Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsan yahay safarka Muqdisho ay ku aadeen guddoomiyaha barlamaanka Puntland iyo xildhibaano?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Maalintii shalay oo jimco ahayd waxaa magaalada Muqdisho gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, waxaa ku wehliya Ku-xigeenkiisa Cabdixamiid Sh C/salaan, xubnaha Guddiga Joogtada ah iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Wafdigaan ayaa waxay Casumaad rasmi ah ka heleen Gudoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Max’ed Shiikh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland iyo xildhibaanada safarkooda ku wehliya ayaa la filayaa inay magaalada Baydhabo uga qeyb galaan shir nuuciisu yahay dhismaha dallad ay ku midaysan yihiin guddoomiyayaasha barlamaanada dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha barlamaanka DFS.

Shirkaas oo Baydhabo ka dhicidoono todobaadkaan, ayaa lagu doorandoonaa guddoomiyayaasha dalladaan, sida uu Puntlandi u sheegay mid kamid ah xidlhibaanada Puntland ee qeybta ka ah wafdiga guddoomiyaha.

25551904_10213361083094867_2864993702319 25593876_10213361080534803_7087985611226 25660182_10213361079734783_1411250056483

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this