Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Posts posted by Tillamook


  1. 12 hours ago, maakhiri1 said:

    Very week

    Why is this a new revelation to you, Mudane Maakhiri?  Soomaali baa waa hore tiri, “ninkaad kabaha katoloneyso kabahiisaa la eegaa!

    Marka, saaxiib, try to be a little more circumspect the next time a dodgy snakes oil salesman like Farmaajo comes to you promising you things he cannot deliver politically.


  2. Baarlamaanka Federaalka oo cod Aqalabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Doorashada 2020/21

    Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay si ay u ansixiyaan Heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa cod u qaaday ansixinta heshiiskan.

    Kulankan oo ay ku sugnaayeen inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal intooda Muqdisho ku sugan ayaa waxaa khudbado kooban kadib codka loo qaaday ansixinta heshiiskan.

    252 Xildhibaan ayaa taageeray heshiiskan, halka ay diideen 2 xildhibaan waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.

    Ansixinta heshiiskan ayaa meesha ka saareysa walaacii laga qabay in Baarlamaanka horjoogsado heshiiskii muddada dheer kasoo shaqeenayeen Villa Soomaliya iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee lasoo saaray 17kii bishan September 2020.

    Xildhibaanada ayaa sheegay inaysan waxna ka bedaleen qodobada heshiiska maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed, balse waxay raaciyeen lifaaq kooban oo la xariira qaabka soo xulista Ergada oo ay sheegeen sida loo qoray in la saxo, iyagoo codsaday in laga dhigo in Ergada Xildhibaanada soo dooraneysa ay soo xulaan Issimada (Beelaha) & Bulshada Rayidka, halka Dowlad Gobaleedka kaalinteedu tahay diiwaangelinta.

    Xilhaynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda
    Baarlamaanka ayaa laba qodob ku daray dhanka siiheynta xilkooda iyagoo sheegay in:

       1. Si aysan u dhici firaaq ku yimaado sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhamaystirantahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibaanada loo soo dooratay Baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 60aad ee Dastuurka Faderaalka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

       3. Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka ayaa xilalkooda sii haynaya ilaa iyo inta laga dhiso hay’ad walba hay’addii beddeli lahayd.

    Xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa cadaadis uga yimiad Madaxda Dowlada gobaleedyada oo xildhibaanada gobaladooda laga soo doortay ka codsaday inay codkooda siiyaan heshiiskan si loo aado doorashada wakhtigeeda.

    Maxamed Cismaan
    Horseed Media

    HORSEEDMEDIA.NET

    Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay si ay u ansixiyaan Heshiiskii ay...

     


  3. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo kulansiiyey Shirguddoonka labada Aqal 

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad goboleedyadu ayaa kulan la qaatey Shirguddoonka labada Aqal ee jamhuuriyadda Federaaliga ah.

    Kulankan ayaa lagu muicneeyey in uu yahay sidii labada Aqal ay mudada yar ee u harsan dib ugu wada shaqeyn lahaayeen meeshana looga saari lahaa khilaafkii labada Aqal kala fogeeyey.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka jamhuuriyadda maxamed Mursal ayaa markii Sharciga doorashada wax laga beddalaayey diidey in loo gudbiyo Aqalka Sare waxaana uu sheegay in aysan shaqadooda ahayn, arrintaas waxaa ku raacey Madaxweyne Farmaajo oo sheegay cidda metesha Dowlad goboleedyada in ay yihiin Golaha Shacabka oo keliya.

    Sababta kulankan loo qabtey ayaa ah heshiiska doorashada ee Muqdisho oo wada jir loo geynayo Baarlamaanka in la xaliyo khilaafkii u dhexeeyey labada aqal, taas oo carqalad ku noqon karta in heshiiska la ansixiyo.

    HORSEEDMEDIA.NET

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay weheliyaan Madaxda...

     


  4. War-murtiyeed Kasoo Baxay Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

    Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.

    Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3.

    Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.

    Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda;

      1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

      2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

      3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

      4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

      5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

      6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

      7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.

      8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

      9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.

      10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

      11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.

      12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.

      13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.

      14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

      15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

    Horseed Media

    HORSEEDMEDIA.NET

    Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey...

     


  5. 2 hours ago, Che -Guevara said:

    At this point, nothing much but at minimum, he should have abolished 4.5, something that has broad support among Somalis.

