Wigad

Nomads
  • Content Count

    189
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Wigad


  1. Mogadishu 10, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamada dowladda KMG ah ayaa masjid ku yaala Buulo Xuubeey kala baxay ku dhowaad 40 ruux oo ka mid ahaa Jameeco ku dukaneysay Masjidkaasi salaadii subax.

     

    Abaarihii 6 dii subaxnimo ee saakay ayaa mar qura ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay isku gadaameen Masjidkaasi, oo ay kala baxeen ilaa 33 ruux oo ku dukaneysay iyo dad kale oo wadada ay ka qabqabteen, taasina waxa ay tirada ay ka xeysteen ka dhigeysaa in ka badan 40 ruux.

     

    Sida uu shabelle u sheegay goobjooge codsaday in magaciisa aan la shaacin, ciidamadan dadka kaxeystay ayaa waxa ay ku baryeen agagaarka Bangaariyada oo xalay uu ka dhacay qarax xoogan.

     

    Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in guri ku yaala agagaarka masjidka laga helay hub wali aan la ogeyn cidda iska laheyd.

     

    Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa sidoo kale shalay howl-gal ay ka sameeyeen xaafaddaasi waxa ay ka wateen ilaa 20 ruux oo rayid ah.

     

    Xalay ayaa qarax xoogan oo wali aan la garaneyn qasaarihiisa waxa uu ka dhacay halkaasi, lamana oga wali cidda qaraxaasi ka dambeysay.

     

     

    Click here to find this article English

     

    Shabelle Media Network Somalia

    E-mail us: info@shabelle.net


  2. 03-07-2007)Maleeshiydaad aad u fara badan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa saakay ka dhaqaaqay magaalda muqdisho, una kicitimay dhanka magaalada Kismaayo.

     

     

    Maleeshiyaadkan oo watay 17 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa saakay abaarihii 10:00am ka baxay maagalada muqdisho iyaga oo ku siijeeda magaalda kismaanyo sida ay xaqiijiyeen ila ku dhow dhow kooxda mbegati.

     

     

    Gawaaridan dagaalka ee saakay ka amba baxay magaalda muqdisho ayaa waxay ka koobnaayeen 7 jeemis oo ay saarnaayeen qoryaha loo yaqaano Zuuga, 7 cabdi bile oo ay saarnaayeen qoryaha loo yaqaano Dhashiikaha iyo Seekaawuu iyo 3 beebee

     

     

    Maleeshiyaadka reer puntland ee dagaalka u aaday magaalda kismaanyo ayaa waxaa hogaaminayay sarkaal la yiraahdo Ina Dhiig Sokeeye oo uu adeer u yahay C/laahi Yuusuf, kaasoo C/lahi Yusuf aaminsanyahay inuu geesi ka yahay Cabdirizaq Afgaduud oo hore labo jeer laga soo raacdeystay Jubboyinka.

     

     

    Arintan ayaa waxa ay ku soo beeganatay xili Cabdulahi Yuusuf uu horey u sheegay iney suurta gal tahay in magaalda kismaanyo dib loogu celiyo maleeshiyaadkii reer puntland ee laga soo cayriyay magaaldaas

     

     

    Barre Hiiraale ayaa horay ugu eedeeyay Cabdulahi Yuusuf Iyo Cali Geedi iney doonayeen iney isaga ka taqlusaan

     

    :(:(:(

     

     

    http://dalkanews.com/news.php?readmore=552


  3. I think You should pray and do good deeds alot and also read quran.

     

    Another suggestion is go to a sheik or a learn person and ask him to help with what ever that is causing the eclipse


  4. "^Adigu dadka maydka ah ayaa dagaal kula jirtaa, markaa warkaaga qoraal maleh...

     

    Qofka amaba xataa isagoo kula dagaalaaya ha dhinto ama si kaleba ha udhibtee, qofku markuu dhinto ciida hoosteeda ayuu galay lalama xisaabtamo, laakiin adiga taas waa kaa dhacsantahay ee mayaatiinka ayaad lafac noqotay, walahi waa yaab, kuwa mayd dhintay gubay ayaan aragnay... Subhanallah"

     

     

    IF YOUR GONA FORGIVE HIM AFTER YOU KILLED HIM WHY KILL HIM IN THE FIRST PLACE.


  5. Duke you call Indacadde a "allleged drug baron UN]" and also a warlord so your saying that being and alleged drug baron is wrong also being a warlord is wrong I atleast agree with you there, so then your president is wrong your prime minister is wrong police chief is terribly wrong duqa muqdisho is definitely wrong since all these men did the same thing as indacadde and more. There are more wrong people in government but those are the bigshot. SO DUKEY I WOULD LIKE TO TELL YOU QUIT ACCUSING INDACDE OF ALL THOSE THINGS WHILE THE ONES YOUR DEFENDING DO THE SAME.


  6. Muqdisho, Talaado, April 10, 2007 Simba Radio

     

    WAR DEG DEG AH

     

    Israsaaseyn xoogan ayaa daqiiqa ka hor si xowli ah ugu bilaabatay agagaarka xarunta Xisbiga iyo dhabarka dambe ee Stadium Muqdisho wadada Jeneraal Daa'uud.

     

    Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan madaafiic xoogan, iyadoo madaafiicda qaarkood la sheegay inay ku dhaceen deegaano ay kamid tahay xaafada Toowfiiq ee magaalada Muqdisho.

     

    Daryanka Madafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa qeybo badan oo magaalada Muqdisho ka tirsan, iyadoo ilaa iminka aan la xaqiijin karin qasaaraha ay madaafiicdaasi geysteen maadaam xiliga uu habeen yahay.

     

    Ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxaha kasoo horjeeda ee toddobaadkii tagay ku dagaalamay magaalada Muqdisho ayaa wali is horfadhiyay, iyadoo habeenada qaar la maqlayay madaafiic goos goos ah iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku ridayeen.

     

    Israsaaseyntaan caawa ka socota magaalada Muqdisho ayaa waxaa walaac xoogan ka muujinaya dadweynaha Muqdisho ku dhaqan oo ka haray intii magaalada ka qaxday, iyagoo maalmihi ugu dambeeyay farta wadnaha ku hayay oo ka cabsanayay in dagaal mar kale magaalada ku dhex maro ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxaha aadka ugu soo horjeeda.

     

    Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili xabad joojin ay kala saxiixdeen odoyaasha beelaha ****** iyo saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka, iyadoo kulan ay maanta yeelan lahaayeen uu baaqday kadi markii saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka shuruud ku xireyn qabsoomida kulanka, waxeyna labada dhinac balameen maalinimada Axada inay mar kale dib iskugu yimaadaan.

     

    Waxii kusoo kordha Israsaaseyntaan caawa ka socota Muqdisho wararkeena ayaan sida ugu dhaqsiyaha badan idin kugu soo gudbin doonaa.

     

     

     

    Abdifitahaam Ahmed

    abdifitahaam@homail.com

     

     

     

    Simba Media Center, Muqdisho Somalia

    Email: simba@simbanews.com