oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by oba hiloowlow


  1. Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo lagu tartansiinayay shirkadaha ka shaqeeya dhismaha qandaraas ku aaddan dhib udhisid maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo inuu ka sameeyo xarunaha degmooyinka gobolka iyo goobaha Dantaguud ee ku burburay dagaaladii Muqdisho ay martigelisay.

     

    Fursad ayaa uwada furan dhamaan shirkadaha ka shaqeeya dhismaha ee Muqdisho ku sugan, waxeyna si isku mid ah ugu wada tartami karaan dhib u dhisidda Lix iyo Tobanka degmo ee gobolka Banaadir, waana fursad furan oo markii ugu horeysay inkabadan 200, shirkado Soomaaliyeed ay utartamaan, dib udhiska dalkooda.

     

    Barnaamijka dib udhiska degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa fangareeyay Hayadda USAID, oo bixineysa dhamaan qarashaadka ku baxaya dib udhiskaas.

     

    Shirkaddii ku guuleysatay mashruuca dib u dhiska degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa laga sugayaa Naqshad ay soo bandhigay maamulka gobolka oo ah nooc cusub oo loo dhisi doono dhamana xarunaha degmooyinka iyo goobaha adeegyada Dantaguud ee Muqdisho.

     

    Kuxigaha duqa magaalada Muqdisho mudane Iimaan Nuur Iikar oo la hadlay dhamaan shirkadihii utartamayay dib u dhiska degmooyinka ayaa sheegay iney tahay fursad usoo hoyatay dhamaan shirkadaha dhismaha ka shaqeeya ee Muqdisho ku dhaqan.

     

    Waxaana gaba gabadii xafladasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wxuuna dhankiisa ku nuux nuuxsaday in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbeen caqabado badan iyo dib udhac jiray, loona gudbay waqtigii dib u dhiska .

     

    Waa markii ugu horeyay ee shirkado dhanka dhisma ka shaqeeya ay utartamaan dib udhiska goobaha Dantaguud ee ku yaala caasimadda Muqdisho.