Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka kubada cagta Puntland oo galabta maraya tijaabo culus oo ku saabsan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Recommended Posts

Deeq A.   

2016719636045424016610964IMG_0683.jpg

Xulka kubada cagta Puntland ayaa galabta maraya tijaabo culus oo ku saabsan tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyagoona la ciyaaridoona gobolka Banaadir.

Kooxda matalaysa Puntland oo ah horyaalka Soomaaliya, ayaa galabta haddii ay badiyaan waxay ugudbidoonaan kama dambaysta tartankaan, iyagoo goortaas sugaya midka soo baxa Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Puntland, xulkeeda waxaa ka go’an inay mar kale koob usoo galbiyaan Puntland halka kooxda Banaadirna ay doonayso inay koobkaan qaado markii ugu horeysay.

Maxaa ku cusub ciyaartaan?

Banaadir waxay waayidoontaa saddex ciyaaryahan oo muhiim ah oo kala ah, gool dhaliyahooda numberka sagaalaad u xiran, sidoo kale numberka todobaad iyo numberka shanaad oo difaac ka ciyaara, waxayna dhammaantood kulankaan ku seegidoonaan ganaaxyo labo jaalle ah.

Xulka Puntland, waxaa ka maqan difaacoodii Jaamac Muuse oo xanuusan, kaasoo aan tartanka ka qeyn qaadan iyo labo ciyaaryahan oo kulamadii hore ku dhowaacmay.

Tababaraha xulka kubada cagta Puntland, Maxamed Ciiro ayaa sheegay inay galabta xulka Puntland lasoo bixidoono awoodiisa lagu yaqaanay islamarkaasna aysan wax wel wel ah ku haynin ciyaarta galabta.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this