
malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Cali Ameeriko ayaa ballanqaaday in dawlada Soomaaliya ay u fududayn doonto cid walba oo doonaysa inay dalka maalgashato, ayna dawladu sugi doonto ammaanka muwaadiniinteeda iyo walaalaheena kale ee caalamka nooga imaanaya si ay uga faa'iidaystaan fursadaha ka jira dalkeena" ayuu sii raaciyay. God bless this hard working man , Soon to be Pesident Ali America
-
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) - Shir hordhac ah oo loogu gogol Xaarayo shirweynaha dib u dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Waxaana kulankan kasoo qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Maxamed Cali Nuur, Madaxa Afrika ee hay'ada Hanvard ee iyadu shirkan qabanqaabinaysa Xassan Nuur, Madaxa rugta ganacsiga ee Kenya James Mureu iyo ganacsato ajaanib ah oo ay kamid yihiin Sanjeev Gandhia oo madax ka ah, Hay'ada Astral Aviation Ltd. iyo Mark Smith oo ah madaxa shirkada Deloitte. Madaxa Afrika ee hay'ada Hanvard ee iyadu shirkan qabanqaabinaysa Xassan Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay fikradaan kasoo go'day markii ay arkeen baahida loo qabo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay qayb wayn ka ciyaari karto xasiloonada iyo dib u dhiska dalka. "Shirka dhici doona 28-ka bisha waa fursad aan horay inoo soo marin oo ay isugu imaan doonaan dadka uu ka go'o mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaanna ganacsatada iyo maamullada dalka ka jira" ayuu yiri Xassan. Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo mustaqbalka Soomaaliya oo noqon kara waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo midka caalamka, marka la fiiriyo mawqica istiraatijiyadeed ee u dalku ku yaallo, iyo firfircoonada ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool wadamada gobolka iyo caalamkaba. Sanjeev Gandhia oo madax ka ah, Hay'ada Astral Aviation Ltd. oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay Soomaaliya fursada maalgashi ee ka jirta haatan aysan barri na sugi doonin, loona baahanyahay in haatan laga faa'iidaysto. Waxaa uu ku boorriyay shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways inay bilowdo duulimaadyo toos ah oo ay Soomaaliya ku tagayso si dadka Kenyaanka ahi ay uga faa'iidaystaan fursadaha ganacsi ee dalka Soomaaliya ka jira. Mark Smith oo ah madaxa shirkada Deloitte ayaa isna sheegay inuu ku mahadinayo hay'adda Hanvard qabanqaabada shirkan oo uu sheegay inuu yahay mid isku xiri doona dhammaan dadka iyo sharikadaha danaynaya inay maalgashadaan Soomaaliya oo uu sheegay inay kasoo gudubtay marxalad adag. Madaxa rugta ganacsiga ee Kenya James Mureu oo dhawaan Xamar kasoo laabtay ayaa sheegay in markii uu halkaas tagay isbadalay fikirkii uu ka haystay Soomaaliya. "Xaaskayga ayaa ii diiday xataa inaan baxo waanan ku indha adaygay tagitaankayga, laakiin markii aan tagay waxaan arkay fursadaha maalgashi ee meesha ka jira iyo Soomaalida oo si fiican noo soo dhaweeyay, taasoo ii xaqiijisay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu heellanyihiin inay qaataan kaalintooda ku aadan horumarka gobolka" ayuu yiri James. Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay sida dawlada Soomaaliya ay ula dhacsantahay qabashada shirka 28-ka May oo fursad u ah Soomaaliya iyo dhammaan shirkadaha maalgashiga ee caalamka. "Shirkani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, wuxuuna daba socdaa shirkii London, wuxuuna tusaale u yahay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay marxaladii adkayd ayna hadda tahay meel u diyaarsan in la maalgashado" ayuu yiri Danjiraha. Cali Ameeriko ayaa ballanqaaday in dawlada Soomaaliya ay u fududayn doonto cid walba oo doonaysa inay dalka maalgashato, ayna dawladu sugi doonto ammaanka muwaadiniinteeda iyo walaalaheena kale ee caalamka nooga imaanaya si ay uga faa'iidaystaan fursadaha ka jira dalkeena" ayuu sii raaciyay. Ugu dambayntiina kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa martiqaad u diray dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka rajo qaba inay maalgashadaan Soomaaliya, uguna baaqay inay yimaadaan shirweynaha qabsoomaya 28-ka bisha, kaasoo lagu lafa guri doono fursadaha maalgashi, halka ay ka jiraan iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo, looguna fududayn karo ganacsatada tasiilaadka ay uu baahanyihiin ee xagga amniga iyo shuruucda maalgashiba.
