Sign in to follow this  
Deeq A.

Guryaha Dhuusamareeb oo qaali noqday iyo Kuwa Cadaado oo raqiis isku bedalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsanaa heshiiskaas ayaa waxaa kamid ahaa in Maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Sidoo kalana waxa lagu heshiiyey in Sheekh Maxamed Shaakir la siiyo xilka Ra’isulwasaaraha Galmudug.

Haddaba qiimaha Dhulalka banaan iyo sidoo kale guryaha dhisan ee degmada Dhuusamareeb ayaa maraya meeshii ugu qaalisaneyd ebed, iyadoo qiimaha noqday mid aan weli horey loo arag.

Waxaa degmada Dhuusamareeb ku yaacay dad aad ubadan, maadaama ay Galmudug usoo guureyso, ayna tahay caasimadda saxda ah ee Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in guryahan hadda la siisanayo qiimo ku Saddex jibaarma sidii hore, gaar ahaan bishii ugu dambeysay.

Dhanka kale, degmada Cadaado oo hadda ka guurayo maamulka Galmudug ayaa waxaa aad usoo raqiisay qiimaha dhulalka banaan iyo kuwa dhisan la kala siisto, sababtuna waxay tahay dadkii Galmudug xilalka ka hayey iyo kuwii dhowaan gatay ayaa bilaabay iney iska iibiyaan.

Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo muddo si kumeel gaar ah u hayey Caasimadda Galmudug ayaa si rasmi ah uga hor imaaday heshiiskaas, waxayna Cadaado weli ku qanacsan tahay inay sii ahaato Caasimadda Galmudug.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Cadaado ayaa soo saaray war murtiyeed ay uga hor imaadeen heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Guryaha Dhuusamareeb oo qaali noqday iyo Kuwa Cadaado oo raqiis isku bedalay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this