kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. wow. the toothless afweyne needs to be stopped now before he ruins somaliland and destabilizes the region.
  2. where is the international community:confused: where are the human right groups:confused: why are the somaliland citizens on sol quite on the killings of their native people:confused: we ask the world to help the people of somaliland against a genocidal maniac from killing more defenseless people.
  3. Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ayaa maanta 17 May,2012 dil, xabsi daa’in iyo xukuno kale ku riday maleeshiyo beeleedii hubaysnayd ee maalmo ka hor weerartay ciidamadda kana dishay saddexda askari iyo mudaharaado ka bilaabmay xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa Maxkamadda ciidamadda Somaliland darajadeeda koowaad oo saaka u fadhiisatay xukunka maleeshiyo beeleedii hubaysnayd ee weerarka ku soo qaaday xerada ciidamadda Kabka ee Hargeysa ayaa soo saartay go’aankeedii. Go’aanka maxkamadda ciidamadda oo saaka bilaabantay ayaa soo gabagabaysantay isla maanta waxana ay soo saartay xukuno kala duwan oo ay ku riday 28-kii maxbuus ee ay ka qabatay maleeshiyadaas waxaanay kala ahaayeen xukunadeedu. 1.17 ka mid ah maleeshiyadaas waxay ku xukuntay dil 2.5 waxay ku xukuntay xabsi daa’in 3.Sadex way rumaan garaysay 4.Sadex ka mid ahna danbi ayaa ku cadaan waayay oo way sii daysay. Warkan oo uu saxaafada waxa u xaqiijiyay sarkaal ka mid ah dhagaystayaashii dacwadaas oo goor dhaweyd ka soo baxay dhagaysigeeda. Dhinaca kale markii uu soo baxay warkaasi ayay dadweynaha xaafada New Hargeysa waxa ay bilaabeen in ay sameeyaan mudaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan xukunkaasi iyaga oo kala xidhay wadooyinka soo gala xaafadaasi, waxana ay ku dhawaaqaayeen ereyo ay ku cambaaraynayaan xukumada madaxweyne Siilaanyo.
  4. village chief siilaanyo, the toothless afweyne, killings must be stopped.
  5. Mr. Abdirahman, as my famous awoowe, odey shirwac, once said, Hell To The Motherloving Canjeelo NO.
  6. Dawlad Soomaaliyeed oo aan Federaal ahayn ma u cuntami kartaa Puntland? Jawaabtu waa caddahay, waa dawlad waxayna aqbali kartaa habka federaaliga ah oo kooban dawlado midoobay, haddii taas lawaayona dawladda Puntland iyo dadkeedaba waxaan u soo jeedinayaa inay qaataan go’aan adag oo ay masiirkooda kaga tashadaan. Run ahaantii nidaamkii dawladihii hore oo maamulku ku koobnaa hal meel ah (Centralized Government) gobollada puntland waxay u ahayd dib u dhac wayn mana aha wax la aqbali karo. Maansadaan aan ugu magacdaray Dacwad gabay oo aan ku cabbirayo dareenkayga, waxaan aad ugu bayaamiyay inay Puntland maanta joogto heer aad u wanaagsan, dad kaygana waxaan ku adkaynayaa in aanay ku hamiyin inay dalkooda dayacaan. Daruur hogol ah daad soo rogmaday doogga iyo rayska, Dayr dhal geel ah, dabarreey lo’iyo wegen dillaamaya, Diihaalka jiilaalka waa laga dawoobaa Dal burburay bannaan diiran iyodegelka oo qiiqay Haddii danbyo ay noo keceen daacad wax u taagay Duco iyo salaan baan u diray daalna ku adkeeyay Diiwaanka taariikhda waa lagu dawoobaae Danta shacabka diinteenna iyo dawladnimadeenna Dastuur xaq ah sharcay noo dejeen daacadda ilaah Daraawiish Darayskii sitiyo diricyo gaashaaman Dafcadaha mariinada wixii xeebta lagu dayray Wixii cadow la daan daamiyaan la isku diidayn Durdurada batroolka ah haddii daaha laga fayday Daartaa raggii dhigay wallaan dibay lagaarayne Dadaalkiina siiwada ilaah idin dareejeeye Dacwad gabay haddaan reertolkay Daacad ugu dhiibo Gobanimadii loo diraray iyo dabartirkii gaalka Inaad door ahaydeen wallaan xaraf u duugnayne Waxaad duuglahaydeen markaad xamar ku daaraysay Waatii dawaarkii lajaray lagugu soo duulay Waatii sidii duul kufriya danab laguu reebin Dullaan garan halkii lagu dagiyo debinno shaydaane Waa kuu dareen li’ inaad dib u hayaantaa Waxaa Tixdan tiriyay Abwaan Abdirahman Said Abdirahman
  7. General Duke;830923 wrote: ........ you have got to love it. The only problem is such a man by that name does not exist.
  8. this warlord ever since he came into power has engage in killing, more killings, and today, more killing. if he is not stop, he will continue the misery of the people of somaliland and others in the region. this criminal is both threat to peace in the region and a threat to the stability of the horn of africa region.
