
Aaliyyah
Nomads-
Content Count
10,561 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Aaliyyah
-
^ the gabay's lyrics love it.. 1.Abwaanada murtida soo bandhiga midba baabe. 2. Bidhikaale yaalbaa jiriyo bawsi la abraare. 3. Basar xumiyo qaarbay ka tahay dhaqanka baabiiye. 4. Barqaawiyo dadkoo dhereg kujira oo balxaday dooga. 5. Qaarbaa batrool iyo ku shuba dab iyo baasiine. 6. Qaarbaa in lay booba jecel oo ku cuna baade. 7. Anna baasha aan ula kaciyo baaca gabaygayga. 8. Isma kiin baraayoo horaad iiga bogateene. 9. Barriiqiyo halkaan ii qalmayn waan balfahayaaye. 10. Kol haduu Illahay ibaray boqorka suugaanta. 11. Bulxan iyo sidii ina Dagaan xubinta baadhaaye.(Qamaan Bulxan iyo M Cumar Dage.) 12. Aan baljiidho maantoo kaluu ii banaanyahaye. 13. Bulshada SSC yeey anoo bu’da abaaraaya. 14. Marka hore hadiyad baaxad weyn oo ka timid Baarrey. 15. Xareedii Bulaalana lamid ah uu kalgacal buuxo. 16. Bariidiyo salaanbaan wadaa buuran oo culuse. 17. Xikmadii baryahan gaaxsanayd way burqanaysaaye. 18. Bidhihiyo u hoorsada markaha ilahan boodaaya. 19. Hawlaha balaadheed wadaan amase beekhaamay. 20. Khaatumo shirkaa loo baxshee bulidu ii sheegtay. 21. Waa kulan si weyn loogu bogay oo bishaaro ahe. 22. Baahibaana loo qabay xiligan inaad ku beegtaane. 23. Bismillahi dhaha waa markale baadi doon sax’ahe. 24. Midnimadii bukootee jirada laga bogsiin waayay. 25. Eeggay baxnaansami hadaad budul u jeexdeene. 26. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 27. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay 28. Boga ani waxaa igaga yaalaa baydkaad xulateene. (Guriga) 29. Bogacddii halyaygiyo rutgii bilaysay taariikhda. 30. Baga iyo allaylehe bagaad dib u binayseene. 31. Bardaha gogoshu taalee samaha laga bilaabaayo. 32. Burdihiyo qur’aankiyo ku muda badhaha yaasiinka. 33. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 34. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 35. Bilic iyo rajaad muujiseen oo ma aha beene. 36. Haday borobagaandhiyo hadheen sheeko bara leeye. 37. Buushe bixiya taladiina oo yaysan kala baahin. 38. Baandheeya xaajada kolkaa baarka sare qaata. 39. Indinkoon cadliga baal marayn beegsi wacan yeesha. 40. Geedigu badh yuu idinka noqon oo bisayal hubiya. 41. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 42. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay 43. Buub iyo hogaan kuma habana layli bayr qaba’e. 44. Nin burhaan leh oo aan baqayn geesi laga baydho. 45. Nin cilmiga bartoo aan ahayn jaahil bahardaada. 46. Deeqsi aan bakhaylayn kolkuu baahi yahay xaalku. 47. Ilahayna barakeeyay oo baawariyo xoogleh. 48. Hayin gurada loo buuxin karo oo bad qaba doorta. 49. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 50. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 51. Buruudkiinu waatuu adkaa bari samaagiiye. 52. Balo indima qooraansatiyo buuq iblays wada’e. 53. Birmad baad ahaydeen waqiin guusha beegsada’e. 54. Burjigiinu waa wali sidii oo ma baalidine. 55. Birlabnimadii soo celiya oo baylah tira ciidda. 56. Soomaliweyn baaq u dira laysu boholyoowye. 57. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 58. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 59. Basanbaas dadkaa wada qab ee dhaaxa kala baaday. 