Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. DAAWO-Xukunka Dilka ah ee Lagu Ridey Askari Hub Kala Goostay Puntland, Tirada Hubka iyo Deegaankuu Ka Soo Jeedo. Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dambiyada culus ee dawladda Puntland ayaa goor dhaw ku dhawaaqday Xukun dil toogasho ah oo lagu xukumay Askari katirsanaa ciidamada Difaaca ee Puntland oo isku dhiibay Somaliland, lana goostay gaari dagaal iyo hub fara badan oo ay lahaayeen ciidamada Difaaca Puntland, ulana galay maamulka la baxay Somaliland. Maxamed Maxamuud Guure, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Puntland ayaa maxkadu caddaysay inuu Soomaaliland ula goostay gaari noociisu yahay 3F, 7 qori iyo 2 baastooladood. Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Puntland iyo Gaadiid dagaal oo uu watay ayaa Ka goostay Puntland, Isagoo ku biiray Ciidamada Somaliland. Munaasibad lagu soo dhowaynayayey ayaa waxaa ka hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland, waxayna sheegeen inuu hada si rasmiya uga mid noqon doono Ciidamada Somaliland, Islamarkaana ay Rajaynayaan Ciidamo kale oo kasoo goosta dhinaca Puntland.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamd Cismaan Jawaari, ayaa maanta sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday inuu is-casilo, balse uu ka diiday, wuxuua madaxweynaha ku eedeeyey inuu waajibaadkiisa gudan waayey. Haddaba maxaa dhex maray Farmaajo iyo Jawaari? Ugu horeyn hadalka Jawaari ayaaa u muuqda mid burinaya hadalkii uu jeediyey sabtidii markii uu baaqday kulankii baarlamanka. Jawaari ayaa markaas yiri “Waxaan u mahad celinaa madaxweyaha oo soo dhex galay xiisaddii jirtay, isaga oo gutay waajibaadkiisa, allaah ajar ha ka siiyo” Jawaari iyo Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kulmy habeenkii jimcaha, tan iyo markii xiisadda baarlamanka ay billaabatay. Xildhibaano ku beel ah Jawaari oo ay ka mid tahay Fowsiya Sheekh ayaa madaxweynaha u tagay una sheegay in Jawaari uu doonayo inuu la kulmo, uuna doonayo inuu is-casilo, maadaama ku dhowaad 200 xildhibaan ay kaso horjeesteen. Jawaari oo madaxweynaha u tagey ayaa u sheegay inuu doonayo inuu is-casilo, sidaas darteedna la baajiyo kulanka baarlamanka, wuxuuna codsaday in la siiyo 10 maalmood oo uu kula soo hadlo saaxiibadiis kooxda Damu Jadiid, oo uu sheegay inuu ku biiray. Madaxweynaha ayaa sida la sheegay dhaariyey Jawaari, marqaatina uga dhigay xildhibaanada beeshiisa, si xiisadda jirta loo damiyo. Ayada oo sidaas ballanku yahay, ayuu Jawaari shalay mar kale u tagey madaxweynaha, una sheegay inuu ballanka ka baxay, oo aanu is-casili doonin. Waxa uu kadib maanta qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay in madaxweynaha uu iscasilaad ka dalbaday. Xaqiiqda wixii dhex maray Farmaajo iyo Jawaari, waxaa nala wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanadii goobjoogga ka ahaa wada-hadalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/Jawaari.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari on Tuesday accused President Mohamed Farmaajo of rubbing salt into his wound barely four days after a presidential intervention put off a session to debate on the no-confidence motion against Jawari. In a press conference, Jawari said the President had been pleading with him to resign since Saturday rather than resolving the crisis. “Rather than mediating the political crisis, he is asking me to resign and I will not resign. I came here through the ballot and will go through the ballot,” said Jawari. The embattled speaker remains defiant in the face of the impeachment motion, saying that he decided to release this information to the public following what he called the President’s hidden plan to oust him. “I tell the people of Somalia that the President failed to solve the political crisis, I never thought that they would negotiate with me over my resignation,” he told the reporters. He said the proponents of the motion have been given clearance to hold a session to unset him on Wednesday. “I agreed with the President to allow ten days in which we would find a solution for the stand-off, but the motion against me has been allowed proceed which indicates that the President is happy with it,” he criticised the President. The protracted political crisis between the Executive and Legislative branches of government will culminate in a closely-watched, politically charged motion which will be tabled on Wednesday.
