Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka danbeeyay Qaraxii lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga M/K/Galbeed & Xildhibaan ka tirsanaa HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax Miino ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo  Wanlaweyn.

Qaraxa oo intiisa badan laga wada maqlay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali.

Wasiirka ayaa waxaa Qaraxa kula geeryooday Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta dhanka amaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay Geerida labada mas’uul waxa ayna sheegen inay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaaray Qaraxa.

Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali, ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Maleeshiyada waxay sheegeen mas’uuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad Islaami ah.

Dhinaca kale,Maleeshiyada al-Shabaab ayaa horay Qaraxyo ugu dilay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Yaa ka danbeeyay Qaraxii lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga M/K/Galbeed & Xildhibaan ka tirsanaa HirShabelle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this