Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 03/03/2021 in all areas

  1. 1 point
    These wannabe dictators xad malaha. Their little power ayee moodeen inay meel weyn gaarsiineyso. Maxakamadda Ciidamada Puntland oo xukun ku riday wariye ay caddeyn u weysay Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ku riday wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xirnaa laamaha ammaanka maamulkaas. 28-kii Diseembar sanadkii hore ayaa wariyaha la xiray, waxaana lagu xakumay saddex bilood oo xarig ah iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in la waayay wax caddeynaya dambiyada lagu soo eedeeyay. Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo. Sida la sheegay xukunkii ay maxkamadda ku riday ee saddexda bilood waxaa kaga haray kaliya saddex maalmood maadaama tirinta maalmaha laga soo bilaabayo maalintii la xiray. Maxkamadaynta wariyaha waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe, waxeyna ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu sheegay in wariyaha uu yahay dambiile, isla markaana maxkamadda ay xukun kasoo saari doonto. Wariyaha wuxuu baahiyay muuqaalka dad ka banaanbaxayay sicir barar ka dhacay Garoowe oo ka tirsan gobolka Nugaal. Xigasho
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up