Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Ethiopia oo guddi u saaray dagaalkii dhexmaray Soomaalida iyo Oromada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Ethiopia ayaa jimcaha Maanta shaaciyey in la dhisay guddi baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalkaasi.

 

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamanka Ethiopia, Shitaye Minale ayaa sheegtay in Aqalka hoose ee Baarlamanka laga soo xulay guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida,si xal loogu raadiyo khilaafka labada dhinac. Wakaaladda Wararka Ethiopia ENA ayaa Minale ka soo xigatay in“guddigu haatan uruurinayo warbixinno ku saabsan khilaafka dhaliyey colaadda ee xuduudka ku salaysan”. Marka laga soo tego baaritaanka, guddiga la magacaabay ayaa sidoo kale taageeraya gargaarka loo fidinayo dadka barakacay,sida ay sheegtay Minale. Waxay kaloo xaqiijisay in baarlamanku uu si adag u xakamayn doono loona ilaalin doono hay’adaha fulinta ee ku fashilmay waajibaadkooda ku aaddan isku-dhacyada labadan qowmiyadood. Rabshadihii ugu dambeeyay ee xuduudka dheer ee Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70 ruux oo labada dhinac ah,waxaana ku bara-baxay boqollaal kun oo kale.

 

Source: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this