Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka kubada cagta Jubbaland oo ku dur furisay koonfur galbeed una gudubtay Final.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Xulka kubada cagta Jubbaland ayaa sannadkii labaad oo is xiga ku guulaystay inay Final ama kama dambeys gaaraan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta kasoo guulaysteen kooxdii koonfur galbeed.

Ciyaarta labadaan kooxood dhexmartay oo ahayd mid awood sheegasho ah, ayaa xulka Jubbaland waxay labo iyo eber ku garaaceen kooxda Koonfur galbeed oo sannadkaan naawilaysay inay meel sare ka gaarto tartanka.

Markii ay dhammaatay Ciyaarta ayaa Ciyaartooyda Jubbaland iyo Taageereyaashooda waxaa ay bilaabeen Dabaaldagyo ku aadan Guusha Muhiimada leh ee ay galabta ka gaareen Kooxda Koonfur galbeed.

Jubbaland ayaa maalinta jimcaha oo ay taariikhda ku beegan tahay 22 bisha december waxay kulanka kama dambeysta ah la ciyaaridoonaan kooxda kubada cagta ee Puntland oo koobkaan difaacanaysa, kooxdaas oo maalintii shalay soo garaacday kooxda Banaadir.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this