Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,753
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. d81badb0-6d18-11ef-b970-9f202720b57a.jpg

    Magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha waxaa ku soo dhammaaday shirka Shiinaha iyo Afrika kaas oo ay ka qayb galeen inta badan hoggaamiyaasha wadamada Qaarada Afrika.

    Madaxda shirka ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyo sidoo kale Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed oo labadooda dal xiisaddi ka dhex taagan tahay.

    Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriikoodu xumaaday ka dib markii Addis Ababa ay heshiis Is afgarad ah la gashay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland, kaas oo ay si weyn ugu hortimid dowladda Soomaaliya.

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday kulan is arag ah oo la sheegay in dowlad aan magaceeda la sheegin isku dayday inay la kulansiiso Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Sarkaal sare oo ka tirsan waftiga madaxweynaha Soomaaliya ee Shiinaha ayaa BBC-da u xaqiijiyey inuu jiro warka la xiriira in la kulan siiso madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, basle dhanka Soomaaliya aysan ka suuragelin oo ay diideen.

    “Waa jiraa warkaas” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in “qolyihii doonayey inay kulansiiyaan uu suurtoobi waayey isku daygooda”.

    Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu sheego dowladda isku dayday inay abaabusho kulan dhexmara labada hoggaamiye.

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiyey Axmed ayaan is arag tan iyo bilowgii sanadkan ka dib markii Muqdisho iyo Addis Ababa uu xiriirkoodu xumaaday.

     

    Jabuuti

    Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa uu sheegay in Jabuuti ay doonayso inay labada dhinac hoos u dhigaan xiisadda ka dhex taagan.

    Hadalkii uu BBC-da u sheegay ka hor intii madaxda Afrika aysan u safrin Beijing ayuu ku yiri “Waxa aan u safri doonnaa Beijin maamlo gudahood halkaas oo aan haysano fursad ah in dhammaan hoggaamiyaasha aan kula kulmi doonno halkaas . Waxa ay ila tahay waa fursad wanaagsan in Madaxweyne Geelle uu kula hadlo labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Soomaaliya , wuxuuna isku dayi doona in uu abaabulo Kulan haddii suurtagal ay tahay in ay iskugu yimaadaan IGAD si looga wadahadlo dhibaatada habka ugu wanaagsan ee aan awoodno.” ayuu BBC-da u sheegay Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

    Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wareegyo wadahadallo ah oo ka dhacay dalka Turkiga kuwaas oo dowladda Turkigu dhexdhexaadiye ka ahayd kana dhacay Ankara.

    Labada wafdi ee kala mateleyey Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan labadaas wareeg ee wadahadallada aan is hor fariisan marka laga reebo u kala warqaadid Turkiga ah. Wahadalladaas ayaan dhalin wax natiijo ah.

    Dowladda Soomaaliya ayaa madaxdeedu ku celceliyeen inaysan Itoobiya la hadli doonin haddii aysan ka laaban is afgaradkii ay la gashay bilowga bishii Janaayo ee sanadkan Somaliland, aysanna aqoonsan madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

    Xiisadda ayaa sii korortay markii Masar oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Itoobiya ay kor u qaaday xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, ayna labada dal wada saxiixdeen hesiis iskaashi amni.

    Halkee sartu ka quruntay

    Heshiiskii is afgaradka ahaa

    Kowdii Bishii Janaayo ee sanadkan ayey ahayd markii magaalada Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo dhigayey in Somaliland heli doonto aqoonsi halka Itoobiya ay heleyso “marin biyood laga kirayeeyo” sida ay Somaliland sheegtay.

    Heshiiska is afgaradka ah ayaa la doonayey in muddo gaaban ka dib loo beddelo heshiis rasmi ah laakiin wali ma suuragelin.

    Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas is afgaradka ah ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah madaxbaannida dhuleed iyo qarannimda Soomaaliya.

    Waxayna Muqdisho cadaadis diblomasiyadeed saartay Itoobiya, iyadoo fagaarayaal badan oo caalami ah ka ashkaysay Itoobiya.

    Maalmo ka hor ayuu Madaxweynaha  Somaliland sheegay isagoo ka hadlayey safar uu ku marayo gobolada Somaliland in heshiiskaas is afgradka ah uu dhaqan gali doono.

    Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si la mid ah shirkii Shiinaha iyo Afrika waxay hore uga qayb galeen shirar caalami ah ayagoo aan fool-ka-fool u kulmin.

    Bbcsomali

    Qaran News


  2. 7ca99260-5942-46eb-a142-a0216a84d1e2.jpg

    Nidaamka caalamiga ah ee dunida wuxuu “ku jiraa khatar aan la arag tan iyo dagaalkii qaboobaa”, madaxda sirdoonka UK iyo Maraykanka ayaa sidaas ka digay.

    Madaxda MI6 iyo CIA-da ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay u taagan yihiin sidii ay isaga caabin lahaayeen dagaalka gardarada ah ee Ruushka iyo Putin ee Ukraine.

    Maqaalkii ugu horreeyay ee ay si wadajir ah u qoraan, Sir Richard Moore iyo William Burns ayaa ku qoray Financial Times, in ay arkayeen dagaalka Ukraine ee soo socda “oo ay awoodeen inay u digaan beesha caalamka”, taas oo qayb ahaan ay qeexaysay macluumaadka sirta aha si ay u caawiyaan Kyiv.

    Waxay sheegeen in ay jirto howl la qabtay si loo “burburiyo ololaha iska saarnaanta ah ” taas oo ka dhacday guud ahaan Yurub iyo si loo qaboojiyo dagaalka Israa’iil iyo Gaza, iyo ka-hortagga argagixisannimada si loo fashiliyo kooxda dawladda Islaamiga ah (IS).

    Wargeyska FT, bogga ra’yiga, ayey ku qoreen: “Su’aali kama taagna in nidaamka caalamiga ah ee adduunku – nidaamka dheellitiran ee horseeday nabad iyo xasillooni oo keenay heerarka nololeed ee sare kaca fursadaha iyo barwaaqada – in uu ku jiro khatar aan la arag tan iyo dagaalkii qaboobaa.

    “In si guul leh loola dagaallamo khatartan” waxaa saldhigga u ah xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya UK iyo Maraykanka, ayay intaasi raaciyeen.

    Mid ka mid ah “hanjabaadaha aan horay loo arag” ee ay wajahayaan labada waddan waa dagaalka Ukraine, kaas oo ku jira sannadkiisii ​​saddexaad ka dib duulaankii Ruushka ee Febraayo 2022.

    Source Bbcsomali

    Qaran News


  3. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Switzerland, ahna ergeyga joogtada ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva Khadra Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo waxaa ka gudoomay Agaasimaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, Tatiana Valovaya.

    Danjire khadra Ducaale ayaa Soomaaliya u fadhin doonta dalkaasi Switzerland oo kamida dalalka muhiimka u ah Soomaaliya ee qaaradda Yurub, ayadoo sidoo kale ku matali doonta arrimaha Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

    Soomaaliya oo dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa wadda dadaal ay ku xoojinayso saamaynteeda arrimaha dibedda iyo iskaashiga dalalka dunida kala dhexeeya.

    Source: goobjoog.com


  4. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la soo taagay rag loo haysto Alshabaabnimo, kuwaas oo Xeer-ilaalintu ay ku soo oogtay dacwado la xariira falal nabad-gelyada halis ku ah iyo ka tirsananaanta kooxo dowladnimada ka soo horjeeda.

    Ragga galdacwadeedkooda ay maxkamaddu u fariisatay ayaa waxaa kamid ahaa oday naafo oo dhowr iyo 50 sano jir ah, kaas oo ka yimid dalka Jarmalka, asal ahaanna ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

    Ninkan ayaa qirtay inuu kooxda Alshabaab u qaabilsanaa ilaalinta keydka raashinka, maadaama uu sheegay inuu yahay qof baahiyaha gaarka ah qaba oo aan dagaallada iyo qaraxyada ka qeyb-qaadan karin.

    Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iskiis uga soo baxay kooxda, islamarkaana muddo uu magaalada muqdisho dhuumasho ku joogay ka dib gacanta laamaha amniga soo galay, balse xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay inuu doonayay in tababarro uu soo qaatay uu weerarro uga geysto magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

    Source: goobjoog.com


  5. FB_IMG_1725720082466.jpg?fit=593%2C395&s

    Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu oo haatan ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.

    Field Marshal Birhanu oo khdubad ka jeediyay munaasabadda dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya ayaa si weyn u dhaleeceeyay madaxda Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay la shaqeeyaan cadowga Itoobiya oo uu kala jeedo Masar.

    Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay inay difaacaan madax-banaanidooda, haddii tallaabo loo soo qaado dhankooda, sida uu ku goodiyay

    Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamadu ay diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka, isla markaana ay difaacayaan dalkooda.

    Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay wax uu ugu yeeray cadowga Itoobiya oo carqaladeynaya horumarkooda  iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan gudaha ah.

    Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo weli halkeedkii ay tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxana haatan kusoo biirtay Masar oo iskaashi cusub la yeelatay dowladda federaalka, taas oo ay ka carootay dowladda Itoobiya.

    Si kasataba, Soomaaliya ayaa Masar la saxiixatay heshiis milateri oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha dalka kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

    Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

    The post Itoobiya oo eedeyn yaab leh u jeedisay madaxda Somalia appeared first on Caasimada Online.

  6. Yuusuf-Geelle.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay odayaasha dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan oo ka horyimid dadaal ay isaga iyo xildhibaanno kale sameeyeen kuna raalligeliyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed.

    Yuusuf Geelle ayaa marka hore raalligelin buuxda siiyay odayaasha, wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu ahaa in la’isku soo dhowaado oo si deganaan ah loo dhameeyo muranka taagan.

    “Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

    Sidoo kale wuxuu sii intaasi sii raaciyay ‘Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed hortooda in aan raalligelin ka siiyo odayaashaas oo ah odayaasheennii wax kasta oo ay dhibsadeen oo shaqada aan ka shaqeyneynay ay ka dhibsadeen waxaan rabnaa inaan ka raalligelino”.

    Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta badda, wuxuuna farriin culus oo midnimo ah u diray xildhibaannada labada Gole oo uu ugu baaqay inay u midoobaan difaada dalka.

    “Abiy Axmed baarlamaankiisa ayaa waxa uu ka dhaadhicinayaa inuu dhulkeenna qabsado saas darteed baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa inaanan ku kala qaybsamin inaan badda difaacno oo dalka iyo dadka aan Itoobiya ka difaacno” ayuu mar kale yiri.

    Odayaasha Beelaha Mogadishu Clan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid dhaq-dhaqaaqa xildhibaannada ee ka socda caasimada, waxay si gaar ah u diideen in raalligelin la siiyo xildhibaannadii horay u taageeray Itoobiya.

    “Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Mogadishu Clan kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu horay u yiri afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan.

    Waxaa kale oo uu kusii daray “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

    The post Daawo: Yuusuf Geelle oo u jawaabay odayaasha Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.

  7. 458252759_960246939479779_70908534415301

    Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha oo kamid ah waddamada waa weyn ee dunida, isla-markaana haatan loollan adag kula jira Mareykanka ayaa mar kamid ahaa waddamada taageerada ugu badan siiya Soomaaliya, sidoo kalena la lahaa xiriir ku dhisan wax wada qabsi, kaas oo soo billowday 1960-meeyadii, wuxuuna xilligaas dalka ka fuliyay mashaariic waa wayn.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay isbeddalka haatan ku yimid xiriirka labada dal iyo daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan yahay magaalada Beijing.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Shiinaha ay mar xarun muhiim u ahayd magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku lahaa xarunta ugu wayn ee Afrika, sidoo kalena uu dalka ka fulin jiray mashaariic waa wayn oo uu dhaqaale fara badan ku baxayay.

    Siyaasigan ayaa tilmaamay in hadda dhammaan ay masha ka baxeen waxyaalahaasi, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu gaabiska ka jiro Soomaaliya ama dhinaca Shiinaha.

    Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

    Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika.

    Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale.

    Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan.

    Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda?

    The post Daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya ma xaggooda mise waa xaggeenna? appeared first on Caasimada Online.

  8. img_1_1725706760651.webp
    Qoraalkani halkani hoose yaala waxa faafiyay Jiif Caaqil Rashiid Jaanbiir ee ka mid ah hogaamiyayaasha beelha West Burco Clan kuwa ugu awooda badan xaga dhaqanka iyo taladaba, waxana uu yidhi.

    “Aniga oo ku hadlaya afka guddida guud ee beelaha West Burco Clan, waxaanu dhiig, dhimasho iyo difaac la garab taaganahay Beelaha East Burco Clan” Jiif Caaqil Rashiid Jambiir.

