Deeq A. Posted April 2, 2018 Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra’iisulwasaare u doortay Abiy Axmed, waxaana isla markiiba loo dhaariyay xilka. Isbahaysiga haya talada Itoobiya ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo ee dalkaas, oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.Abiy Axmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi. Halkaan ka daawo. Share this post Link to post Share on other sites