    Farmaajo, like most other political laangaabs, would rather die than get rid of the 4.5 power sharing. He, like the others, who are afraid of holding elections based on districts and provinces of Somalia believe they won’t get the kind of numbers in parliament that they currently get if the nation starts doing parliamentary elections based on districts. So they instead deliberately choose to kick the can down the road and adopt tactics meant dither and delay to hold the nation back. But sooner or later, Somalia will hold district level parliamentary elections and many anti-federalists like Farmaajo will be flushed down the toilet.


  6. 6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    Horta maxaa la caaytantaa sidii islaan dhoocil ah?

    Ra'iyaaga dhiibo without cheap qashin aflagaado.

    Anyway, baarlamaanka can and will make amendments, even though the Imaaraadka stooge you worship did not get anything in the current agreement, including trying to sideline baarlamaanka. All his useless Imaaraadka u soo dhiibay conditions and beesha caalamka u calaacal was null, not to mention being forced to come to Xamar and be a timid guest of Filla Soomaaliya.

    Anyway, wixii Soomaaliya hore u wadaayo, horumarinaayo waa dhaweyneynaa.

    Lol 😂 “ gudhuu” cey ma aha, ee suunka dhuuqso calaacalkana yaree!

    Baarlamaanka gudhuu Mursal uu gudoomiyaha ka yahay hal shey ah kama badali karaan heshiiska siyaasedeed ee dhex maray dawlladaha Federaalka Somalia iyo Farmaajo.
     

    Ma xoogaagi Mursal loo laabi jirey baad is leedahay N&N rajo u ah? 😁 Wake the hell up, mate! Federalism is the law of the land and anyone who attempts to get in its way will end up just like Farmaajo now, and Culusow before him.

    Now MMA, I urge you to get with the program and work towards building functioning and effective local institutions for KoonfurGalbeed Federal State—instead of needlessly always opting for the easy way out and toadying up to whichever damn politician that moves into Villa Somalia every four years.

    Ku dayo Puntland, forget about Xamar and fix the damn gudhuu Southwest Federal State for a change! Lol 😆 

     


  7. 1 hour ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    Gooni, maxaa deg degaan? Wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyey lee la toos toosiyey marka shirka Dhuusamareeb u dambeeyey kama soo horjeedinee. Shirkaas qof iyo cod kama soo bixin.

    Kuwii mucaaradka ku ahaa dowladda dhexe, kuna xujeynaaye in ra'iisul wasaare cusub la magacaaba marka koowaad, in baarlamaanka aan la geyn karin heshiiska ee gaareen, in gudiga doorashooyinka qaranka talo ku lahayn doorashada iyo in ciidamada qaranka in Gedo laga soo saaro. Intaasba ma dhicin oo lama yeelin.

    If all you mentioned above will help you sleep better and you believe Useless Farmaajo has accomplished a victory then please share with us whatever it is your are smoking.😁

    Useless Farmaajo was forced to appoint a new PM to implement this agreement.

    Useless Farmaajo’s stooges Mursal and Muudey where invited to witness the political agreement between the Federal member states and the Federal government, and were also forced to acquiesce to its tenets. So let’s see if gudhuu Mursal dares to not pass the agreement in parliament!😂
     

    Lastly, the electoral commission of Xaliimo Yarey is out the door. This new one useless Farmaajo will now appoint is only going to be ceremonial election observers from the federal government sent to the respective federal member states. Each federal member state will be responsible for their respective local elections and only they will decide who they will send to the Federal parliament.

    Marka gudhuu MMA, your support for N&N was a total waste of time. Somalia is a federal republic and the sooner you forget your wet dreams of a central government in Xamar running all the national politics of Somalia the better it will be for your sanity.

    But then again, I am yet to see a person from your part of Somalia who has the innate freedom living nature commonplace in most Somali nomads. You lot always seem to choose want to booty shake for whoever resides in Villa Somalia at any one given time.

    I wonder why such fawning obsequiousness is abundant in Baidoi?😁


  8. Kheyre is just as useless as useless Farmaajo. He is N&N through and through. His sacking by Farmaajo was just a political ploy that they thought would help them divide their opponents and further their warped undemocratic and dictatorial vision for Somalia.

    Useless Kheyre’s presidential ambitions are merely Nabad&Nolol’s wishful thinking. They expect to push shit up a hill and expect the people of Somalia to hold their noses. Not gonna happen, hombres!

    Useless Kheyre shall share the same fate as Useless Farmaajo. 


  9. Farmaajo oo oggolaadey in Dowladda Federaalku shirka kawada qaybgasho

    Habeenkii xalay waxaa dib u bilowdey shirkii Muqdisho ee looga hadlaayey doorashooyinka 2020/21, kaas oo hakad galay muddo 24 saacadood ah.

    Shirkan oo bilowgiisi u dhexeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa habeenkii xalay lahaa weji ka duwan kii hore, kadib markii cadaadis badan la saarey Madaxweyne Farmaajo oo shirka ka dhigey mid aan u muuqan in uu yahay shir u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada, afarta qaybood ee Dowladda federaalku ka kooban tahay ka soo reeebay keligiis oo keliya.

    Shirka waxaa ku sii biirey habeenkii xalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo kusimaha Raysalwasaaraha Mahadi Guuleed. Waxaa weli shirka ka maqan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaq u leh in uu ka qaybgalo, waxaana jira dalab Dowlad goboleedyadu ay jeediyeen oo ah in Guddoomkiyaha Golaha Aqalka Sare shirka lagu casumo.

    Wararka ku dhaw shirka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ay isaga soo dhawaadeen sidii hore, gaar ahaan Dowlad goblleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo aragtiyo badan oo ay qabeen Dhuusamareeb3 wax ka bedalay, isla markaana ku aragti noqdey meelaha qaar Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa Dhuusamareeb 3, ma jirto heshiis laga gaarey qodobada ugu muhimsan shirka ee kala ah.

      1. Inta degmo ee doorashadu ka dhacayso

      2. Cidda soo xuleysa ergooyinka wax dooranaya

      3. Tirada Ergooyinka wax dooranaya

      4. Nidaamka metalaada, Xisbiyo miyaa lagu     gelayaa mise….

      5. Cidda maamuleysa Doorashada

      6. Metelaada gobolka Banaadir

    Qodobadan ayaa si weyn weli loogu kala qaybsan yahay, waxaana la og yahay in shirku aanu ahayn mid aqlabiyad la tixgeliyo ee uu yahay is qancin iyo tanaasul, waxaana la sugayaa tanaasulaadka la isu sameeyo maalmaha soo socda, in cidkasta ay wax ka tagto waxna loo oggolaado.

    Horseed Media

    HORSEEDMEDIA.NET

    Habeenkii xalay waxaa dib u bilowdey shirkii Muqdisho ee looga hadlaayey doorashooyinka 2020/21, kaas oo hakad...

     


  10. Shirka Muqdisho herdanka siyaasadeed iyo damacyada is-diidan Warbixin+Faallo

    Waxaa maalintii saddexaad galay shirka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo+Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlaayo dhamaystirka hannaanka doorashada dalka 2020/21, kadib markii lagu fashiley in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo.

    Ilaa hadda ma jiro hormar uu sameeyey shirku aan ka ahayn in miiska la isugu wada yimid oo uu yahay shir Soomaali u dhex ah.

    Dooda ugu culus ee shirka ayaa ah in aan waxba laga beddelin heshiiskii Dhuusamareeb 3, isbeddelkastana isaga saldhig looga dhigo, iyo aragti taas ka soo horjeeda oo sheegaysa in aysan ma jirin cid ku meteshey Dowladaha Puntland iyo Jubaland, haddaba qodobada ugu waaweyn ee kooxda Dhusamareeb 3 ku adkeysanayso in aan la taaban waxaa kamid ah:

      •Doorashadu tahay deegaan doorasho

      •Ugu yaraan laba ama saddex degmo in doorashooyinku ka dhacaan gobol kasta oo suurtagal ah in ay ka dhici karto

      •In lagu galo doorashada nidaamka metaalada Xisbiyada

      •Qaabka lagu soo xulaayo ergooyinka wax dooranaya

      •In Xildhibaan kasta ay soo doorato ugu yaraan 301 ergo

      •In ergooyinka isku magaalada ah la isku dhafi karo haddii loo baahdo

    Qodobadan waxaa si weyn ugu dheggan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu taageero ka haystaa Beesha caalamka oo dooneysa in doorashadu noqoto mid u eg qof iyo cod, marka la eego in lagu galo nidaamka Xisbiyada iyada oo ay tahay doorasho beelo u dhexeysa.

    Qodobada kale ee siyaasadeed waxaa kamid ah:

    Cidda maamuleysa doorashada, kooxdii Dhusamareeb 3 waxay ku hesheiiyeen in Guddiga Doorashooyinka Qaranku ay maamulaan, guddigan oo öoogu tala galay in ay maamulaan doorashooyin Xisbiyo rasmi ah u dhaxaysa.

    Qodobkan ayaa ah mid siyaasadeed, waxaana si weyn ugu dheggan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo keliya, dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada xitaa kuwii ka qaybgalay shirkii Dhuusamareeb 3 waxay jecel yihiin in qodbkan la beddelo lagana dhigo si lamid ah doorashadii 2016.

    Shirka Muqdisho ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo+Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ma ahan mid ay khasab tahay in qodobada codeyn la geliyo oo la isku dirqiyo nidaamka aqlabiyad waa mid ku dhisan in la isla oggolaado oo tanaasul ku dhisan, cidkasta oo aan oggolaan oo diidan shirkan jidka u furan waa in ay shirka isaga baxdo, ama ay go’aankeeda ka tanaasusho. Dowladaha Puntland iyo Jubaland waxay ka maqnaayeen shirkii Dhuusmareeb 3, waxaana hadda socda in lagu dirqinaayo in asalka shirka Muqdisho laga dhigo shirkii Dhuusamareeb 3.

    Natiijadii shirkii Dhuusamareeb3, waxay ahayd xujjo u baahan in la fur-furo, waxay ahayd qodobo dhigaalkooda iyo dhihidooduba ay fududahay, laakiin haddii la dul istaago macne kale yeelan kara, waxaana kamid ah qodobka in doorashada lagu galaayo Nidaamka Xisbiyada, iyada oo dalka aysan ka dhisneyn xisbiyo rasmi ah oo dalka oo dhan wada gaarey, kuwaas oo buuxiyey shuuradaha Xisbinimo, qodobkaas oo ah mid beesha caalamku ay dabada ka riixeyso, iyada oo mudadii afarta sano ahayd ee Madaxweyne Farmaajo xilka hayey aanu dhisan xisbi siyaasadeed haddana uu doonaayo doorasho afar bilood ka harsan tahay in Xisbiyo lagu galo, waxaa la dhihi karaa Dhuusamareeb 3 waxa uu ahaa xujjo fur-furideedu tahay muddo-kororsi, haddaba haddii maamulada saddexda ah ee Dhuusamareeb 3 ay difaacayaan qodobo kaas la mid ah iyada oo dhulka ay maamulaan inta badan al-Shabaab gacanta ugu jiro muxuu yahay qorshaha iyo istraatiijiyadda dowladaha shirkaas ka maqnaa ee Jubaland iyo Puntland.

    Waxaan ku soo koobi karnaa qodobo dhawr ah:

       1. Puntland iyo Jubaland waxaa u furan in ay oggolaadaan wixii ka soo baxay Dhuusamareeb3, laakiin ay dib u saxaan kuwa khaldan sida qodobka Xisbiyada oo u baahan in la qeexo, lagana shaqeeyo sidii dalka oo dhan Xisbiyada loo gaarsiin lahaa, loo heli lahaa xisbiyo soo buuxiyey Xeerka Xisbiyada Soomaaliyeed, arrintan waxay keeneysaa in Dowladda Federaalka ee hadda jirta muddada loo kordhiyo, muddo kordhin kasta oo la sameeyaa, Dowladda Federaalka waxay u noqon riyadii u rumowdey, waxaana ay kala qaybin kartaa kooxdii Dhuusamareeb 3 iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay shaki dhex-dhigi kartaa, sidoo kale Xisbiyada magac u yaalka ah ee Muqdisho ka dhisan ayey ku noqon kartaa caqabad aysan fileyn! kuwaas oo hadda ku dheggan mid kamid ah qodobada caqabada ku noqdey shirka Muqdisho, Beesha Caalamka ee iyaduna ku dheggan in wadahadalka Muqdisho saldhig looga dhigo natiijadii Dhuusamareeb3 ayey ku noqon kartaa lama filaan.