  4. “They are asking me to resign, but I am not going to resign, I do not work for them,” the words of a defiant Mohamed Osman Jawari, Somalia’s Speaker of Parliament. Confusion has rocked the lower legislative chamber for the past weeks. The crisis has seen the house divided between supporters of the speaker on one hand and those of the Prime Minister, Ali Hassan Khaire. Speaker Jawari has been accused by elected officials of abuse of power and obstruction of constitutional reform. He has, however, survived a motion of no-confidence. This crisis has previously led to a heavy deployment of security personnel in and around the Assembly. The speaker of parliament called this move an “attempted coup.” A new motion of no confidence was suspended after President Farmaajo intervened. MP Mohamed Mohamud who supports the speaker bemoans the negative effect of the crisis on the country. “This dispute in parliament has a negative impact on the country, because there are internal struggles between the supreme branches of government such as parliament and the executive causing more insecurity. “There has been a rise of power struggle in the legislature. Ministers do not go to their offices because they are too much involved in this conflict, the deputies are also paralyzed by these struggles, with the public services not functioning well,” he said. The Upper House of Parliament has tried to mediate in the impasse, the biggest political crisis since the government took office a little over a year ago. President Farmaajo has had to postpone several meetings and foreign travels to try and end this crisis. The African Union, United Nations and other partners have voiced grave concern and also called for calm. Source: – Africanews
  5. The Kenyan Defense Forces have been deployed in Somalia conducting counterterror operations since 2011.Yet a recent United Nations (U.N.) report accuses the Kenyans of continuing its years-long practice of enabling the trade of charcoal in Somalia—a trade banned by the U.N. in 2012 because it profits al-Shabaab, the Islamist terror group with which Kenya is ironically locked in a bitter struggle. Since its rise to prominence in 2006, al-Shabaab (an al-Qaeda affiliate) has launched hundreds of attacks inside Somalia, earning the State Department’s designation as a terror organization in 2008. In October 2017, it launched one of the deadliest terror attacks in history when two of its truck bombs killed more than 500 people in Somalia’s capital city, Mogadishu. The group also frequently attacks nearby Kenya, perpetrating some of the worst massacres the country has ever suffered. Its seizure of the upscale Westgate Mall in Nairobi in September 2013 led to nearly 70 deaths and almost totally destroyed the mall. In 2015, the group killed 147 people—mostly students—at Garissa University in eastern Kenya. The group has also kidnapped Kenyans and foreign citizensalike from Kenya and attacked humanitarian aid workers around the Dadaab refugee camp. In response to al-Shabaab’s growing power, the African Union in 2007 established a multinational peacekeeping force in Somalia, known as AMISOM, to try to roll back al-Shabaab’s territorial control and stabilize the region. After invading Somalia in October 2011 in its own campaign against al-Shabaab, Kenya merged its forces in Somalia with AMISOM the following year. AMISOM succeeded in expelling al-Shabaab from all its major strongholds, though the group still controls significant territory in southern Somalia. Kenyan forces also liberated the port of Kismayo, one of Somalia’s largest ports for exporting charcoal. Some believed the city’s capture would be a lethal blow to al-Shabaab given its financial reliance on the port. That was not the case, however. Instead of enforcing the U.N. ban on the charcoal trade, Kenyan forces allegedly allow it to continue in exchange for its own slice of the action. The Kenyans charge about $2 a bag, and may make as much as $12 million a year from the arrangement. The Kenyan forces’ cupidity allows al-Shabaab to rake in charcoal profits. The U.N. conservatively estimates that the terror group makes approximately $10 million dollars a year from the 4.5 million to 6 million bags of charcoal exported annually. Al-Shabaab benefits primarily by taxing vehicles ferrying charcoal to port cities such as Kismayo for export. The fight against al-Shabaab is already difficult enough given the Somali government’s corruption and dysfunction, and its lack of progress in creating an effective Somali national army. Kenyan forces’ refusal to enforce the charcoal ban only makes the fight harder, and the money they reap comes at the cost of both Kenyan and Somali lives.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho. Guddoomiye Jawaari, ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadaladii uu waday Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kuwaa oo fashil kusoo biya shubtay. Guddoomiye Jawaari, wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka. Jawaari wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo xilka, balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, sharcina ku baxayo, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda. Wuxuu sheegay Jawaari in berri xarunta Golaha Shacabka ay ku kulmi rabaan xildhibaanada Mooshinka wada, wuxuuna tilmaaamay in kulankaasi uu fasaxay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu la saftay xildhibaanada Mooshinka wada. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE JAWAARI
