Deeq A. Posted April 6, 2018 Militariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay ku dileen xubno ka tirsan xagjiriinta Al-shabaab ee dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika,ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lagu qaaday degaan u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, lagu dilay saddex ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalena lagu burburiyay gaari tekniko ah. Taliska Maraykanka ayaa xusay in aysan jirin wax rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeyntaas oo dhacday maalintii shalay ee 5 bishaan April. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites