
Paragon
Nomads-
Content Count
8,464 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Paragon
-
^^ War ninku waa Mujaahid ajir doon ah. Take it from me, he would come- tell him where and he would be there. He never misses an opportunity of fighing for the right cause .
-
Somali Patriots only. List your username please. You will be contacted by the War Committee. Thank you.
-
^^Mooji oo maxaa i baray lol. Bal isaga weydii .
-
Lol Super. Waa iga dhab wallee. Ninbaa suaashaa lahaa balse waa mid haboon isweydiinteeda maantadan . Mj iyo Super, labada calan intaad meel surataan, kaalaya aan colka Tigreega iska dhicinee. Hadhoow hadaad doonta goroda iska lusha hadana- dan iyo yeelkiin . Aniguba kuwa aan ogahay ayaan surka iska luli doonaaye!
-
Horta cadowga etoobiyaanka ahi, weli waraf ma ku deydeen?
-
^^I am so mult-cultural and mult-nationalised sxb. I will buy and sell any emblem any day. PS: No, I am not in the rainbow coalition, not just yet
-
Adeer, beribaan interview u galay shaqadu. Markaaseey igu yiraahdeen, we want to see how good you are at dramatization. I tried few techniques but at last wiil iga khatarsan ayaan shaqadii ku guuleystey . Lol@Tolkay... Scroll up abti, and you will see a fine work of my Tolkay producing news that I would want to read . Waa war dhagaha uroon oo indhuhu ku riyaaqqaan, akhriskiisana carrabka u macaan lol. Now hadaad furatid, ThePatriotofBurco.com, you will sure have a large audience, so how would you keep them tuned in? Entertainment, abti, madaadaalo. Hadii kale wey kugu caajisi oo waxay oran, war kani warba ma yaqaan lol. As if news reporting requires a 'Xawaashayn' (as folks there would called it) skills . This aint about starting a webpage and posting - its about many other factors which you (and I) currently dont possess. PS: Read Idamaale.com, reading material to becoming a successful Tolka mouthpiece, to the level of the president's spokesman.
-
Waa sacab qurxoon yihiin audienceka, laakiin. Anigu taasaan qirsanahay. Bac bac bac, very rythmic and therapeutic .
-
Aniguba calanka Somaliland ayaa dukaanka ii suran sxbyaal . Een, kan Soomaaliyana waa suran yahay, waa iib labaduba Just £3 and you can have it your way!
-
Lol, Mj. What would life be without this subject? Nothing, I tell you.
-
^^Lol, Mj I like the: Markii ugu danbaysay waxaa lagu sheegey Jabhadii SNM in ay sii cararayeen Qoyan oo ah meel wax yar u jirta Degmada Xingalool waxayna ku sii socdeen meeshii ay awal ka yimaadeen. So hyperbolic and so dramatic dagaallada Soomaalida. 'Mar aan la xidhiidhnay Dhahar waxaa laynoo sheegey in ciidamada dowlad goboleedka Puntland ay Boosaaso meel u dhow sii cararayeen' This, we should expect very soon. But at the same time, we might get the news that 'in Ciidamada daraawista ee Puntland ay kulaalayaan' Ceerigaabo, ka dib markii ay soo eryadeen ciidanka SNMta' . Soomaali news reports are exciting to read...
-
Yeah, its the game of out-smarting each other to enter the good books of Meles. Now, hypothetically, if Somaliland leases Berbera to Ethiopia for 100 years, Puntland might make the leasing of Boosaaso 200 years or even 300 years. Who knows. They may even throw in an offer of oil exploration in some blocks . There is no beating Puntland on this...
-
Lol, I love it. Now the propaganda machine kicks in! Await similar articles from SLand side any minute
-
^^Super, thats the whole point. Waadna arki doonta Ethiopian dhex taagan Dhahar in a short period. For the Puntland admin and the TFG, it is time to Ethiopianise the remaining towns outside Boosaaso/Mogadishu deemed hostile. The pretext doesnt matter.
-
Lol. This is the problem with ehel iyo qaraabo as your representatives; they suck big time .
-
^^ Lol, waa ku sidee adiga? Hargeysa and Addis Ababa have good bi-lateral agreements, not to mention good neighbourliness - for the time being .
-
^^Lol, are you sure there is no 'ciidamada sida raxa u booda' batallion of Somaliland in Dhahar? Maxay ciidamada Puntland kusoo duuleen? Shacabka?