  9. We appeal to the international community to hold this mass killer for crimes against humanity. this man is dangerous to somaliland hard fought democracy and peace. we seek all the good people of the world as well as a friends of somalis and somalia, to help us stop this criminal from killing another mother, children and elderly people.
  10. AUN to all those that were killed senselessly.
  11. HARGEISA, At least 7 people were killed and scores injured after a land dispute turned violent between civilians and Somaliland’s armed security forces in the northern breakaway region’s capital, Hargeisa, Radio Garowe reports. The dispute was over land that belonged to the former government of President Siad Barre. According to local sources in Hargeisa the Somaliland government sold the disputed land to a businessman. The alleged owners of the disputed land, took the case to court but their appeal was turned down by the Somaliland courts. According to Hargeisa media the clashes erupted after Somaliland authorities tried to evict the alleged owners of the land. The clashes led to 5 deaths including 3 police officers and two civilians. After the conflict paused a British trained and heavily armed unit was called in to disperse the angry crowd that gathered in the New Hargeisa neighborhood. The Resistant Reaction Unit (RRU) clashed with the angry crowd shortly after arriving at the scene. The clashes led to more injuries and according to a Somaliland website a mother was wounded in the conflict. Fowzia Yusuf Adan leader of the NDP party in Somaliland, was briefly jailed in Hargeisa after her and other party leaders protested a ruling which banned them from registering their political parties. Fowzia who spoke to reporters concerning Tuesday’s incident said, “Using military force to quiet people, this is one of the methods that the Somaliland government uses to suppress the civilians, I pray that the God have mercy on the departed and hope the injured regain their health.” The Somaliland government has yet to release a statement on Tuesday’s clashes.
  12. Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole oo waraysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa wuxuu sheegey in ay heleen Dastuurka Qabya qopraalka bishii abril 30-keedii balse aysan ku cadeyn nidaamka Fedaraalka sidoo kalena aysan qeexneyn awoodaha siyaasada dhaqaalaha iyo adeega Dowlada. Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey “Arrimaha Soomaaliya waxa ka qaadanay door muhiim , waxa aan isku tax luujinay in ay wax hirgalaan oo wadankan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dastuurkana la hirgalinaayo,si waxaasoo dhan u hir galaan waxyaabo badan baan ka tanaasulay, Puntland waxa ay qabteen labo shir oo ka dhacay Garoowe, iyo kii Muqdisho waxyaabo badan ayaana ka soo baxay, annaga Puntland wixii noo gaarka ahaa waan hirgalinay, laakin qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay, waxa aan annaga dooneynay in dastuur loo sameeyo Soomaaliya oo nanaku daro guddiyada ansixinaya, laakin MKG ayaa diidan arrintaass”. Waraysiga uu siiyey Dr. Faroole BBC-da wuxuu ku sheegey inay dalbadeen in lixda saxiixayaasha ah ay isugu yimaadaan Adis ababa si ay uga wada hadlaan loona dhameystiro waxyaabaha dhiman Dastuurka. Wuxuu kaloo sheegey Dr. Faroole in Dowlada kumeel gaarka ahi ay dhowr jeer ka dhaga adaygtay in Puntland ay Gudiyada Dastuurka ka shaqaynaya qayb ku yeelato isagoo xusay intaas badalkeeda ay isku haleynayeen Wasiirka Dastuurka oo iyo Raysal wasaaraha oo kasoo jeeda Puntland. Mar la waydiiyey Madaxweynaha in la qanciyey cabashadooda iyo in kale ayuu sheegey ineysan jirin wax lagu qanciyey balse aysugayaan shirka lagu qabanayo Adis ababa, wuxuuna Madaxweynuhu eeda cabashada Dastuurka dusha ka saarey iney Masuul ka yihiin dadkii qoray Dastuurka.
  13. wow. well put. hip hip hooray. hip hip hooray. hip hip hooray. :cool:
  14. Prime Minister Gaas says Puntland entitled to 'constitution response MOGADISHU, Somalia May 17 2012 (Garowe Online) – Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali Gaas said that the elders’ conference in Mogadishu is continuing as planned and that the delays are not due to disagreement between Puntland and the Transitional Federal Government (TFG), Radio Garowe reports. Last week the Puntland government released a response on the Somalia draft constiutuion requesting that the draft constitution be revised and amended. Prime Minister Gaas who spoke to Universal TV on Wednesday said that the Puntland government is entitled to express questions and constraints about the draft constitution. “Of course as a federal state and a very important region in Somalia, they have the right to request amendments or revision of certain articles they have an issue with,” said Prime Minister Gaas. Contrary to what some news agencies in Somalia are saying, Abdirahman Omar Osman (Yarisow) spokesman for the TFG said Wednesday that the elders’ conference in Mogadishu has delayed but Puntland’s concerns with the Somalia draft constitution are not the cause of setback. “There isn’t a disagreement or misunderstanding between the Puntland government and the TFG,” adding, “There are operational issues that have delayed the meeting and the government is currently working on those issues and we expect the conference to continue as planned,” said spokesman Yarisow. The elders’ conference in Mogadishu was supposed to wrap up on Tuesday with 135 elders choosing a National Constituent Assembly (NCA), but operational setbacks have caused a delay the ever important constitution adoption process.
