Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic ku Dhacday Meel aan ka Fogeeyn Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

ilaa 3 Madfac oo loo yaqaano nooca Hoobiyaha ah ayaa ku soo dhacday meel aan ka fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaafiicdaan oo aan la ogeeyn halka laga soo tuuray ayaa maqalkeeda aad looga maqlayay qeeybaha kala duwan ee Muqdisho.

Hoobiyaashaan ayaa ku dhacay meelo aan sidaasi uga fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

ilaa hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyaashaasi.

durba ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa howlgalo ka bilaabay qeeybo kamid ah Muqdisho iyada oo baadi goobaya kooxihii soo tuuray weeraradaasi.

Dadka Falanqeeya Amniga ayaa sheegaya in ay tahay fashil dhanka amniga ee heeysta dowlada in iyada oo Duhur ah hoobiyaal lagu weeraro xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaafiic ku Dhacday Meel aan ka Fogeeyn Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this