Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraatka oo hurinaysa Dagaalka ka dhexqarxay Somaliland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa guluf colaadeed ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maalintii Isniinta ahayd, waxaana weerarka soo qaaday Somaliland oo qabsatay tuulada Tuke-raq ee ka tirsan Puntland.

Puntland oo ka hadashay xiisadda colaadeed waxay cambaaraysay weerarkaas , iyado aan qaadin wax jawaab weerar celis ah, oo ku aaddan deegaanka u dhow Tuke-raq oo Somaliland la wareegtay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo beegeen weerarkaas xilli uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya booqasho ku marayo deegaanada Puntland, taasina uu ku tilmaamay inay carqalad ku tahay geeddi socodka Nabadda.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay ku dhuumaalaystaan deegannadaas iskana soo abaabulaan.

Waxaa xusid mudan in Puntland ay la dagaalamayso Alshabaab iyo Daacish oo duulaan kusoo qaaday deeganadaas, kadib markii lagasoo saaray qeybo badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland iyo Puntland ayaa tilmaamay, in aysan raalli ka ahayn in colaad la geliyo Shacabka Soomaaliyeed, balse laga shaqeeyo isdhexgalka iyo wada shaqeynta dadka ehelka iyo qaraabada ah.

Yaa maalgelinaya Dagaalka Tuka-raq?

Dadka Siy aasadda falanqeeya waxay isweydiinayaan, Somaliland oo hadda kasoo baxday doorashooyin ay kaga baxday lacago aad u farabadan, yaa maalgelinaya dagaalka ay kusoo qaadday Puntland?.

Waxa aan shaki ku jirin in gacmo shisheeye aysan ka maqnayn holcinta iyo kicinta dagaalkaas kasoo cusboonaaday Puntland iyo Somaliland.

Waxaa dad badani rumaysanyihiin in Somaliland ay lacagaha canshuurta ee daakhiliga ah ay ku maalgelinayso dagaalkaas, waxaase muuqata in Somaliland ay ka jirtay dhaqaale xumo aad u baahsan, iyo sicirka maciishadda oo kor u kacay saddexdii sano ee u danbaysay.

Madaxweynaha cusub ee Somalinad Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu maqnaa Jabbuuti ayaa dib ugusoo laabtay Hargeysa, wararka qaar waxay sheegayaan inuu kulamo lasoo qaatay Saraakiil Imaaraati ah, waxa ayna ka wada hadleen Saldhigga Milateri ee ay ka dhisayaan Berbera.

Sidoo kale waxay Somaliland ka codsatay Imaaraatka inay ka xoojiso dhanka saanadda ciidanka, mar horena waxay Imaaraatku saanad ciidan iyo hub kasoo dejiyeen Berbera.

Dowladda Imaaraatka oo raadinaysa inay Soomaaliya ka abuurto colaad Siyaasadeed sida ay uga abuurtay dalka Yemen oo kale, ayaa raadinaysa inay Soomaaliya ka dhigto mid aan Siyaasad ahaan degenayn, si ay uga fushato danaheeda oo ay ugu horreyso Saldhigga Milareri ee ay Berbera ka dhisanayso iyo maamulidda dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa u arka in Imaaraatku ay maalgelinayaan Somaliland si ay khalkhal ugu abuurto Puntland, ugana mashquuliso dagaalka ay Puntland kula jirto Alshabaab iyo Daacish.

Sanadkii tegey ee 2017, Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa digniino kasoo saartay hubka uu Imaaraatku soogelinayo Soomaaliya, iyo in ay iibsadaan dhuxusha laga dhoofiyo deegaanada ay Alshabaab ka taliyaan ee Koonfurta Soomaaliya. Yaa dan ugu jirtaa Dagaalka Tuke-raq:

Waxaa iska cad in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallo sokeeye, aysanna ugu jirin wax dan ah dhiig Soomaaliyeed oo daata, laakiin danaystayaal iyo shisheeyaha u baahan in Soomaaliya aanay degin ayaa danta ugu badan ugu jirtaa, si colaad looga bilaabo Soomaaliya gudaheeda, Waqooyi ama Koonfurba.

Odayaasha Dhaqanka ee Puntland iyo Somaliland ayaa ka hadlay in xiisadda colaadeed la qaboojiyo, laguna dhammeeyo arrinta wada hadal iyo walaaltinimo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

The post Dowladda Imaaraatka oo hurinaysa Dagaalka ka dhexqarxay Somaliland iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this