Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo ka tirsan MKG oo gudaha u galay deegaano ay ku sugnaayen Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab oo inta badan ka talisa qeybo kamid ah dhulka maamulka.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dowlada, gaar ahaan kuwa maamulka ayaa maanta dhaqdhaqaaq ka bilaabay degaano hoostagga Degmada Bardaale oo lagu sheegay xubno ka tirsan Shabaab.

Ciidamadan ayaa gudaha u galay dhulal dhowr ah oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen al-Shabaab kuwaa oo howlgalkooda ku burburiyay fadhiisimo ay lahaayen al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada hawlgalada ee Degmada Bardaale Madguud Macalin ayaa sheegay in deeganadii ay tageen ay ka waayeen Shabaab.

Waxa uu sheegay inay sameeyen goobo ku dhow dhow deegaanadaasi oo la dajiyay ciidamo ka tirsan maamulka si ay uga hortagaan maleeshiyaadka suuragalka ah inay degaan halkaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa halkaa ka helay darees ay ka tageen maleeshiyaadka howlgalka ka hor ka cararay halkaa.

Dagaal-1-1.jpg?resize=476%2C268&ssl=1Dagaal-2-1.jpg?resize=476%2C268&ssl=1Dagaal-3-1.jpg?resize=474%2C267&ssl=1Dagaal-4-1.jpg?resize=474%2C267&ssl=1Dagaal-5-1.jpg?resize=474%2C267&ssl=1Dagaal-6-1.jpg?resize=472%2C266&ssl=1Dagaal-7-1.jpg?resize=472%2C266&ssl=1

The post Sawirro: Ciidamo ka tirsan MKG oo gudaha u galay deegaano ay ku sugnaayen Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this