-
Sky News Interviews Abdirashid Duale CEO Dahabshiil Group Holdings
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
He's a British national. He's Somali. He's a Somalilander. He's a businessman! Don't speak for the man , i said Judging by the interview , Abdirashid Duale states he is been living UK for 20 years and went back to his home country (Somalia) and started a company . never did he mention Somaliland? Businessman or not Mr Abdirashid Duale is icon in Somalia a wealthy men who provides service to the entire Somali peninsula His view is very important his company GDP is bigger the Hargesa admin budget -
Sky News Interviews Abdirashid Duale CEO Dahabshiil Group Holdings
malistar2012 replied to malistar2012's topic in Politics
Waa ethnic Somalilander, he is not Konfurian.? I still consider him from Somalia he himself acknowledges that , in the Interview i don't recall hearing anything about Somaliland? i have no clue on his stand on Somalia. Judging by the interview he seems like Somali Nationalist. -
" frameborder="0" allowfullscreen> Sky News Interviews Abdirashid Duale Ceo of Dahabshiil Group Holdings Recognizing Dahabshiil as a Major contributor to the Somali and east African economies as a whole and also This man should be next Somali President , in terms of business and service his company provides To Somali people around the world
-
Gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu laalay mooshinkii laga keenay Xukuumada, kadib markii tiradii loogu tala galay inay mooshin ka keenaan Xukuumada uu yaraaday, isla markaana ku soo hartay tirada Xildhibaanada 38-xildhibaan, ayna ansax aheyn. Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 200 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari, waxaana uu ka dhawaajiyay in markii hore mooshinka u soo gudbiyeen 93-xildhibaan, hase ahaatee maalinba maalinta ay ka dambeysay ay xildhibaano warqado u keenayeen oo ay kaga tanaasulayeen. "Maalinba maalinta ka dambeysa Xildhibaano ii imaanayay, waraaqado ayay i keeneen oo ay kaga laabanayeen, waxaa ugu dambeysay 13-xildhibaan, waxaa soo hartay oo kaliya 38-xildhibaan sharcina kuma ahan inay mooshin keenaan"ayuu yiri Prof. Jawaari. Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa kulanka ka sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka, ayna ka laabteen, waxaana xildhibaanada baarlamaanka ku soo dhoweeyeen sacab. Wararka qaar ayaa sheegaya in 38-Xildhibaan ee ku soo haray mooshinka ay ahaayeen xildhibaano taageerayay Jubaland, oo ka soo kala jeeda Jubooyinka iyo Puntland. Kulanka baarlamaanka ayaa goor dhow soo idlaatay, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo horjeeday mooshinka ay ka soo dareereen xarunta golaha shacabka, iyagoo aad u faraxsanaa. La soco wixii ku soo kordha.
-
Adeer Inna Xoosh is on the payroll of Culusow and is enjoying his money. Culusow is desperate and has tried everything, all avenues and all cards at his disposal to stop Jubbaland. In his last attempts and after long and hard thinking, he thought to himself that Puntland or Punlanders may be the last remaining hope to oppose, put doubt the legality of the whole thing and derail the conference in Kismayo as he saw Jubbaland conference came to a conclusion with success. However, since Puntland is fully behind and every Puntlander on planet earth supports it, he eyed few jobless MPs in Mogadishu and showed them big uncle Sam money so that they speak ill of the Jubbaland administration. Although I must admit that Inna Xoosh is clever, took the money, visited Kismayo and has said nothing new or added anything to the table, he only repeated what Culusow and Saacid were saying the past few months which he knows will not change anything on the ground regarding the issue of Jubbaland - deep down he's having a laugh at Culosow and lacagtiisana wuu iska xalaalaystay as someone who broke barriers. But whats funny in all of this is, now Culosow is courting and giving big sums to Puntland MPs, of which I'm 100% will fail as all his other sinister plans failed, so the question is, when is he going to realise that Jubbaland is of the people for the people and by the people and accept it? an insult to SOL intelligence Inna Xoosh is on the payroll of Culusow? No shame ?
-
xiin and co i remember not long ago about 8 month go election time , Xoosh was the champion of the law the constitution hero . Today is different story he is irrelevant and stooge when he does not serve the clan agenda. Dawladiid are dangerous then alshaabaab , they both are munafiq one hides behind Somali flag the other Islam.
-
After Hassan took away their constitutional rights of freedom of assembly and speech. Nicely done Mr. President. Some Members of the Somali Parliament who were demanding the removal of Prime Minister Abdi Farah Shirdon from office have now decided to back down following a public outcry President hassan has done nothing wrong , its the spoilers within the Government that accepted demand of the Somali People.
