Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo weli laga cabsi qabo Gaari xamuula oo Qaraxyo sida & Ciidamada DF oo ku jira heegan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Booliska waxaa weli magaalada Muqdisho laga baadi-goobayaa Gaari nooca xamuulka ah oo la sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la damacsan yihiin inay ku fuliyaan weerar ismiidaamin ah.

Sarkaalkan oo ka tirsan Saraakiisha amniga Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdi Yare ayaa sheegay in xogta gaarigaas ay ka heleen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo dhawaan lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka la qabtay iyagoo gacanta kula jira falal amni darro, waxa ayna xaqiijiyeen in gaarigaas uu ku dhex jiro magaalada Muqdisho, isla markaana Booliska uu gudanaayo waajibaadka ka saran amniga Gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay in Gaarigaas uu ku dhex jiro mid kamid ah Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Kaaran iyo Cabdi-Caziiz, hase ahaatee ay ciidamadu yihiin kuwo feejigan.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dhagarta maleeshiyaadka al-Shabaab ay tahay mid joogta ah, balse ay dhankooda ka bixin doonaan dadaal dheeri ah oo lagu kala badbaadinaayo shacabka iyo waxa uu ugu yeeray dhagar-qabayaasha Shabaab.

Asbuucyadii tagay waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgal ay wadeen ciidamada AMISOM oo lagu baadi-goobaayay Gaadiid kuwooda oo maleeshiyaadka al-Shabaab u adeegsan doonaan falal amni darro.

Si kastaba ha ahaatee, cabsidan jirta ayaa kusoo beegmeysa xili dhabar jab xoogan ay la kulmayaan maleeshiyaadka al-Shabaab taa oo sababtay inay isaga baxaan Saldhigyadooda waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Muqdisho oo weli laga cabsi qabo Gaari xamuula oo Qaraxyo sida & Ciidamada DF oo ku jira heegan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this