Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland's troops are moving towards Boocame. Mayor of Boocame denies the city is occupied.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Guddoomiyaha degmada Boocame ee gobolka Sool, Xayle Xasan Shirre, ayaa si adag uga jawaabay warar been abuur ah oo ay saxaafadu qortay oo ku saabsanaa in ciidamo maamulka Hargeysa katirsan ay gudaha u galeen degmadaas.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay warkaasi sheegay inuu yahay mid aan waxba ka jirin oo ay baahiyeen dad aan waxba kala ogayn oo doonaya inay qalqal galiyaan shacabka gobolka Sool ee u diyaar garoobaya xoraynta gobolka Sool.

 

Xayle ayaa sheegay inay jirto meel 15km ujirta degmada Boocame oo ay yimaadeen ciidamada Somaliland, balse durbadiiba isaga carareen kadib markii ciidanka difaaca Puntland uu xagooda soo aaday.

 

Waxaa uu ku baaqay in dowladda Puntland lagala qeyb qaato difaac iyo xoraynta gobolka Sool, isagoo sheegay degmada Boocame inay kamid tahay degmooyinka ugu horeeya ee ka qeyb qaadanaya dagaalka gobolka Sool looga sifaynayo maleyshiyada kusoo duushay ee lagasoo diray Burco, Berbera iyo Hargeysa.

 

Source: Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this