    Tanaasul kasta oo Puntland iyo Jubaland ay u sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyaga oo ku beddalanaya gorgortan iyo heshiis shakhsiyadeed mudada doorashada laga gaarayo waxay ku xiran tahay sida ay isku aaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo iyaga marka dib loo xusuusto Dhuusamareeb2 iyo heshiisyadii hoose ee ay wada galeen ee uu cagta ku dhuftey.

      2. Puntland iyo Jubaland waxaa kale oo u furan in ay qaataan tanaasul (compromise), haddii Madaxweyne Farmaajo uga tanaasulo qodobka cidda maamuleysa Doorashada oo guddiga doorashadu uu noqdo mid la isla soo dhiso.

      3. Qodobka ugu danbeeya ayaa ah in mar kale Dowladihii ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb 3 ay isaga baxaan wada hadalka Muqdisho, inkasta oo xogta ku dhaw ay sheegayso in ay taas ka xigaan in ay qaataan “Bad deal”, ama heshiis xun, oo shacabkoodu ka soo horjeesan karaan, si lamid ah fadeexadii BAN-KI-MOON GATE ee Madaxweyne Gaas iyo diidmadiisi hore ee 4.5 iyo oggolaan shihiisi danbe 

    Wadahadal shakhsiyadeysan

    Wadahadalada la sheegayo in ay u dhexeeyaan Dowladda Federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada ayaa aad uga duwan kuwii sanadkii 2016, waxaana ay u muuqaal eg yihiin kuwo shakhsiyadeed, Dowladda federaalka oo ka kooban saddex ama afar qaybood ayaa waxaa ka soo harey oo keliya Madaxweyne Farmaajo oo wada hadalka ku jira, waxaana uu diidey in uu magacaabo Raysalwasaare qayb ka noqda wada hadalka, sidoo kale Baarlamaanada ayaan door ku lahayn. 

    Dowladda Puntland oo ugu guunsan Dowladaha isla markaana ay u dhantahay dhamaan haykalkii Dowladnimo, ayaa la dhihi karaa shirka kama muuqdaan la-taliyaashii sare ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni dhisey iyo golihiisi wasiirada, waxaana shirku noqdey mid u dhexeeya 7 nin oo keliya kuwaas oo aan wax talo ah dib ugu celin la-talaiyaasha, wasiirada, baarlamaanka iyo weliba shacabka.

    Si kastaba waxaa socda gorgortan xoogleh mid hoose iyo mid loo dhan yahay, waxaana muuqata in sida wax loo saadaalinaayo si ka duwan ay arrimuhu noqon doonaan, lana filan karo in ay isu soo dhawadaan kuwo horey aad u kala fogaa, halka ay kala fogaan karaan kuwo horey la isugu xamanaayey.

    Horseed Media

    Ogeysiin: Sababta Puntland iyo Jubaland falanqeynta si gaar ah loogu xusey ayaa ah maamulada kale warkoodi waxay ku caddeeyeen heshiiskii Dhuusamareeb 3. Faalladan waxaa iska leh Horseed Media, website-kasta oo qaata waxaa laga doonayaa in uu xigashada ilaaliyo.

    HORSEEDMEDIA.NET

    Waxaa maalintii saddexaad galay shirka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo+Guddoomiyaha...

     


  11. Maalintii 2aad iyo Shirka Villa Somaliya

     

    Waxaa saaka markale dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya kulanka u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

    Furitaankii shirka ee shalay ayaan laga soo saarin wax qodobo ah oo ku aadan ajendaha shirka iyo qodobada looga hadlyo, marka laga yimaado in Villa Somaliya ay shaacisay inuu shir-gudoominayey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Weli waxaan cadeyn in wax horumar ah laga gaaray qodobada ugu muhiimsan ee lagu kala aragti duwan yahay, kuwaasi oo ay kamid yihiin qaabka doorashada 2020/21, tirada soo dooraneysa xildhibaanada, deegaan doorasheedka iyo in xisbiyada kaalin ku yeelan karaan doorashada soo socota.

    Maamulada Puntland iyo Jubaland oo aan xiriir wanaagsan la lahayn Villa Somaliya horeyna wax badan uga tabanayeen ayaa u muuqda inay mawqif adag ka taagan yihiin nidaamka lagu soo doornayo xildhibaanada, iyagoo diidan in Villa Somaliya awood dheeraad ah ku yeelato xildhibaanada laga soo xulayo beelaha Soomaaliya.

    Shirkan lama sheegin xiliga lasoo gebo gabeynayo ama inta uu socon doono!

    Horseed Media

    HORSEEDMEDIA.NET

    Waxaa saaka markale dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya kulanka u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada...

     


  12. Shirkii Dowlada Federaalka Iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah Oo Ka Furmay Muqdisho

    Shirkii madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

    Shirkan oo ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxa maanta yeeshay oo kaliya madaxweynayaasha iyo duqa Muqdisho, iyadoo ay shirarkii ka horeeyey ka qaybgali jireen xubno wehliya madaxweyne kasta.

    Hase ahaatee shirkan ayey madaxdu kaga arrinsanayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb 1,2 & 3 kaasoo ay madaxda qaar ka horyimaadeen heshiisyadii kasoo baxay.

    Lama oga inta uu socon doono shirkan balse madaxda ayaa warbaahinta la hadlin doona marka uu soo idlaado.

    La soco wixii kusoo kordha

    HORSEEDMEDIA.NET

    Shirkii madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland...

     


  13. 6 minutes ago, galbeedi said:

    Ah, the false states of Somalia.

    50 Landcruisers each worth $50,000 dollars are welcoming false governors who can not muster even $50,000 a month worth of budget.

    How long will these charade will go on? If you go to the station police there might not be even a paper or computer to register cases; no courts to adjudicate among people or a functioning city hall .When will these games end?

    This Waare guy who lives in Mogadishu full time could not even build a mare levy to protect Beledweyne from consecutive floods while millions donated were missing. mida kale goormo lugta ka dhaawacmay pp Laangadhe noqday? 

    Waxay na badeen waxa ka daran waxay na bareen.

    Certainly these NGO's have destroyed Somalia. Remember all those shiny toys are provided by " Beesha Caalamka".

    Last week watched Madoobe and Deni landing in Mogadishu with hundreds of men in suits waiting. 

    We all know there is no work going on in Mogadishu. The reclusive president could not even address the basic issues. It was the speaker of the parliament who more than a month ago proclaimed that the president will nominate a new prime minister. No word as of yet it he decided to keep Guuleed , who is capable as a prime minister or appoint a new one. 

    And so what is your point?

    Some federal member states are nascent and are not yet fiscally functioning governments. But Rome wasn’t in a day. In due time, they will all become functioning and effective institutions that serve their respective peoples.

    As for the useless and reclusive Farmaajo, all I can say is his days in office are numbered. He has wasted enough of the Somali peoples time.


  14. 5 hours ago, gooni said:

    Master.

    Gedo waxay ku taalaa meesha ay qoraxdu u dhacdo

    Gobolka bari oo uu ku dhashay deni waxuu ku yaalaa meesha qoraxdu kasoo baxdo.

    Cidii soo dooratay may waydiyaan maxaa halkaas fog ku geeyay?

    Adeer puntland cidda ay dooranayso waa inay taqaano in soomaaliya la wada leeyahay dhiiri gelin iyo xanaf la'aana umadda lasoo hor istaagtaa.

    Hadii ay ku adkaato arintaasna waa inuu ugu yaraan yaqaan wuxuu gaarka u leeyahay.

    Tolmooge
    Farmaajo insha-allah ha tago. 

    Nin kale unbaa imaan. 
    Ninkaas imaan doona puntland ama waa jeclaan ama waa necbaan waa un labadaas waxa laga sugaa mar walba.

    Niic-badane, jaceyl iyo naceyb anagu ma naqaan. Waxaan naqaana qofkii danteena is hortaaga inaanu laad dabada ka gelino. Case in point: the phony wannabe centrist dictator, useless Farmaajo.

     

     


  15. 3 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    The stooge Imaaraadka u adeego iyo the sycophant Kiikuuyada amarkooda ku shaqeeyo maxee yihiin? At least sadexdaan dowladda dhexe qof Soomaali hoggaamiyo la safanyihiin. Shisheeye kalkaaliso wax ka xun ma leh.

    MMA, your below average gudhuu intelligence fails you to acknowledge your own pitiable two-facedness. 
     