-
Warar sheegaya in Ciidankii Somaliland la jebiyey Bosaaso:- Warar goor dhoweyd nasoo gaarey ayaa sheegaya in ciidankii Somaliland ee uu horkacayey wasiirka Arimaha Gudaha Mr Cabdulahi Cirro ee ay dagaalka la galeen ciidamo ku sugnaa dhahar oo taageersan Puntland in la jebiyey oo aan la garaneyn goobaha ay ku sugan yihiin. Magaalada Dhahar ayaa hada degan iyadoo ay adagtahay xogta dhabta ah ee ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay magaalada. Masuuliyiinta Puntland ee Dhahar ku sugan ayaa waxay sheegeen in dagaalka lagu jebiyey Somaliland oo aan hada la garaneyn goobta ciidankoodu ku sugan yahay iyadoo ay jirto warar kale oo sheegaya in ciidankaasi uu u cararey hawdka Dhahareed. Dhinaca Ceerigaabo ayaa iyaduna cirka isku shareertey iyadoo muran xoogani ka taagan yahay imaanshihii uu ku yimi magaalada Wasiirka arimaha gudaha ee Cabdualhi Cirro oo sida naloo sheegey hogaaminayey ciidanka weerarka ku qaadey dhahar Gobolka Sanaag ayaa u eg mid la isku jiid jiidanayo oo hadba maamul aan dan u hayn uu sheeganayo. Dagaalkan ka dhacay Dhahar ayaa dhabar jab weyn ku ah nabad gelyada Gobolka maadaama beesha lagu bartey Nabad iyo deris wanaag. LaasqorayNET+Boosaaso
-
^^Dabshid, its well and good if the people of the region come up woth a third choice. Let them do it. Its within their right. I am all for choice. Originally posted by Suldaanka: Its always the Puntland side that tries to create trouble because they know without the clanish talk they will have a hard time getting any support for their clanish state. Its nowonder the great majority of the well known elites (the educated people) from Eastern Sanaag do support Somaliland and not Puntland. Reaching a consensus on any issue is a cornerstone of Somalialnd's politics. Yes, suldaanka. Its no wonder. I personally know some fellows who started supporting the Somaliland regime in fact after realising Puntland's policies of thwarting peace in the region.
-
Alle-Ubaahne, Dadka reer Dhahar waxa ay isaga difaacayaan Puntland waxa weeye waxay ogsoonyihiin in Cadaha Puntland Ethiopian kusoo hogaamin rabo LaasQorey iyo qayba kaloo Sanaag ka mid ah. Waayo, Cade ayaa ku eedeeyey in ay Maxaakimti Muqdisho iyo reer Sanaag xiriir diineed leeyihiin. Dhulkan hadeer lagu dagaalamayo iyo halka Ethiopianka lagu wado waa halkii Sheikh Xassan Daahir Aweys lagu magan-geliyey 1990kii markuu C/llaahi Yussuf Boosaaso ka qabsadey. Reer Laasqorey, they were subjected to humiliation by pinpointing Ethiopians to the Laasqorey factory, with the pre-text that this factory was manufacturing arms. Again, few months ago, American 'anti-terror' troops landed in Laasqorey harrassing the locals. Now, its the turn of the Ethiopians. All being directed by the Cade regime. No wonder therefore that they are being fought off. Being fought off now would almost guarantee the construction of Laasqorey port which the Puntland government is adamant to sabbotage.
-
Dabshid, whatever reer Dhahar and other towns of Sanaag decide on is up to the people who live in it right now. If they deem Somaliland or Puntland or new Danwanaag state to be the right choice, I am sure they choose it. Right now, what they don't require is trouble courters -as Puntland is proving to be. Both Puntland and Somaliland should not stir trouble in this peaceful region. The last thing these people in Sanaag and other parts of Somalia/Somaliland need is irresponsible courting of trouble.