  7. Mogadishu (HOL) - Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari on Tuesday accused President Mohamed Farmaajo of rubbing salt into his wound barely four days after a presidential intervention put off a session to debate on the no-confidence motion against Jawari. Source: Hiiraan Online
  8. The Kenyan Defense Forces have been deployed in Somalia conducting counterterror operations since 2011.Yet a recent United Nations (U.N.) report accuses the Kenyans of continuing its years-long practice of enabling the trade of charcoal in Somalia Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa la xaqiijiyay in noociisa uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, kaa oo caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi. Qaraxa ayaa si gaara loo dhigay agagaarka Masjid ku yaalla Isgoyska Ceel Qalow, kaa oo geystay khasaaro kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka. Qaraxa miino ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee goobta ku sugnaa, kuwaa oo xiray gabi ahaan goobta Qaraxa. Gaadiidka gargaarka deg dega ah iyo Ciidamada ammaanka oo halkaa si wada jira u gaaray ayaa qaaday dad ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa. Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye kuxigeenka aanay wax khasaare ka soo gaarin qaraxan, balse muraayada hore ee gaarigiisa ay jabtay. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray ilaalo la soctay Guddoomiyaha kuwaa oo loola cararay goobaha caafimaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled-xaawo ayaa sheegaya in deegaan ku yaala Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya ay kusoo degtay Diyaarad siday Hub kala ceyn ah. Diyaaradan oo la sheegay inay daabusho Hubka kaliya ayaa laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaa la xaqiijiyay in halkaa ay ku dajisay Hub noocyo kala duwan ka kooban. Hubka ay dajisay diyaaradaas ayaan la ogeyn halka laga leeyahay, wallow wararka qaar ay sheegayaan in qaarkood loo soo raray dhulka ay al-Shabaab ka heystan Xadka. Diyaaradan ayaa waxaa la socday Cidamo Mareykan ah waxa ayna warbaahinta ay sheegen in diyaardan ay leedahay shirkad la yiraahdo Black Water oo ka howlgasha adduunka taa oo Saldhigeedu yahay dalka Mareykanka. Sidoo kale,diyaaradaan ayaa si gaara ugu dagtay meel duura sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya sidoo kale waxay warbaahinta ay tabisay in astaanta iyo numberka ay muujinayaan in diyaaradaas laga leeyahay Mareykanka. Ma cadda u jeedka laga leeyahay Hubka waxaase laga cabsi qabaa in Hubkaasi loo waday maleeshiyaadka al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. “They are asking me to resign, but I am not going to resign, I do not work for them,” the words of a defiant Mohamed Osman Jawari, Somalia’s Speaker of Parliament. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku guul-dareystay inuu kala dhex-galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10-maalin in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suuro-gelin. Prof. Jawaari ayaa intaas ku daray in meeshii uu ka sugayay madaxweynaha soo jeedin odayinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin. Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay in xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana loo baahan yahay iyadu inay is-casisho, wuxuuna intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay. “Waa wax lala yaabo in xukuumaddu ay tiraahdo lama shaqeyn karno guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaan doonayaa inaan qeexo arrin dastuuri ah, annaga uma joogno inaan u shaqeyno xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is-casili maayo, iyada ha is-casisho,” ayuu yiri Jawaari ku yiri shirkiisa jaraa’id. Guddoomiye Jawaari ayaa sharci-darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri ah uu iclaamiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee yimaada uu mas’uul ka noqon doono Madaxweyne Farmaajo. Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn, Hadallada kulul ee guddoomiye Jawaari ayaa u muuqda kuwo sii adkeynaya khilaafka ka dhex aloosan golaha fulinta iyo golaha sharci-dajinta Soomaaliya, kaasoo soo jiitamayay muddo toddobaadyo ah. PUNTLAND POST The post Gudoomiye Jawaari oo eedeeyay MD Farmaajo kana Dalbaday xukuumadda inay is-casisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta MCH-ka degmada Shibis, isagoo dhinaca kale ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo canug oo mataano isku dhegan ah. Eng. Yarisow ayaa sheegay xaruntan cusub ee MCH ku ay kaalin mugleh ka geysan doonto horumarin adeegyada Caafimaadka Gobolka Benaadir, waxuna ku tilmaamay in guud ahaan dib loo howlgelin doonno xarumihii adeegga bulshada ee Caasimadda, si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed. “Xaruntan MCH ka degmada Shibis waxay kaalin mugleh ka qaadan doontaa sidii ay caafimaad wanaagsan ku heli lahaayeen bulshada ku nool degmada iyo guud ahaan Caasimadda, ka maamul ahaana waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku helaan adeeg bulsho oo dhameystiran”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo ilmood oo isku dhagan, waxuna sheegay in maamulkiisu uu gacan siin doono bulshada nugul. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, si loo soo celiyo kaalintoodii. PUNTLAND POST The post ENG. YARISOW: Waxaan ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  14. KAMPALA. President Museveni has put the death toll of Ugandan soldiers killed in the Sunday al-Shabaab attacks on UPDF camps in Somalia to eight. Source: Hiiraan Online