60. Bud dhigihii xoriyadiyo Taleex ha isku booqdeene. 61. Gacal kala baqooloo naxlina waafog lagu beeray. 62. Ha baraarugeen oo markale ha is ku booyeene. 63. Boogaha ka dhaya iyo jugtii gaadhay badankooda. 64. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 65. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 66. Calankaa Buuluugee xidigi beerka kaga taalo. 67. Booli maaha ee waa midkaad balal jeedheene. 68. Waa boobe iyo jeer midkaad bayl u xidhateene 69. Balqanyihii cadaa waa midkaad ugu badheedheene 70. Bahal dool kuyimid waa midkaad u boqno goyseene. 71. Dhiigiinu waa kuu u baxay una buseesheene. 72. Birta sudha in badan buu ahaa baadi oo kale’e 73. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 74. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 75. Qarankii burburay iyo shacbiga bacadka loo ooday. 76. Bushiigii ku raagiyo ha tago daal bariinsadaye. 77. Waxa manta bixin kara wadani badhax tirkiisiiye. 78. Gobanimdi baartee lanacay boodhka ka afuufa. 79. Waxay shalay ku biirootay iyo baynax ka ilaalsha. 80. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 81. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 82. Dhulka laga ban joogoobay ee nacbku boobaayo. 83. Gumaysigu burkuu kaga dhex tagay baadha xididkiisa. 84. Barkhadana u horseedoo imudaa loo basaas mudaye. 85. Baalaha dadkaa idinka xiga nabad ku baaweeya. 86. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 87. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 88. Inkasto lakala booday oo buur lakala fuulay. 89. Bogana ay cuqdadi jiifto iyo laabta babaceeda. 90. Bada laguma kala jeexi karo beerarkays dhalaye. 91. Biyuhuna makala soocmayaan oo allays badaye. 92. Bahwadaag makala maarantee badiya tawfiiqda. 93. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye. 94. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay. 95. Colaad buunka yaan cidi u tumin bi’iya weeyaane . 96. Waa baro kac dhaxlkeedu iyo baahi joogto ahe. 97. Asay badata iyo waa agoon midhahay beertaaye. 98. Barbaariyo waxay sahayataa baarcad soo kiciye. 99. Aakhaarina bar kulankeedu waa bohosha naareede. 100. Dad ilaah ka baqayaa waxaa uma badheedhaane’e. 101. Soomaaliyeey cashir ka baro Xamar bidhaanteeda
-
^ Good to know mashallah.. a lovely gabay by Roda afjano...ilaahay khyr ha siiyo. Booskii darwiishkii u gala shacabka bayhoofay, gabay meel dheer iga taabtay mashallah
-
My earliest memory is when I was like three and half and I was eating popcorn we were celebrating my brother's 40 days party .. People were walking back and forth bringing in drinks and food..
-
SAWIRO: Gaadiid Dagaal oo lagu soo Bandhigay Buuhoodle
Aaliyyah replied to kingofkings's topic in Politics
Dad xaqoodi lugu haysto wa aduun gadomay buhodle guul ayaan u rajayanaya. Dhulkeeno dhana waa in aan so xoresana waxkale mesha ma yaalaan dadba dulmi iyo xaqdaro u badheedhay. Baadilna ma waaro waa la wada ogsoonyahay taas -
Loool Blessed anigaba walee diraca ba tafta qabsan gaadhey o dacas la dhici lahaa Lol lugu khabayey aa that phrase aaba maskaxdeyda ka bixi la' waaba ba'naye hadii halka la marayo lmao
-
Loooool@pressurized to accept his third somali wife waaba sheeko waalane did that happen in london? And why? When there are plenty single somali men??
