Sign in to follow this  
Deeq A.

EL Calisco: Ciyaarta ugu Daawashada Badan dunid aoo Goordhow la Ciyaari Doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Dunida oo Dhan ayaa waxa ay isha ku hayaan ciyaarta ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee dunida ee loo yaqaano El Clasico.

Waa Ciyaarta u dhaxeeya Real Madirid iyo Barcelona oo ah mida ugu daawashada badan dunidan.

Labadaan koox oo kawada ciyaaraha horyaalka La Liga ah ee dalka Spain ayaa ah kuwa aad u xifaaltama taasi oo sii kordhineeysa xiisaha Ciyaarahaan.

Real Madrid ayaa qaabili doonto oo gurigeeda ku soo dhoweeyn doonto Barcelona.

kulankaan ayaa waxa uu yahay kii 237-aad oo ay wada ciyaaraan Kooxaha ugu waaweeyne Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Barcelona ayaa Real Madrid waxa ay ka horeeysaa 11-Dhibcood inkastoo Real Madrid kulan uu baaqi u yahay.

Safka Macquulka ah ee El Calisco.

Elcalasio.png?resize=774%2C532

Ciyaartaan ayaa soo gali doonto 03:00 Goordhow Xiliga Geeska Afrika.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post EL Calisco: Ciyaarta ugu Daawashada Badan dunid aoo Goordhow la Ciyaari Doono appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this