  15. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhawayd Warbaahin Shirjaraaid ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu sharci daro yahay kulanka Golaha Wakiilada ee maalinta bari ah ka furmi doonay Magaalada Muqdisho , iyadoo aan wali laga heshiin oo aan laysku raacin wax ajande ah. Waxa uu sheegay jawaari in Mas,uuliyada iyo caawqib xumida arintan ka dhalata uu dusha uridan doono Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiyaha ayaa beeniyay in Madaxweynaha ay isla soo qaadeen in uu xilka ka tanaasulo, balse waxa uu sheegay in ay ahayd in Xukuumada iyadu ay is casisho maadaama ay gabtay howlihii loo igmaday . Halkan ka dhagayso shirkiisa Jaraaid. Shirka jawaari
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wada hadalladii ku saabsanaa xal u helista khilaafka Baarlamaanka ayaa gabi ahaanba la joojiyey, kaddib markii guddiyada ku howlanaa arrinkan ay xalay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo natiijo muujineysay kala fogaanshaha labada dhinac. Ilo xogogaal ah ayaa Caasimadda.net u xaqiijiyey in kulan xasaasi ah ay yeesheen xalay Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari kaddib kulankii ka horreyey kaas ee guddiyada dhex dhexaadintu ay u gudbiyeen Madaxweynaha natiijadii waan waanta ay wadeen tan iyo bartamihii bishii sadexaad. Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay adkaatay kaddib markii uu Guddoomiye Jawaari si cad uga hor yimid in mooshinka laga keenay la mariyo hannaanka dastuuriga ah oo ay xildhibannadu cod geliyaan. Jawaari ayaa codsaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiso magdhow gaaraya 5$ Malyan oo doolar, si uu isu casilo. Taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee uu xilka ku banyan karo. Isfahan waagan iyo shuruudaha adage ee Guddoomiye Jawaari uu hor dhigay madaxda Kale ayaa gaartay heer uu Jawaari ku hanjabo in uu qorsheynayo in awood ciidan uu isticmaalayo isaga oo adeegsanaya Guutada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka oo uu sheegay in ay garab ku siinayaan dhaq dhaqaaq kasta oo uu kaga hortagyo ansixinta mooshinka laga keenay. Lama oga xaaladdu sida ay noqon doonto maalinnimada Barri oo ah maalinta uu iclaamiyey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in uu dhici doono kulanka Xildhibaannada Baarlamaanku ay kaga arrinsanayaan mooshinka ay ka keeneen Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu Gudoomiye Jawaari shir jaraaid uu ku qabtay Magalaada Muqdisho uu ku shaaciyay in aysan jirin wax tanaasul ah oo uu samaynayo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Mas,uuliyada wixii fowdo ah oo ka yimaada maalinta bari ah kulanka ay iclaamiyeen Garabkii Xildhibaanada ee isga ka soo horjeeday ee Mooshinka ka gudbiyay. Dowladda Soomaaliya ayuu Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay dabada ka riixayso Mooshinka laga keenay . Waxa uu sheegaya Gudoomiyaha in ay muuqtay in uu fashilmay kulamadii Xalka loogu raadinayay laguna dhex dhaxaadinayay Xildhibanada labada dhinac ukala jabay oo ay garwadeenka ka ahaayeen isaga iyo Madaxweynaha . lasoco shirkiisa Jaraaid Gudoomiye Jawaari iyo wixii ku soo kordha.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku Dhawaaqay inuu berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya. Farriin loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu sheegay inuu Berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee baaqday maalintii Sabtid aheyd. Ajandaha Kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay codka kalsoonida ee loo qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Mudane Xildhibaan, Sii hayaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha in Maalinta berri oo Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabka Ajendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Farriintaas ayaa loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana muuqato inuu Khilaafkii cirka isku sii shareeray. Waxaa fashilmay dhex dhexaadintii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari. Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Mid kamid ah Musharaxiita utar tamaysa qabashada xilka Madaxtinimo ee Puntland 2019 ka ayaa maanta dhaqaale ugu Deeqay dhismaha Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo oo meel gabo gabo ah ku dhaw . Musharaxan oo lagu magacaabo Injineer Maxamed khaliif Xasan Jabiye ayaa Wadadan ugu deeqay lacag dhan cadadkeeda 50 kun oo Doolar taas oo uu ku wareejiyay Gudiga dhismaha Wadadan xili uu Maanta Booqasho uu ku tagay goobta ay shqadu ka socoto . Gudiga dhismaha Wadadan ayaa ugamahad celiyay Musharaxan dhaqaalaha uu ku taageeray ,waxayna u rajeeyeen in uu rajadiisa Alle urumeeyo. Halkan ka dheeho Sawirrada.