    ……… …….. ……

    “I am speaking on behalf of the general committee of West Burco Clan tribes, we are with the blood, death and defense of East Burco Clan tribes” Jiif Caaqil Rashiid Jambiir

    Qaran News


  9. f7e1f0c0-1fb4-4da6-9be5-9a8340fcb04b.jpg

    Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Kaafi Cabdi oo horay dil uga gaystay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

    Maxamed Kaafi ayaa ugu dambeyn maanta laga oofiyay qisaasta Marxuum Duraan Jaamac Maxamed oo uu horay u dilay.

    Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

    Horay Maxamed Kaafi oo kasoo muuqday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa qirtay inuu dilka gaystay, waxaana lagu xukumay toogasho oo maanta lagu fuliyay.

    “Dilkaa la’igu soo eedeeyay waan gaystay, weliba si kas ah ayaan u gaystay, kolley wuxuu u dhintay ayuu iga qabay” ayuu horay u yiri Maxamed Kaafi.

    Sidoo kale wuxuu horay u dalbaday in laga oofiyo qisaasta marxuumka, maadaama uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu si kas ah u dilay

    “Codsi ahaan waxaan soo jeedinayaa in la’iiga oofiyo xaq i saaran oo la’igu xukumo dil toogasho ah” ayuu mar akle yiri Maxamed Kaafi.

    Caabudwaaq ayaa horay sidaan oo kale toogasho loogu fuliyay eedeysanayaal kala duwan oo dilal ka gaystay magaaladaasi, waxaana soo dhaweeyay bulshada deegaanka.

    The post Maxamed Kaafi oo maanta lagu fuliyay dilkii uu codsaday appeared first on Caasimada Online.

  10. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Maanta booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadidda gaadiidka hawadda, gaar ahaan Diyaaradaha noocyadooda kale ee loo yaqaani (Linx Aviation Pilot School in Serbia) xarunteed weyn Belgrade.

    Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa  la kulamay Milkiilaha Linx Aviation School ATO, ahna Madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković.
    Danjiraha iyo Madaxa Linx ATO.

    Labada dhinac ayaa  isla meel dhigay heshiis  ku saabsan in si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga iyo tababaridda Duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhallinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee dhanka duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.
    “Waxaa xaqiiq ah in dhallinyaradda Soomaaliyeed ay mudan yihiin in loo raadinayso fursdo ay mar walba ku heli karaan aqoon iyo cilmi si ay u gaaraan hiigsiga fog ee mustaqbalkoodda ‘’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed.

    Source: goobjoog.com


  11. Garsoorka wuxuu bixiyaa mid kamida adeegyada ugu muhiimsan ee udub-dhaxaadka u ah nolosha dadweynaha iyo xasilloonida dalka, waxaana si maalinle ah adeeg garsoorid ah ugu doonta boqolaal qof oo qaba dacwado madani iyo ciqaab adagba isugu jira.

    Fulinta adeegga garsoorka ayaa waxaa u xilsaaran maxkamadaha oo u kala baxa kuwo rayid ah iyo militari oo loo yaqaanno ( maxkamadaha ciidamada qababka sida), kuwaas oo leh derojooyin kala sarreeya.

    Dacwadaha ay maxkamadaha rayidka ahi qaadaan ayaa isugu jira laba nooc oo kala dacwad madani ah, taas oo ah dooda iyo khilaafaadka ku saabsan lahaanshaha hantida sida dhulalka, gaadiidka, xuquuqda hal-abuurka ( Copyright), arrimaha bulshada sida dhaxalka, guurka iyo wixii lamid ah.

    Qeybta labaad ee kiisaska maxkamadaha ayaa ayaguna ah dacwadaha ku saabsan dambiyada sida dilalka , dhaca hantida, musuqmaasuqa, xadgudubyada dhinaca jinsiga ah iyo wixii lamid ah, waxayna Leeyihiin heerar kala duwan oo ku xiran sida ay dembiyada ama dacwaduhu u kala culusyihiin.

    Tusaale haddii laysku haysto dacwad madani ah oo uu ka dhalan karo ganaax ka yar $ 3000 , ama faldembiyeed Cinqaabtiisu ay ka hoosayso 3 sano oo xarig ah waxaa qaadista galdacwadeedkaas awood u leh maxkamad degmo, wixii intaas ka badanna waxaa ku shaqa leh maxkamad gobol, taas oo qaadaysa wixii ka yar 10 sano oo xarig ah ama  ganaax ka badan$ 3000

    Maxkamadda sare ee dalka ayaa ayaduna  qaada dacwadaha ka baxsan awoodaha maxkamadaha gobolka iyo degmada ama racfaan ahaan loogu soo qaado, haddii ay oggolaadaan.

    Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa ayaguna intooda badan waxa ay qaadaan dacwadaha la xariira ciidamada iyo dembiyada ay geystaan kooxaha argagixisada iyo ururrada hubaysani .

    Lasa soco qeybta labaad ee xogta garsoorka dalka.

    Source: goobjoog.com


  12. Hawiye.png?fit=893%2C455&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Mogadishu Clan oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan.

    Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Mogadishu Clan, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Mogadishu Clan.

    Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada bixiyay raalligelinta iyo kuwa taageeray Itoobiya ay isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

    “Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Mogadishu Clan kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan.

    Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

    Waxaa kale oo uu Nabadoonku ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, ayna difaacaan madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    “Waxaan rabaa marka ugu horreyso inaan caddeyno in Odayaasha Mogadishu Clan ee Soomaaliyeed aysan cidna colaad, xumaan iyo dagaal midna aysan u qabin, haddana u qabin waan u taaganahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ug baaqeynaa shacabka inay gacmaha is qabsadaan oo wadajirkooda ilaashadaan, dalkooda ayn difaacdaan” ayuu yiri afhayeenku.

    Dhankiisa Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Xildhibaano nooma ahan oo Mogadishu Clan iyo Habar gidir ma mtalaan kuwa ralli galinta u geeyey xildhibaanadii Ethiopia taageeray ku bishaareysta”.


    The post Odayaasha Mogadishu Clan oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan + Video appeared first on Caasimada Online.

  13. 1000005609.jpg?resize=600%2C450&ssl=1Xi Jinping, the President of the People’s Republic of China, at the Opening Ceremony of the Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation in Beijing.

    Mogadishu (Commentary) — The People’s Republic of China wields significant diplomatic and economic influence in Africa. Its 21st-century influence in Africa far surpasses the influence Beijing had on the continent during the 20th century. Globalisation is partly the main driver of China’s economic growth and influence. The recently concluded summit in Beijing, which brought together 46 African heads of state, turned out to be a public relations exercise and, as such, a political flop.

    It was an opportunity for China to present its version of a rules-based system for the Global South. Instead, it offered an economic development package — 50 billion dollars — to promote the developmental state model in Africa, an approach tested in Ethiopia that ultimately led to dictatorship and intra-state ethnic conflicts.

    The eight-point China-Africa Joint Statement fails to address the geopolitical tensions in Northeast Africa — the conflict in Sudan, and Ethiopia’s attempt to annex a Somali coastal district, violating the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. The Red Sea is now the most geopolitically sensitive region in Africa. How can the vision of a greater role for Africa and China in global governance be achieved if China leaves to the West the task of addressing Africa’s geopolitical challenges?

    Reforming global governance becomes a self-sabotaging goal if it undermines core principles such as the sovereignty of nations. China owes its economic prosperity to its integration into the global trade system. It honours agreements and obligations under the United Nations Charter. Respect for a rules-based system should have been the starting point in any attempt to reform global governance. Respecting colonial borders, territorial integrity and political independence is a key principle that prevents conflicts and geopolitical instability in Africa. The China-Africa Cooperation Summit Forum failed to emphasise this important principle.

    © Puntland Post, 2024

    The post Why China’s Strategy Missed the Mark on Geopolitical Tensions in Africa appeared first on Puntland Post.


  14. 202476638558519160585325.jpg?resize=660%

    Isku day ku aaddan in magaalada Beijing ee dalka Shiinaha lagu kulansiiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa fashil ku dhammaaday sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

    Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay weheliyaan madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay ku guul-darraysteen isku daygaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday soojeedinta ku aaddan in lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, si ay uga wada-hadlaan xal u raadinta xiisadda labada dal.

    Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay saxiixa is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ayaa ka sii dartay, kadib markii dowladda Soomaaliya heshiis iskaashi millitari la saxiixatay Masar, islamarkaana la sheegay in gudaha Soomaaliya la keenayo ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doona hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday in uu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya appeared first on Puntland Post.


