandheynta Xukuumadda Ra’isulwasaare Kheyre appeared first on Caasimada Online.