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo fasaxay xildhibaano uu ugu yeeray inay yihiin kuwa foodo wado. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari. Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay. Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu ka dalbaday in uu iscasilo hayeeshee uu Jawaari sheegay in uu ka diiday taas islamarkaana uusan is casileyn. Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambeyn ka digay Shirka Golaha shacabka ee Berri loogu ballansanyahay xarunta Golaha shacabka,waxanaa uu xusay in isaga uu mas’uul ka yahay xaruntaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Duqa caasimadda Puntland, Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe ayaa shaaciyay in deb-damisyo cusub loo soo iibiyay magaalada Garoowe. Duqa ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay dab-demisyo ay hesho magaalada Garoowe,islamarkaana dadaalkaasi uu mira-dhal noqday,kadib markii shir dhexmaray shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose lagu go’aamiyay in saddex dab-demis loo soo iibiyo caasimadda Garoowe. Dab-demisyadaan oo lacagta lagu soo iibiyay ay iska-kaashadeen shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose,ayaa bishaan gudaheeda laga keenaya dalka Imaaraadka Carabta,sida u hadalka u dhigay Xassan Goodir. Dhinaca kale xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Garoowe ayaa ku dhawaaqay mooshin ka dhan ah duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo ay ku eedeeyeen xil-gasho la’aan iyo musuq maasuq. Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin 20 xubnood,inkastoo madasha ay shirka jaraa’id ku qabteen ay ka muuqdeen sagaal xildhibaan oo keliyah. Xubnahaan ayaa buuq iyo muran ka sameeyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,xilli uu hadal waano ah jeedinayey Suldaan Siciid Maxammed Garaase oo kamid ah isimada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) oo furay Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,ayaa sheegay in Puntland haatan ay ka jiraan duruufo gaar ah,islamarkaana aan loo baahneyn khilaaf iyo is-qab-qabsi. Wasiir Tima-cadde ayaa sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ugu baaqay in mooshinka loo maro hab sharci ah,isagoo uga digay in ay caasimadda Garoowe ka sameeyaan arrinta Xamar ka socota oo kale. Halkaan ka daawo dhammaan dhinacyada. PUNTLAND POST The post Golaha Degaanka Garoowe oo buuq iyo mooshin ku furmay appeared first on Puntland Post.
  22. Bosaso-[Puntland Post]-Maxkamada danbiyada culus ee Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey danbiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan. Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal. Dhinaca Kale xukunka la guridey xukumane Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in danbiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Askari Gaari Kala Fakaday appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in siddeed sano kaddib ay soo gaba-gabeysay hawlgalkii ay ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya, dhammaan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliyana ay dib ugu laabanayaan saldhigga ciidamada Jarmalka ee Bundeswehr. Dib u laabashada ciidamada Jarmalka ee Somalia ku sugnaa, ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeeka wasaaradda gaashaandhigga ee Jarmalka oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baarliin. Afhayeenka ayaa sheegaey in xukuumaddiisu ay bishii Feberaayo sheegtay inay ciidamadooda la baxayaan, kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen tababarka, isagoo intaa uu ku daray inay bixitaankooda qayb ka tahay amni-darro ka jirta Soomaaliya. “Waxyaabaha nagu kallifay inaan ka baxno Somalia waxaa ka mid ah iyadoo uu jiro muran siyaasadeed oo soo jiitamayay iyo iyadoo aan la hayn qalabkii lagu hubeyn lahaa ciidamada Soomaalida, kaddib marka la tababaro,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ciidamada Jarmalka ayaa waxay tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2010-kii ka mid ahaa ciidamada Midowga Afrika ee tababarrada siiya ciidamada DF,si dowladda Somalia looga taageero inay ammaankeeda iyada sugato, marka ay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Jarmalka uu dhanka siyaasadda ka taageeri doono hawlgalka lagu tababarayo ciidamada xoogga Soomaaliya, isla markaana ay rajeynayaan in ciidamada Somalia uu dhismo. Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaaday dowladda Jarmalka ayaa imaanaysa iyadoo hawlgalka Midowga Yurub ee Somalia waqtigiisa laga dhigay 31-ka December 2018-ka, si tababarka ciidamada Somalia loo sii wado. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Jarmalka oo ka dhawaajisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Maxkamada dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey dambiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan. Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal. Dhinaca Kale xukunka la guridey xukumane Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in danbiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.