Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo si kulul uga hadlay Xariggii Xubnaha Xisbiga Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Abdishakur-House.jpg?resize=829%2C491

 

Muqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan xubnaha sar-sare ee xisbiga Wadajir, ayaa ku tilmaamay Xariggii shalay loo geystay labo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga inay ahayd afduub aan loo meel-dayin. Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hay’adda Sir-doonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ay noqotay mid shaqsiyaad ku fushadaan danahooda siyaasadeed.

 

“Xariggii shalay mas’uuliyiin xisbigeenna ka tirsan loo geystay wuxuu ahaa afduub aan loo meel-dayirn. Waana arrin muujineysa in hay’addii Nabad-sugidda Qaranka lagu fushanayo dano siyaasadeed oo shaqsi ah,” ayuu yiri CC Warsame. Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir Sayidcali Macallin C/lle ayaa sheegay in falkii shalay ciidammo ka tirsan nabadsugidda ay uga kaxeysteen Maka Al-Mukarama Hotel uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarijiyo, isgaoo ka digay in dalka lagu hago waddo qaldan oo cawaaqib xun dhalin karta. Xisbiga Wadajir ayaa wuxuu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira, balse wuxuu fikrado adag kala horyimid dowladda Somalia ee uu horkacayo Farmaajo, iyagoo horay u qabtay doodo lagu dhaliilayo DFS.

 

Dhanka kale, 17-kii December 2017-kii, ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan nabad-sugidda Somalia ay howlgal ku qaadeen guriga CC Warsame uu ka degen yahay Degmada Wadajir ee Muqdisho, kaasoo lagu dliay shan ka mid ah ilaaladiis Warsame. Ugu dambeyn, Xaaladda Siyaasadeed ee Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay noqotay mid cakiran, iyadoo doodo badan laga keenay weerarro ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia la beegsadeen Guryaha ay Muqdisho ka deggen yihiin CC Warsame iyo Jen. Cabdi-Qaybdiid oo ka tirsan Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia. 

 

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this