Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ku qaaday Suuqa degmada Mahadaay +Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar xoogan oo ay geysteen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa weerarka ku qaaday Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay, iyadoo uu weerarkaa ka dhashay khasaaro kala duwan.

Maleeshiyaadkan ayaa weerarka ku qaaday ciidamo dhowr ah oo lacago canshuur ah ka uruurinaayay dadka ku ganacsada Suuqa, sida ay xaqiijiyeen maamulka Degmada.

Ciidamada ayaa iska caawiyay maleeshiyaadka weerarka qaaday oo watay gaari, waxa uuna khasaaraha ugu badan soo gaaray ciidamada dowlada oo aan fileynin weerarka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray Dagaal kooban, kaasi oo dadka degaanka ku yeeshay saameyn la xiriirta cabsi iyo walwal.

Ugu yaraan lix ruux oo labada dhinac ah ayey waxyeelada kasoo gaartay dagaalka, waxaana dadka dhaawaca ah la dhigay isbitaalka weyn ee Degmada.

Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay ayaa hada ku soo laabtay sidii caadiga aheyd, maadaama markii Dagaalka uu ku bilowday dadku ay noqdeen kuwo cararay iyo kuwo isku soo xiray goobohooda ganacsi.

Geesta kale, ciidamada dowlada ayaa iminka wada howlgal lagu baadi-goobayo maleeshiyaadka weerarka qaaday ee isaga baxay magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ku qaaday Suuqa degmada Mahadaay +Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this