Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Faah Faahin ka soo baxaysa Qaraxii Ismiidaaminta haa ee ka dhacay degmada Afgooye iyo Dowladda Oo dib ula Wareegtay Degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Xero Ciidan oo Imaaraadku uu ku tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ย Saldhiga bartamaha ee degmada Afgooye ย C/qaadir Mursal Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in labo Asakri oo ka tirsan ciidama uu dhaawac ka soo gaaray , waxa uu Taliyuhu ย uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo ย khasaaraha soo gaaray Ciidamada inta uu laegyahay , waxaana uu haldalkiisa ย ku soo koobay in Qaraxa lafashiliyay .

Sidoo kale Al-shabaab ayaa jidka ugalay dhaawacyadii Askarta ee lo soo qaaday Magaalada Muqdisho ย waxayna labeegsadeen kolonyadii lasocday Ciidamada Miino dhulka lagu Aasay.

Xaalada degmada Afgooye ayaa haatan degan ,waxaana dib u soo laabtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee degmada Afgooye.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan .

ย 

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa dib ula wareegay ย gacan ku haynta ย degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, kadib markii maanta Al-shabaab ay saacado kooba gacanta ay ugashay ย horayna u sii qaatay ย markii ay ka baxeen magaalada Qalabkii yaalay Saldhiga ย Ciidamada Booliska iyo Dowladda Hoose .

Halkan ka dhagayso ย .

ย ย ย ย ย ย 140302_005 - My Recording

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this