    For every Emirati on one side there are the Qataris on Farmaajo’s side, and for every Kenyati you speak of, there are Ethiopian supporters on Farmaajo’s side. So please stop the disingenuous name calling. You ain’t fooling anyone!


  16. Kheyre Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne 2021

    Raysal wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa ku dhawaaqay inu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya doorashada soo socota ee 2021.

    Kheyre oo qoraal uu soo dhigay internetka ku shaaciyey musharaxnimadiisa ayaa sheegay inay ku kaliftay inuu isu sharaxo xilkan kadib markuu uu sameeyey fikir iyo talooyin.

    Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay inuu Xasan Cali Kheyre ku shaaciyo musharaxnimadiisa isagoo awooda inuu si toos ah madal dadka Soomaaliyeed uga sheegayo hankiisa kursiga ugu sareeya dalka.

    Horseed Media

    HORSEEDMEDIA.NET

    Raysal wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa ku dhawaaqay inu yahay...

     


  17. On 9/10/2020 at 3:22 PM, maakhiri1 said:

    ^^Eebe mahad iska leh in munaafaqadii Deni iyi Madoobe la arkey.

    Horta adiga, doqonnimada ma iska yeelyeelaysaa mise waad u dhalatay? Axmad iyo Deni sharciga uu Farmaajo ku tumanayo ayee ka qabanayaa, caqli bur-saliidyahow.

    On 9/10/2020 at 6:18 PM, Mastermind said:

    Nimankaan waa la keensaday marka inay sidaas uhadlaan waa gartood. Laakiin, balaayo waxay jirtaa Farmaajo markuu meesha kabaxo yaa Aabo unoqonaya?

     

    Here are my views on the three gentlemen:

    Waare is a hapless individual whose term is ending and is only singing for Farmaajo to get a decent retirement package out of him.

    Qoorqoor is attempting to play the 2 sides against one another to see who will provide the best long term benefit to him post 2021. 

    Lafta-gareen is a pragmatist and is playing it safe. He is unwilling to openly take sides.


  18. 14 hours ago, Mastermind said:

    Puntland cida ay dooranayso iyaday jirtaa. Waxaan kuu ogahay qofkuu rabo ha ahaadee inaan loo meerinayn waxa danteedu kijirto. 

    Pay no mind to Gooni niic-badan. He is only frustrated that useless Farmaajo days in office are numbered and he foolishly blames Puntland for it.

    Saaxiib, Gooni, Farmaajo’s incompetence and lack of leadership is why he will not get a second term. So enjoy your quule and limit the niic for a few more months...😁


  19. Ma furmayaa shirkii Villa Somaliya iyo Dowladaha Federaalka Soomaaliya?

    Waxaa maanta oo Sabti ah la sheegay inuu furmi doono Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Federaalka oo ka wadahadalaya arrimaha Doorashooyinka.

    Villa Somaliya ayaa Khamiistii shaacisay in shirkan Sabtida furmi doono xili shirkan marar badan uu dib u dhacay.

    Waxaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo dib ugu noqday Kismaayo kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta Jubaland.

    Hogaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa isaguna safar aan horey loo sii shaacin ugu baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Madaxtooyada Galmudug ayaan wax faah faahin ah ka bixin safarkaasi Qoor-Qoor markii ugu horeysay tan iyo intuu xilka qabtay ku tagay wadanka Kenya.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qoor-Qoor Nairobi ku leeyahay shirar xasaasi ah oo qaarkood la yeelanayo dowlado shisheeye sida ay saxaafada u sheegeen xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha Galmudug.

    HORSEEDMEDIA.NET

    Waxaa maanta oo Sabti ah la sheegay inuu furmi doono Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo...

     


  20. 4 hours ago, Che -Guevara said:

     

    Even some in Western circles are beginning to imagine disintegrated Ethiopia.

     

    Che, that has always been the plan.

    A “united” Ethiopia with such a huge population and vast resources, located where it is located has always been and will always remain a great threat to the dominant world powers.

    Just as in the era of colonialism, every policy and geopolitical strategy currently being pursued in the Horn of Africa by foreign powers is to prevent the rise of a powerful regional hegemon that can compete on the global stage located in such a sensitive place.

    The one thing, however, that I’m not sure of is whether this is a blessing or curse for Somalia.