Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo khilaaf wajahaysa iyo Siyaasi Galeyr oo ka tagey Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalin ka hor magaalada Hargeysa ka dhoofey Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo bilihii lasoo dhaafey wada hadal kula jirey maamulka Somaliland ka dib isku soo dhawaansho dhexmarey hogaankii Khaatumo iyo Madaxtooyadda Hargeysa ka hor intii aan Somaliland loo dooran Madaxweyne  Muuse Biixi.

Wararka PUNTLAND POST ka helayso magaalada Hargeysa ayaa sheegaya maalin ka hor inuu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Egal Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo muddo ka dib kusii jeeda dalka Mareykanka oo uu dhalasho ka haysto.

Socdaalka Mudane Galeyr ayaa kusoo beegmaya xilli la hadal hayo inay fashil kusoo dhamaadeen shirar iyo kulamo wacyigalin ah oo uu todobaadkii horre u tagey deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

IMG_C74FCD-B34F9D-0C08D6-C634EB-3239F4-1Dr Galeyr oo salaamaya Taliye Mahad Cambaashe

Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo maalmo ka hor gaarey magaalada Laascaanood oo uusan muddo dheer cag soo dhigin ayaa ka gaabsadey inuu la hadlo Warbaahinta, wuxuuna 2 cisho ka dib ku laabtey magaalada Hargeysa oo uu horey uga soo bilowday socdaalkii uu ku yimid Gobolka Sool iyo Laascaano, Isagoona maalin ka dib Hargeysa uu uga sii gudbay dalka Mareykanka.

Si rasmiya looma oga natiijada ay kala soo kulmeen  waftiga Siyaasi Galeyr kulamo iyo shirar dhexmarey qeybaha kala duwan ee bulshada, wallow ilo wareedyo madax banaan oo soo gaaraya warbaahinta ay sheegayaan inaysan jirin wax natiijo ah ay halkaas kala noqdeen.

KHILAAFKA CIIDANKA TUKORAQ.

Dhinaca kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Hargeysa ayaa sheegaya tuhun gudaha oo ka dhex jira saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida ka dib qabsashadii magaalada Tuko raq oo 70 KM u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mahad Cambaashe oo muddo dheer ahaa sarkaalka ugu sareeya ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool ayaa wararku sheegayaan jiritaanka khilaaf soo kala dhexgalay saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland tan iyo intii ka dambeysay maalintii Ciidamada Somaliland la wareegeen gacan ku haynta kastamka Tuko raq.

Wariye diidey inay magaciisa shaaciso Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay Korneyl Mahad Cambaashe iyo Ciidamo ka amar qaadanaya oo kasoo laabtey Tuko raq inay kusoo ruqaansadeen fariisimo horrey ay ugu lahaayeen duleedka magaalada Laascaano.

Sidoo kale dadka qaar la socda dhaq dhaqaaqa Somaliland ka wado Gobolka Sool ayaa ku sababeynaya khilaafka saraakiisha mid ay sahlan tahay in xal laga gaaro islamarkaana tani aysan waxba ka bedeli doonin duulaankii labo todobaad ka hor Somaliland ku qabsatey magaalada Tuko raq oo ay iminka isku horfadhiyaan ciidamo xoog leh oo ka amar qaadanaya maamulka Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo khilaaf wajahaysa iyo Siyaasi Galeyr oo ka tagey Hargeysa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this