  15. BF.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan hakad-galay kulamadii Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira xiisadda hareysay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada Soomaaliya.

    Wararka ayaa sheegaya in uu baaqday kulankii maanta ee Golaha, iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday guddoonka sare ee baarlamaanka.

    Kulankan waxaa ka horreeyay fadhiyo kale oo baaqday todoobaadkii hore, waxayna dhammaan dib u dhacydaan muujinayaan inay istaagtay shaqadii baarlamaanka.

    Sababta ugu wayn waa muranka ka dhashay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

    Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

    Marka laga tego baaqashada kulanka maanta ee baarlamaanka, haddane waxaa jira go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

    Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

    Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

    Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

    The post Shaqadii barlamaanka Soomaaliya oo istaagtay + Sababta appeared first on Caasimada Online.

  16. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday falal nabad-gelyada lid ku ah oo ay wadaan dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo hab qabiil u abaabulan, islamarkaana hayb ahaan u beegsanaya shaqsiyaadka beelaha kale ka soo jeeda ee ay ku tuhmaan inay qof ay ayaga is xigaan dhaliilaan.

    Falalka noocaas ahi ay socdeen waxaa lagu jir-diley, islamarkaana muuqaallo foolxun looga duubay dhowr qof oo dhallinyaro ah, waxaana sii kordhayay walaaca nabad-gelyo ee ay qabaan dadka Nairobi ku nool, gaar ahaan kuwa baraha bulshada caanka ka ahi.
    Haddaba dowladda Kenya oo dhowr jeer loogu baaqay inay arrintan wax ka qabato ayaa qaaday tillaabo ay uga hortagayso Falalkan amniga lidka ku ah, waxayna mamnuucda calaamada qabiillada Soomaalida ee kulamada dadweynaha lagu muujiyo, ayadoo la filayo inay sidoo kale joojin doonto hadallada kicinta ah iyo muuqaallada dhiillada leh ee lagu baahinayo baraha bulshada dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida.

    Si kastaba ha ahaatee falalka maalmihii la soo dhaafay ka socday Nairobi ayaa abuuray qalqal nabad-gelyo iyo kala qeybsanaan bulsho, taas oo ay horseedeen is beegsiga beelaysan iyo dhacdooyinka foosha xun ee halkaas ka socday.

    Goobjoog.com

    Source: goobjoog.com


  17. d3907f49-30df-404f-a2f6-fc0276643478_w40

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaalla dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya.

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intaasi ka bato.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya.

    Weli lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen.

    Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano.

    PUNTLAND POST

    The post Kenya: Ugu yaraan 18 arday oo ku dhintay dab qabsaday dugsiga hoose ee Hillside Endarasha appeared first on Puntland Post.


  18. Qoor-Qoor.jpeg?fit=2048%2C1464&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

    Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug.

    Arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday, kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq.

    Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag.

    Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda.

    Waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug.

    Falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu  la xiriira arrinta doorashada Galmudug.

    Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

    Anigoo ah La-taliyeyaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) magacaygu yahay Lataliye Axmed Shire Maxamed (Falagle) maanta oo ah Jimco bisha Septembarna Tahay 06/9/2024 waxaa Iska casilay shaqadii Lataliye Madaxweyne ee Galmudug.

    Waxaa aad iyo aad ugu mahadcelinaa wada shaqayntii 5ta sano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqor) oo marna Wasiirka Warfaafinta ii igmaday marna Lataliyenimo.

    Ma jiro khilaaf iyo dhaliil Madaxweynaha iyo Aniga noo dhaxaysa Waa Saaxiibkay Shaqooyin Wax Ku Oola Wada Qabanay Inaa xilka Katago Waa Arimo aniga Ii Gaara.

    Galmudug waxaan Urajeynayaa Midnimo ,Horumar,Nabad MADAXDII iyo Asxaabtii Aan Wada Shaqaynay ,iyo Shacabka Galmudug Waa Iga Cafis Cidwalba Oo  Wax aan katirsanayey Waxaana Cafis Ka Codsanaaya Inay I Cafiyaan intii wax iga tirsanayeay”

    The post Qoor-Qoor oo xaalad adag wajahaya iyo siyaasigii labaad oo garabkiisa baneeyay appeared first on Caasimada Online.