-
Suldaanka, that is the news I hear too. The locals turned against the puntland soldiers ----- Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay Degmada Dhahar ee Gobalka Sanaag Dailypuntland-09-04-2007(DP-Muqdisho)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhahar ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi saaka dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsanaa Puntland iyo Somaliland,iyadoo labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Labada Maamul wafuud heer wasiira ah u soo direen Gobalka Sanaag,islamarkaasna dhinac walba wado Hay,ado la tusayo cidda sida tooska ah uga talisay Deegaamadaasi. Majiraan wax khasaare ah oo ilaa iyo haatan la xajiiyey,inkastoo warar xog ogaal sheegayaan inay jirto khasaare soo kala gaaray labada Geesood balse aan la garanayn inta ay le'eg tahay,waxaana istaagay dhaqdhaqaaqa Magaalada,iyadoo dagaalka culayskiisu ka dhacay Aagga Baraakaha ee Degmadaasi. Wararkii ugu dambeeyey ee dalka naga soo gaaraya ayaa waxay tibaaxayaan inuu imminka dagaalku joogsaday,islamarkaasna weftigii Puntland oo uu horkacayey Guddoomiyaha baarlamaanka isaga baxeen Degmada Dhahar,iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay bixitaankooda. Gurmadka Labada Geesood ayaa wuxuu ku wajahan yahay Jiida dagaalku ka dhacay,iyadoo dadka ku dhaqan Degmada Dhahar ka cabsi qabaan inuu dagaaladu xoogaystaan,islamarkaasna dhibaato ka soo gaarto. Maamulada PL iyo SL ayaa waxay labadu ku guuldaraysteen inay gutaan Ma'suuliyadda ka saaran Goobaha ay maamulaan,iyagoo la arko marka xiisad colaadeed soo cusboonaado,islamarkaasna Maamulkasta doonayo inuu fushado danihiisa gaar ah. Dailypuntlandnews Dailypuntland@hotmail.com
-
Sanaag: Puntland oo ka hadashay weerar ciidamada Somaliland kusoo qaadeen dhulka Puntland. 9. april 2007 APL Sanaag(AllPuntland)- Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Bankax ayaa sheegay in ciidamo ka socda maamulka la baxay Somaliland ay soo weerareen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland sida Dhahar , Xuddun iyo Awrboogays. Wasiirku wuxuu AllPuntland uga waramay in iska hor imaad uu marka hore ka dhacay magaalada Dhahar , kaasoo aan wax khasaare ah gaysan, dibna loo riixay ciidamadii duullaanka soo qaaday. Md: Bankax wuxuu ka dhawaajiyay in si nabad galyo ah looga saaray ciidankii soo weeraray deegaannada kale ee Xuddun iyo Awrboogays oo ka tirsan gobolka Sool. Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka waqooyi galbeed uu doonayo inay carqaladeeyaan socdaal wafdi reer Puntland ah ay ku marayaan gobollada Sool iyo Sanaag. Md: Bankax wuxuu sheegay in maamulka la baxay Somaliland uu weeraradan iyo waxa uu ku tilmaamay gardarada cad ee Puntland uu ku hayo uga danleeyahay inuu aqoonsi ku helo, asago ku tilmaamay mid ay ku fashilmeen . Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in dad deegaannada Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ay hor kacayaan ciidamada duullaanka kasoo qaaday Somaliland,asagoo uga digay falalkaasi. " Puntland mar walba waa difaac, ciddii kusoo gardarootana way iska difaaci doontaa" ayuu yiri Md: Bankax . CCC Farayaamo AllPuntland
-
^^Adeer, who gives a damn what you trust? WAR DEG DEG AH:- Dagaalkii Magaalada Dhahar oo saacad ka dib Joogsaday. Dhahar: - Mar aan goor dhoweyd khadka telefoonka kula xidhiidhnay dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Dhahar, ayay waxay noo xaqiijiyeen in dagaalkii uu istaagey saacad ka dib, wararku waxay intaas ku darayaan in la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan . Goobjoogayaashu waxay noo xaqiijiyeen iney maqlayeen rasaasta dhashiikaha iyo ZKU -ga oo ka dhacaysa meelaha labada dhinac isku herdiyeen. Warar is khilaafsan ayaa ka jira cidda itaal roonaatay, welina ma helin warar dhex-dhexaad ah oo arintaas ku saaban. waxase hadal hayntu u badan tahay in wasiiradii Puntland ee ku sugnaa magaalada dhexdeeda ay ka bexeen , lamana xaqiijin meesha ay u bexeen iyo sababta. Wararka aan ilo kala duwan ka heleyno ayaa ku sababeeyey bixitaanka wasiirada iyo xildhibaanada Puntland iney tahay kacdoon kaga yimid xagga dadweynaha reer dhahareed. Dhaawac inuu labada dhinacba jiro ayaa sidoo kale la hadal hayaa, inkastoo aan tiradooda war dhex dhexaad ah aan laga hayn, hase yeeshee weli labada ciidan waxay isku hor fadhiyaan duleedka magaalada, waana isu nasanayaan sida muuqata iyo iyadoo qolo walbi ay gurmadkeeda sugeyso. Ma jirto cid dhex dhexaad ah oo arintaan ka hadashay. lasoco wixii kasoo kordha : laasqorayNet + dhahar.com