Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 04/22/2019 in all areas

  1. 1 point
    Sawirkaas markaad si fiican u fiiriso macno wayn buu xanbaarsanyahay. Marka ugu horaysa waa loo yeeray. Marka labaadna waa la iloobay ama meeshii gaariga lagu baarkimay yaa la garan waayay. Mushkilada ugu wayn oo haysata ninkaan odogaa waa fakhriga ama saboolnimada Saboolnimadu waxay u qaybsantaa labo Mid ay kugu adkaato maaraynta nolosha iyo dadkaad ka masuulka ka tahay, waana fakhri caadi ah oo hadaad ducaysato dadaasho si dhakhsaa looga lug baxo. Mid kaa disha damiirka ama (dignity) waana midda haysata soomaalida hogomaayashooda, daawo ma leh, ka hor tag mooyee. Tusaale gaaban yaan idinka siinayaa Biixi bil gudaheed yaa waxaa loo yeeray labo ilaa sadex jeer, wuxuu ugu horeeyay oo qalbigiisa lagu kasbaday waxaa ugu waynaa roog cas baa laygu soo dhaweeyay! Ok ma xuma in niyada loo dhiso si hadafka laga leeyahay loo gaaro. Maxaa kalifay inuu is waydiin waayo soo dawlad gaara iima arkaan maxay shiyuukhda carabtu hargaysa u imaan waayeen markooda si ayagana roog cas loogusoo dhaweeyo, loogana wada hadlo xidhiidhka soo jireenka ah oo labada dal oo walaalahaa ka dhexeeya? Waxay ka dhigeen mudiirka uga wakiilka ah dekedda berbera markii loo sheego inuu beri soo dhoofo waxaa laga yaabaa inuu kabihiisa iloobo, markaana roog cas iska daayee baarkinkii yaa lagu iloobay. Puntland waa la mid, waxaa miis loo wada saaray casho oo la is hor fariisiyay labadii hogaamiye oo caalamku xabad joojinta ugu baaqi jiray wax dhawr saacadood ka yar. Gudaha soomaaliyana waa labo dal oo cadaawad fog ka dhaxayso dad badana isaga laayay xuduudka tuko-raq. Marka lasoo xooriyo warka waa shaqaale masuul uga ah shisheeya wadankoodii Riwaayadaan dekedo caalami ah yaa geeska afrika carab u dhisaysaa waa qayb ka mida marin habaabinta loogasii jeedinayo indhaha shacabka mudiirada u qaabilsan danahooda.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up