Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRO) Shacabka Godob-jiraan oo si isku tashi ah u dhisanaya waddo 50km ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal oo kaashanaya maamulkooda ayaa meel wanaagsan marinaya dhismaha waddo dhererkeedu yahay 57km oo jid caddo ah.

Waddadaan ayaa haatan la dhameystiray qeyb kamid ah, waxayna isku furtay degmada Godob-jiraan iyo tuulooyin badan oo awal hore uusan gaadiidku gali karin sababo la xiriira waddo la’aan.

Hirgalinta Jidkaan ayaa fududayndoona in tuulooyin badan oo abaaraha ay saameyeen la gaarsiiyo gurmadka biyo dhaamiska iyo mucaawinooyinka loogu talo galay, kuwaas oo markii hore loo mari jiray masaafo dheer.

Dadka degaanka ayaa si iskutashi ah u dhisanaya jidkaan kadib markii la ogaaday baahida loo qabo in la helo waddo isku xirta degmada Godob iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Guddoomiyaha degmada Godob, Axmed Siciid Maxamed ayaa Puntlandi u sheegay in qarashka lagu dhisayo Waddadaan uu yahay xoolo lagasoo aruuriyay dadka degaanka iyo ciidanka degmada oo xooggooda ku tabarucay.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in booyada biyaha ah markii hore tuulooyinka lagu gayn jiray lacag $500, balse haatan wuxuu sheegay inay hoos  u dhacday oo ay gaartay $100 halkii booyad, sidoo kale wuxuu sheegay dumarka Uurka leh ee tuulooyinka ku dhaqan inay xaalado adag kala kulmi jireen waddo la’aanta.

26733420_1992361941006129_85996697718122 26733834_1992364921005831_66697669756853 26904001_1992361117672878_67228906924119 26907185_1992360844339572_53797895831260 26907240_1992361391006184_24607213818748

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this