  15. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo taageerada India oo qayb ka ah hawlgalka la-dagaalanka burcada badeeda xeebaha Somalia. Madaxweyne Farole ayaa haatan ku sugan magaalada New-Delhi ee xarunta dalkaasi kadib casumaad rasmi ah uu ka helay wasaarada arrimaha dibedda India. Dr.Cabdiraxman Farole ayaa habeenimadii xalay 1 May ,2012 ka qaybgalay xaflad uu soo agaasimey Golaha India ee arriamaha dibedda oo ka dhacdey New-Delhi waxana uu ka sheegey in tababarida ciidamada Puntland ayaa xoojineyso dadaalada lagula dagaalamayo burcad badeeda isagoona raaciyey in xukuumaddisu si guul ka gaartey hawlgaladii beriga balse aysan wax badan ka soo hoyin dhinaca badda. ‘’Dhulka ayaa kala dagaalanaa ,balse taageero mahaysano dhinaca badda mana haysano waxyaabihii aan ugu tagi lahayn’’ ayuu yiri Dr.Farole. Waxa uu soo jeediyey madaxweynaha Puntland in kor loo qaado tayada iyo tababarka ciidamada badda Puntland PMPF si burcada dhulka ugala dagaalamaan,isagoona codsadey taageero dhaqaale iyo mid khibradeedaba sidii loo curyaamin lahaa weerarada burcad badeeda ka geestaan xeebaha Somalia. Dr.Farole waxa uu diidey in fariisino militeri ay ka sameystaan ciidamo shisheeye deegaanada Puntland oo uu raaciyey inaysan marnaba ogolaneen jogitaanka shisheeye dhulkooda. Muhiimada in burcadnimada la dhameeyo ayuu ku sheegey in la dhiso dhaqaalaha magaalooyinka ku teedsan badda oo dhalinta shaqo u abuuraya isla markaasina ka jeedinaya hanqaltaaga afduubka maraakiibta iyo doonyaha. Ku dhowaad 60 badmaaxiin u dhashey India ayaa biyaha Somalia afduub loogu haystaa,waxana uu qirey madaxweyne Farole in burcad badeedu Puntland soo gasho kana baxdo balse aysan fariisimo ku lahayn dowlad goboleedka Puntland. Dhowaan ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole iyo wafdigiisu soo gabagabeeyaan socdaalkooda India inkastoo aan weli la shaacin goobta ku xigi doonta oo ay wafdigani u kicitimayaan.
  16. Minister of Health, Dr. Ali Warsame, keep up the good work.
  17. Gaalkacyo(puntlandi.com):- Hay’adda Perige international ayaa maanta dawooyin ku wareejisay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug. Kulan maanta ka dhacay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Isbitaalka guud oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Isbitaalka guud Dr, Maxamed Xusien Aadan, Kusimaha Isbitaalka Drs, Sucaad C/laahi Maxamed, Saraakiil ka socotay hay’adda Perige international oo uu ka mid yahay Xusein Abuukar, Aqoonyahanka oo uu ku jiro Prof, Maxamed Jaamac Salaad ayaa dawadan lagu wareejiyay. Eng, Xusein Abuurkar oo ah Wakiilka hay’adan Perige international ayaa si rasmi ah Dawadan ugu wareejiyay maamulka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug wuxuuna sheegay in dawadani ay tahay 10 TAN ayna ka mid tahay Dawooyinka ay hay’adu ugu deeqdo Isbitaalada dadka ka dhaxeeya ee Public-ga loo yaqaano. Eng, Xusein Abuurkar wuxuu sheegay in sidan oo kale ay mar hore Isbitaalka guud u soo gaarsiiyeen Conteenar Dawo ah, wuxuuna xaqiijiyay in ay sii wadayaan Dawooyinka Tabarucaadka ah ee ay Isbitaalada dadweynaha ugu deeqayaan. Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr, Maxamed Xusien Aadan oo isna hadal kooban jeediyay ayaa hay’dda Perige international uga mahadceliyay Dawooyinka tabarucaada ah ee ay isbitaalka soo gaarsiiyeen kana warbixiyay Dawada iyo Agaabkan Caafimaad Muhiimada ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa magaalada Gaalkacyo ku dhaqan, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tarayso baahidii caafimaad ee deegaanka. Agaasimuhu wuxuu tilmaamay qayb ka mid ah Dawooyinkan in ay gayn doonaan Deegaannada Tuulooyinka ah ee gobolka, Meelaha qoysaska Barakacayaasha ah ay degan yihiin ee magaaladan gaalkacyo. Hay’adda Perige international oo ah hay’ada talyaani ah ayaa ka shaqaysa meelo badan oo ka mid ah Caalamka waxaana loo yaqaanaa dhawr magac oo ay ka mid yihiin People community onlus iyo Associazione perige onlus ayaa horay min hal mar Konteernaro Dawooyin ah ah keentay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, markana waa kii sadexaad ee Kaalmooyinka Dawooyinka ah ee Soomaaliya ay soo gaarsiiso.