-
Abdul ma caruurti faroole baa threadkayga kuso luntay waa yaab
-
Waxaa Xaflada Lagu taageerayo maamulka khaatumo State of somaiya ay ka dhacday dalka MOZAMBIQUE , Xafladan oo ahayd mid aad uweyn oo sifiican looga soo shaqeeyey islamarkaana lagu taageerayey Maamul Goboleedka Khaatumo ee dhawaan laga yagleelay Deegaamada SSC Kulankan a,ayaa waxaa sooqaban qaabiyay Jaaliyada Khaatumo State of somaliya ee dalka MOZAMBIQUE,Waxaa kulan kaas ugu horay lagu furay Aayadaha Qur’aanka khariim ka ah oo uu akhriyey Muuse Yuusuf Casayr intaasi ka dib waxaa si rasmi ah u bilowday Qudbadihii ay halkaas kasoo jeedinayeen dadkii kala gadisanaa ee kasooqayb galay xafladaas waxaan ugu horayn halkaasi ka hadlay Garaad Aadan oo ka mid ah Ganacsatadda waaweyn ee Dagan Wadankan Mozambique kana soo Jeeda SSC waxaana uu siweyn u Taageeray Maamulka Khaatumo State iyo Odayaashii kasoo shaqeeyey ee G9 horayna u ahaa G6 waxa uu intaasi kudaray inay Taageero dhankasta ah lagarab taagan yihiin Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Abdullahi Max’ed Muuse waxaana uu siwey u Bogaadiyey maamulka Khaatumo State of Somalia waxaana uu ilahay uga beryey inuu ku guuleeyo Himilooyinka loo Yagleelay oo ay ugu horayso Midaynta Dadka Reer Khaatumo Iyo Xoraynta Dhulka Kamaqan Khaatumo wuxuuna amaan balaadhan u soo Jeedibey Dadka Reer Buuhoodle oo iska Daafacay Weerarkii Bahal Nimada ahaa ee uga yimi Maamulka SMM intaasi kadib waxaa kulankan hadalo kasoojeediyay Cabdilahi Cabdi Nuur oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed ee kulan kaas ka Qayb galay kana soo Jeeda Deegaanka Ceelbuur wuxuuna siweyn usoo Dhaweyey Khaatumo State wuxuuna sheegay in Midnimada Somaliya ay tahay wax aan cidna looga Hibey sanayn ayna Taageerayaan Maamulka taleex lagu Dooray wuxuuna intaasi raaciyey in Taleex ahayd Xudduntii halgantii somalidii daraawishta ahayd kala hortagtay gumaystayaa shii Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxay kusoo dhamataya jawi aad u wanaagsan iyo farxad iyo rayn rayn dhamaan dadkii kasoo qayb galayna ay sifiican uga maqsuudee.
-
quoting me on half of my response to make your day feel better wont get you anywhere. Khaatumo state is here to stay..marka ama ooy ama qarax no one cares. I suggest you move on. salaam
-
The people of khaatumo State are 110% behind their state and they have shown exactly that in these fundraising events throughout the globe.. adiga cidna wax kuma waydinaso. marka orad shaqa yeelo.
-
Xafllad Balaadhan oo lagu soo dhaweynayey maamulka Khaatumo State oo ka Dhacay Edmonton Canada,{sawiro}.
-
^ xaflad lugu so dhoweenayo?? doesnt sound like a fundraising to you? are you kidding yourself. Xaflada lugu so dhowenayo mamulkeena cusub waan ku uruursan karnaa lacag aan ku caawiyo dadkeena waana ku uruursanay alhamdulilah..taasi cid ugama baryano...and you being anti-SSC/khaatumo won't help you in any way..waqtigaaga waxkale gali wa iga talo!!!.
-
Wadani;786562 wrote: Yeah ur right, deen cant be compromised. Thanks for the advice You are welcome. And, you seem to have made up your mind about ppl who are religious. Don't worry if you don't like someone dont generalize them just move on to the next person. good luck. salaam p.s waryaa MMA dahab sii kulaha war iga xishood walaasha baan ahaye. Ninkana gabadhah qurbaha wuu ka daalay kenya wax uga habee. lol
-
Listen up Bantustan, not only are you uneducated but you also seem to suffer from ADD. We are not going to go in circles refer to my second and third paragraph of my last post. Let me throw at you some final facts. Somalia is a country. Waqooyi Galbeed is your province. Khaatumo State will be the cure to your delusions. It will help you understand that in reality that Somaliland does not exist and hence you can not be a Somalilander. You can only be Waqooyi Galbeed of Somalia citizen. Nevertheless you seem to be deeply embedded within your bubble. Bursting that bubble will be traumatizing for you. The terms that you used such as Somaliland, Khaatumites, butcher of hargaisa are clear evidence of the adverse symptoms this bubble had on you. You will eventually adapt yourself to reality. And then you and I will be on the same grounds citizens of Somalia. Much to your present disgruntlement.
-
these are fundraising events, if you missed that fact.
-
you cant compromise unless you meet them lol first have an open mind and get hooyo macaan to match you with people, you can also go to the masjid like i told u looool..then decide what you have to compromise on obviously religious is one thing you can never compromise on. good luck! salaam
-
"not the new cohort of brainless religious zombies" maxa la dhaha??? acuudubilaah somehow I missed that comment. How can you generalize a whole generation LOOL..yaabka yaabkis. Seriously though if you are serious and you are from toronto? there are nikaxs almost all the time at abu huraira mosque they even match them kawaran lol and most of them are from your region. Give it a shot!!...you are a guy you have not much to lose..gabadh kuguma talin laheen masjid aad waaba sharaf daro salaam
-
the girls are saying there are no good guys and the guys are saying there are no good girls ..shekada xagay iska qabsan la'dahay. maybe theres no such thing as mr or miss perfect.. good luck. salaam p.s I agree with MMA I think if ppl just lower their standards including me believe me this advice goes to me first and foremost we will find someone just fine ..and you can always go back home ama kenya (ka warayso MMA gabadh wacan oo laxooxda kugu tuuri karta you cant go wrong on her lol)
-
Xaflada Khaatumo ee Southern California Salaanka dib, (Ogaysiis) Soo Dhawaynta Maamul Goboleedka Khaatumo- Soomaaliya Iyo Dhamaan Jaaliyadda Soomaalidda ku Dhaqan Koonfurta California (Sandiego) Waxaa la ogyesiinayaa dhamaan bulshawaynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta kalaforniya iyo nawaaxigeeda in lagu qaban doono xaflan lagu soo dhawaynaayo go’aamadii ka soo baxay shir taariikheedkii Taleex kaas oo lagu soo dhisay maamul goboleedka Khaatumo State of Soomaaliya.xafaldan oo saldhig u ah soo celinta iyo soo nooleeynta sharafkii iyo midnimadii qarankii soomaaliyeed. waxaa xafaldan lagu qabanayaa. GOLDEN HALL TAARIIQDA UU SHIRKU DHICI DOONO WAA FEB-10-2012 MAALINTA JIMACAHA 4061 FAIRMOUNT AVE,SAN DIEGO.CA,92105 SAACADU MARKEY TAHAY, 6:00PM-1:00 AM WIXII FAAHFAAHIN AH KALA SOO XIDHIIDHA AHMED WARSAME (GUREY) 619-321-7279 KHADAR ISMAACIIL -619-519-5200 AHMED AADAN HASSAN (DHOOBLE) 619-213-6370 ABDIRASHIID-602-516-6151 SIDAA IYO KASOO QAYB GAL WACAN Xaflad guul ee Southern California laguna qaban doono Febr. 10 2012 Friday. 6:00 Pm- 1:00 Am. Soomaalidoon waa ha ku soo dhawaadeen. 4061 Fairmount Ave. San diego, CA 92105. Ka soo qabgal wacan. Nabad gelyo http://awdalstate.com/?p=10314
-
Daawo sawirada xafladii London ee ay ku bahoobeen Awdal State iyo Khatumo State
-
liici mayside lixdanki joog libaax wuu imaan libta qaade libdhi mayside laascaanod, labo ma aha wadankaynu
-
waxa laga kari la'yahay kobku rabu igu aburay, halkii kawnka la iga siiyay.. so truee!. salaam
-
adaa mudan walaal.
-
I don't care if I throw it lightly or not. Facts are facts and your attitude implies that you are in denial. As for your comment about the 80s , are you insinuating that you and your folks were raising money for rebellion against the Somali government? If so, you not I are truly the rebel here. In this 21st century, with the creation of the Khaatumo State and Awdal State, it is the beginning of the re-stabilization of Somalia. My support for it makes me a patriot and I will, with a clear conscious, participate in the raising of money for schools, roads, universities, and defense. And, if you are unaware of or blind to the facts let me educate you. The weapons Somaliland uses is foreign aid from Ethiopia. Somaliland also receives millions of dollars from the UK and it doesn't seem that it uses those funds for the infrastructure of your city Hargaisa. The city still has the same roads that the British empire built for you back in the 1900s. You would be a fool to believe they don't use the foreign aid dollars for their militia that is killing innocent people today for no logical/rational reason whatsoever. As for your personal participation in raising funds for programs in Somaliland. If they are limited to schools good for you. But, don't turn your cheek to the facts. These taxation laws you speak of is the function of all provincial-level governments and if the money generated from the Somali people of Waqooyi Galbeed is used for attacking Somali people from other provinces than that is an abuse of funds and not something to admire. Yes, for the reasons mentioned above I will state that Somaliland is truly a tribal "bantustan" as you so kindly pointed out.