Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog– Koontada Dowlada Puntland oo hawaneysa iyo Miisaaniyad 2018 oo Wax ka qaldan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   


puntland-Flag11.jpg
Warar hoose oo Puntlandi ka helay xubno ka tirsan Wasaarada Maaliyada ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Xukuumada Puntland aysan bilaha soo socda hayn mushaaraadka shaqaalaha kadib markii Qasnada Dowlada ay haawaneyso.

Sargaal la hadley Puntlandi iyo baaritaan madaxbanaan oo Warbaahinta Puntlandi ay ka sameeyeen lacagta soo gasha Xukuumada ayaa si iswaafaqsan u miijinaya in Aysan islahayn Miisaaniyada 2018 ee Xukuumadu ay soo badhigtey iyo lacagta Xukuumada u taal iyo qaabka loo isticmaalayo Maaliyada soo gasha Xukuumada.

Wararku waxay sheegayaan in hada Qasnada Dowladu ay haawaneyso iyadoo Dhinaca kalena ay jiraan deymo Kaash ah oo lagu leeyahay Xukuumada.

Cilada dhaqaale xumo ee soo wajahdey Qasnada Dowlada ayaa lagu saleeyey in ay jiraan Xisaabtan la’aan iyo lacago farabadan oo ka baxsan Miisaaniyada Xukuumada oo qasnada Dowlada siyaabo kala duwan uga baxay.

Howlwadeenada Puntlandi ayaa isku dayay iney la hadlaan Qasnajiga Dowlada laakiin waxaan ogaanay inuusanba jirin cid Masuul ka ah jagada QASNAJIGA DOWLADA, ama shaqsi si toosa uga jawaabi kara su’aalaha la xiriira Qasnada Dowlada.

Wasaarada Maaliyada oo aan aakhirkii isku dayney inaan wax ka waydiino dhaqaalaha Dowlada iyana kuma aanaan guuleysan, waxaa naloo tilmaamey dhinacaas iyo Madaxtooyada inaan wax ka waydiino su’aalahaan qabno.

Aqoonyahan Dhaqaalayahan ah oo aan wax ka waydiiney Xaalada dhaqaale ee Puntland iyo Miisaaniyada Dowlada wuxuu yiri ‘ Wax igu cusub Ma ahan, Xukuumadii hore Way jirtey ciladaan in kasoo hada lagu rajo waynaa in maareynta dhaqaalaha Dalku uu wanaagsanaan doono, LAAKIIN rajadaas Ma dhicin, waa wax jira in dhaqaalaha Xukuumada qaabkuu u baxo cid ka jawaabi kartaa aysan jirin aan ka ahan dhowr Qof oo qaarkood aysanba joogo Wasaarada Maaliyada, Xukuumadu Markay soo diyaarineyso Miisaaniyada Dowlada waa in lagu saleeyaa dhaqaalaha Soo gala iyo dhaqaalaha ay bixinayso, waa in dib loo eegaa dhaqaalihii baxay iyo kii soo galay Sanadkii hore, matalan Hadii loo qoondeeyey hal Milyan Difaaca Dalka oo ka kooban Mushaaradka, cuntantada Ciidanka, Qalabka iyo Wixii la mid ah, tusaale kale dhaqaalaha loo qoondeeyey Wado cusub oo la dhisayo ama mushruuc cusub, waa in Xukuumadu ay heysaa dhaqaalahaas oo dhan ama ay ku cedeysaa Miisaaniyada meesha dhaqaalahaas ka imanayo, Baarlamaanka laga rabaa iney xaqiijiyaan in Miisaaniyada Xukuumadu soo bandhogto ay lacag u hayaan, Dabagalna ku sameeyaan, LAAKIIN Baarlamaankaas Ma inoo joogaa”

Aqoonyahanku isagoo Hadalka sii wata wuxuu yiri ” Qaladka jira waa wax la wada ogyahay oo aan u jeedno , Xukuumada waxaa la xisaabtami lahaa Baarlamaanka, Waxay ansixiyeen Miisaaniyad aysan maareyn waxa ay tahay iyo meesha ay ka imaaneyso iyo qaabka ay u baxayso, waa qalad weyn in Baarlamaanka Puntland uusan Masuuliyad iska saarin shaqadadooda, waxay ansixiyaan wax walba oo Xukuumadu usoo gudbiso iyagoo su’aal ka keenin,”

Dhaqaalaha Puntland wuxuu badanaa ku salaysan yahay Kaabayaasha dhaqaalaha, canshuur kooban,Deeq bixiyaasha oo badanaa aan kaash bixin laakiin Xukuumada ka daboola kharaashaad baddan oo ay bixin lahaayeen Sida Adeegyada Bulshada oo ay keenaan mashaariic badan.

Puntlandi
Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this