-
Somali Parliament in full support of HE Shirdoon.
malistar2012 replied to Dabrow's topic in Politics
Good News Indeed -
Xiin and co . why are guys hiding from this thread? Xoosh Puntlander who helped build the dastuur said its unconstitutional. Here is the Former Consitution Minister that drafted the Constitution. He says the gov't is right and what is going on in Kismaayo is nothing more than emotion and distraction by people with other ill Agendas.
-
Qaar kamid ah xildhibaanadii xukuumada Soomaaliya mooshinka ka keenay oo arinkaa dib uga laabtay. May 20, 2013 - Waxaa Qorey : Balcad Muqdisho - Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay xukuumada Ra’iisu wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa arinkaasi dib uga laabtay kadib markii ay arkeen in hadda aanu habooneen mooshinkaas. Xildhibaanadaan iyo kuwo kale oo baarlamaanka ee taageersanaa xukuumada ayaa kulan ay maanta yeesheen waxaa ka hadlay xildhibaan Dalxa oo xubnihii mooshinkaan keenay ka mid ahaa wuxuuna sheegay in isaga iyo xubno kale ay dib uga laabteen. “Aniga iyo qaar badan oo kamid ah xildhibaanadii Mooshinka keenay dib ayaan uga laabanay waayo danta Soomaaliyeed ayaan eegnay, waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada kale inay iyaga dib uga laabtaan” Xukuumada Saacid ayaa u muuqanyesa mid hadda heleysa taageero qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaaliya, laakiinse maalinta Arbacada ayaa wax walba la ogaan doonaa.
-
Hotelka Naasa-hablood (2) ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen in ka badan 120 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia kaasoo lagu taageerayey waxbaqadka xukuumada RW Saacid, isla markaana looga soo horjeeday mowshinka laga gudbiyey ee la doonayo in lagu rido. Kulankan oo xitaa xildhibaanada ka qeyb galay ay ku jireen qaar ka mid ah xildhibaanadii mowshinka gudbiyey oo mowqifkoodii bedelay ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano fara badan oo ku dheeraaday waxqabadka xukuumada RW Saacid. Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin iney mowshin ka keenaan xukuumada laakiin loo baahan yahay in wax walba ay ku saleeyaan rabitaanka shacabka Soomaliyed ee ay wakiilka ka yihiin ayna dhinac iska dhigaan danaha shaqsiga ah. Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shiikh Aadan Madoobe oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin iney dhaliilaan, qaladaadka jira farta ku fiiqaan, mowshina ka keenaan xukuumada haddii ay gudan weyso waajibaadkeeda hase ahaatee loo baahan yahay ineysan deg degin si aan loogu arkin iney yihiin kuwo qaran dumis ah. “Xukuumada RW Saacid waxay jirtaa todoba bilood waa muddo aad u yar wax badana oo aan la is lahaa mudadaas kuma qaban kartana wey qabatay runtii, dalka 22 sano ayuu burbur ku socday, bilo kooban iyo sanado yar wax loogama qaban karo, dowladana dhaliil waa yeelan kartaa laakiin ma gaarin ayaan isleeyahay heer laga keeno mowshin lagu rido” ayuu intaa ku daray Aadan Madoobe oo xildhibaanada ka tanaasulay mowshinkaas uga mahad celiyey talaabada ay qaadeen. Gudoomiyaha guddiga xuquuqul Insaanka ee Baarlamanka xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid aheyd xubnihii kulankaas ka hadlay ayaa iyana sheegtay in xukuumada raisul wasaare Saacid ay wax badan ka qabatay mudadii ay jirtay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin soo celinta xiriirkii caalamiga ahaa, amaanka maamulada gobolada iyo xoojinta xiriirka dadaweynaha. “Shacabka Soomaaliyed dal iyo dibed wey ka naxeen markii ay maqleen mowshin ayaa laga keenay xukuumada, Waayo? Waxay aaminsanayeen in dowlada RW Saacid ay tahay midii ugu wanaagsaneyd dowlidihii dalka soo maray xiliga burburka, waxayna diidanayeen in muran iyo isqabqabsi kale uu ka dhasho arintan kaasoo muddo dheer sii jiitami kara” ayey tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye. Xildhibaanadii mowshinka ka keenay xukuumada RW Saacid ayaa awoodoodii la daciifiyey ka dib markii la kala furfuray wadahadalo iyo kulamo badan oo lala yeeshay ka dib, waxaana arintaas ay neef weyn ka soo fujisay RW Saacid iyo xukuumadiisa oo mowshinkaas u arkayey mid khatar gelin kara jiritaankooda.
