Deeq A. Posted April 16, 2018 Magaalada Baqdaad ee Caasimada Dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo hor jeeday Weerarkii dhawaan Syria ay ku qaadeen Xuluufada uu hogaaminayo Maraykanka. Wadooyinka waawayn ee dalkaasi Ciraaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad ufarabadan kuwaas oo wadooyinka ku gubay Calanka Mareykanka . Shacabka dalkaasi Ciraaq ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ay ka mid ahaayeen ” jooji duqaynta Syria aad ku hayso, taas oo ah midii aad ku bur burisay wadankeena kuna riday dowladdii noo dhisneed . Mareykanka,France iyo UK ayaa Syria ku eedeeyay in ay ka dambaysay weerarkii sunta loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Duuma ,waxayna taasi ay keentay in Xuluufadan ay Weeraraan Xarumaha hubka kiimikada ay uyaalaan dowladda uu hogaamiyo Bashaar All-Asad. Share this post Link to post Share on other sites