oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by oba hiloowlow


  1. Ducaysane;921682 wrote:
    Raamsade/Abwaan/Mastiar2012

     

    I have a deal here, We will abolish the federal system but we will move the Capital City to be either in Garowe or Garboharey. Would you agree to that akhyaarey.

    Neither of them has a say about that matter waa arin aniga ii khuseysa kaliya, gacmo furan baan ku so dhaweyneena go'aankaas. Tolka,diinta iyo Wadanka the holy trinity


  2. Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saakay u ambabaxaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo halkaas kula kulmi doona maamulka degmada, saraakiisha Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo waxgaradka degmada.

     

    Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmayso xilli ay degmadaas ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada maamulka iyo kooxo hubeysan.

     

    Ma jiro hadal u warbaahinta siiyay wasiirka arrimaha gudaha intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse wasiirku wuxuu horay u sheegay in qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka aan lagala tashan xukuumadda Soomaaliya.

     

    Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday qaban-qaabada shir-weyn la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo uu hakad ku yimid qabsoomiddiisa, waxaana jira muran ku saabsan shirkaas oo ka dhexeeya dadka deegaanka.

     

    Wafdigan sare ee ka socda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay dowladda Soomaaliya u dirto magaalada Kismaayo tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday degmadaas muddo hadda laga joojo shan blood.

     

    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in Muqdisho lagu qabanayo kulan looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka, kaasoo lagu casuumay waxgaradka kasoo jeeda gobolladaas, iyadoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona booqashada mas’uuliyiinta dowladdu ay saakay ku aadeen Kismaayo.

     

    Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalkan iyo kulammada ay wafdi kula yeelan doonaan Kismaayo mas’uuliyiinta maamulka iyo waxgaradka deegaamnka waxaad kula socon doonaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

     

    Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

    maxuseen@hiiraan.com

    Muqdisho, Soomaaliya


  3. Maaddeey;921374 wrote:
    ^ Ninaa maqaayad soo fariistay, kamalyeeriguu u yeeray, tartiib ayuu saxan cambuulaa u dalbaday, waa caadadiisee kamalyeerigii af labadiis ayuu: 'halkaan saxan Cambuulaa oo heersaraa' yiri isagoo ninkii tilmaamaya!. Sxbkaa hal mar ayuu istaagay isagoo yaxyaxsan: 'war ba'aa maanagaa Cambuulo cunna'!!. Koo saaxiibkiisa oo xagga camal fadhiyay aa inta so ag istaagay yiri: 'mana Cankiileee mana caayee'
    :D

     

    To the topic, as much as I would like to hear their (dawladda) failings lakin tan Kismayo iyo midaan bakaaro isma leh,

    Kismaayo: Dagaal reer Gedood & Kambooni u dhexeeya.

    Bakaaro: Moryaan lacag isku dagaashay.

    :D