-
Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladdii KMG ahayd Xildhibaan C.rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Waftigii dowladdu u dirtay Magaalada Kismaayo oo Waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Saadaal Media ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay Kismaayo ku sugnaayeen. C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay inay kulamo la qaateen dadka dagan Kismaayo isla markaana ay is waydaarsadeen Fikradihii ay dowladda ka wadeen iyo sidoo kale aragtida dadka reer Kismaayo ee ku aadan Maamulada faraha badan ee looga dhawaaqay Magaalada. C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay Magaalada Kismaayo kula kulmeyn Odayaasha Dhaqanka, wax garadka, dhalinyarada iyo weliba haweenka ku dhaqan, sida uu yiri. Waxaan soo ogaanay buu yiri inay dadku doonayaan Maamul buuxo oo ay dadka ku wada mideysan yihiin, isagoo xusay inaysan dadka reer Kismaayo dooneyn, Maamulka hal garab uun ka socda. Maamulada kala duwan ee looga kala dhawaaqay Magaalada Kismaayo, ayuu wuxuu cadeeyay inuu si xoog leh uga horimaanaayo Dastuurka dalka, wax walba oo Sharuucda dalka u degsan kahor imaanaaya, ayuu sheegay inay yihiin waxaan soconeyn. Mr Xoosh ayaa wuxuu tibaaxay in waxa ay doonayaan dadka reer Kismaayo, la heli karo oo kaliya sida uu yiri, kolka loo ogaansamo Dastuurka dalka, haddii aan sidaasi la yeelin ayuu sheegay inuu fashil ku soo idlaan doono, rabitaan kasta oo la doono. Wasiirkii hore ee Dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay dadkii ay la kulmeen inay ka codsadee in dowladdu ka howlgasho Kismaayo, sida Xarumaha Booliska iyo dhaqaalaha si dadka deegaanku ay Cadaalad ugu qayb sadaan Khayraadka deegaankooda. Waxaa uu sheegay inay la kulmeen Wakiilo ka kala socday Raga sheegtay Madaxwaynayaasha Jubbaland isla markaana ay kala hadleen sida ugu haboon ee arinta la iskugu keeno karo.
-
Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka “sawirro” kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan iyo taliyaha ciidamada AMISOM waxaana looga hadlay sidii mamulka cusub ee gobolka ay ula shaqeyn lahayeen Odayaasha dhaqanka. Intii uu socday kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Odoyaasha waxyna balan qaadeen in dhankooda mamulka ay garabtaagan yihiin, waxeyna intaasi ku dareen in ay diyaar u yihiin in maamulka Gobolka Hiraan ay ku warejinayaan hubka ay haystaan qabiilada. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa si weyn usoo dhaweyey sida wanaagsan oo u aqbaleen kulanka isla markaane ay ugu yabobeen hubka ay haystaan qabiilada si ciidanka qalabka sida uu ugu howlgalo. Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidanka Jabuuti ee ka mid ka ah ciidamada AMISOM waxa uuna tilmaamay in lagama maarman ay tahay in laga wada shaqeeyo amaanka gobolka iyo horumarkiisa si uu u noqday mid kasoo kabtay dib u dhacii ay ku keneen maleeshiyaadkii ka tirsanaa shabaab ee ku sugnaa.
-
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in la taageero horumarka iyo guusha siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya gaartey iyagoo kadigey in la abuuro wax kasta oo caqabad ku keeni kara guulaha la gaarey. Wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan Baasto oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn in la abuurio caqabado hor leh oo ka hor imaankara horumarka ay dowladu ku talaabsatay. ‘’Dowladu Federaalku waxeey meteshaa ummadda Soomaalyeed iyadoo heysata aqoonsi caalami ah ayeey gaartay guulo wax ku ool ah waxaana xaqiiqdii dhab ah in golaha xukuumadu ay abuureen horumar la taaban karo oo ay ka mid tahay qaadistii cunaqabateynta, abuuritaanka xiriir caalami ah oo Soomalaiya la yeelatay caalamka intiisa kale’’ Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto ayaa sidaasi yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dowladu ku guuleysatay wax ka qabashada dhinaca amniga wuxuuna xusay in madaxda qaranku ay kormeer ku tageen 12 gobol oo ka mid ah dalka, taasina waxuu ku tilmaamay iney tahay talaabo hore loo qaaday.
-
The UN is already feeling the heat of the ban. How so , To ban UN Flight only hurts Somaliland , the article state 413 000 oo ruux o ku dhaqan Somaliland ay xiligan u baahan yihiin gaargar bani'aadanimo. the The article also states . [ Go anka Somaliland annu ila hadda waax saamayn ah ku yeelan barnaamijyadda hay'adah UN-ka