Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah Xukumadd cusub oo lagaga dhawaaqaayo gudaha Somaliland!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa dhowr cisho kadib lagu wadaa in lagaga dhawaaqo dawlad cusub oo la sheegay in ay ka hana qaadi doonto dalka gudihiisa, sidaasi waxa shabakada qarannews, caawa u soo sheegay madaxweynaha xukumaddaasi lagu dhawaaqi doona oo khadka telefoonka noogu waramay.

Madaxweynaha oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland dalkana hada ku sugan ayaa sheegay in ayaamaha soo socda uu soo bandhigi doono nooca ay dawladiisu noqon doonto.

Mar aanu waydiinay in arinkani uu baal marsanyahay shuruucda dalka u taala isla markaasina ay dalka ka jirto xukumad la soo doortay, waxa uu noo sheegay in ay fashilantay dawladii Muuse Biixi ee rajada laga qabay waxana uu sheegay in ay dalka ka jiraan laba dawladood taasi oo uu sheegay in xukumaddii hore ee tagtay ay wali dalka lug kula jirto oo ay talinayso, waxna uu tusaale u soo qaatay shirkada cusub ee dhawaan laga hir galiyay dalka Imaaraadka ee loogu yeedhay Somaliland Investment Company Limited ee uu gadhwadeenka ka yahay Bashe Morgan.

Waxana uu madaxweynahu uu sheegay in uu soo bandhigi doono baahida ay bulshada reer Somaliland u qabaan dawlad cusub oo dalka iyo dadkaba ku hagta dhabaha saxda ah ee dimuquraadiyada ah.

Tan iyo intii madaxweyne Muuse Biixi uu dalka la wareegay waxa soo badanysa kala qaybsanaanta bulshada iyada oo kala badh dadkii codeeyay ayna xiligani isu arag in ay ka mid yihiin Somaliland, taasi oo keentay ololahii doorashada ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay ku ololaynayeen ee kala badh dadka codeeyay ku sheegay ama shaanbadeeyay Somaliweyn arinkaasi oo ahaa been cad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this