Sign in to follow this  
Deeq A.

 Dagaalkii Tukaraq oo xoogeystay iyo Labada dhinac oo isku adeegsanaya Madaafiic Culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Tukaraq  (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee  laga heleyo dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay.

Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/goobjooge-kamid-ah-dadka-deegaanka-tukaraq.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this