Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Mareykanka oo 4 asbaabood u joojiyay Gargaarka tooska ah oo ay siin jireen Ciidamada Dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa go’aan ay dowlada Maraykanka ku joojisay gargaarka cunnada iyo shidaalka lasiin jiray ciidamada qalabka sida ee dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay jarto dhammaan qeybaha kale ee gargaarka ah oo ay siiyaana ciidamada dowlada Somalia.

Mareykanka ayaa sababta ugu weyn ee jarista gargaarka ku sheegtay in dhammaan Hay’adaha amaanka iyo kuwa ciidamada Xoogga ay hareereeyen Musuq-maasuq, Eex iyo isdabamarin muuqata oo lagu sameynaayo garaamka ay dowlada Mareykanka siiso ciidamada difaaca ugu jira Qaranimada Somalia.

Waxa ay dowlada Mareykanka sheegtay inay walaac adag ka muujineyso hanaanka loogu tagri falo xuquuqda ciidamada ee la mariyo qasnadaha dowlada, taa oo sababtay mooraal jab soo foodsaaray ciidamada howlgalka waday.

Cabashooyinka ugu badan ee sababtay in Mareykanka uu ku jira xuquuqda ciidamada Xoogga ayaa sabab u ah inaan la bixin dhammaan deeqaha ay dowlada Mareykanka ugu talo gashay ciidamada, balse ay dhexda u fadhiisteen shaqsiyaad gaara.

Ku dhawaaqista arinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka xaaladiisa ay  liidato iyadoo nabad-ilaaliyeyaasha Afrikaanka ah ay bilaabi doonaan bishaan inay ka baxaan dalka.

Ciidamadda Midowga Afirka ee ka kala socda wadamada Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, ayaa la qorsheynayaa inay ka baxaan dalka 2020-ka. 1,000-ka askari ee ugu horreeya ayaa tagaya dhammaadka 2017.

Midowga Afrika (AU) ayaa Muqdisho soo galay toban sano ka hor si ay ula dagaallamaan al-Shabaab waxaana qorshuhu ahaa in ugu dambeyntii ciidamada xooga dalka ay la wareegi doonaan waajibaadkooda.

Balse Maraykanka, oo sidoo kale maalgaliya 22,000 oo ciidanka nabad-ilaalinta, ayaa ka careysan ama niyad jab ka qaaday in xukuumadaha isdaba jooga ay ku fashilmeen inay dhisaan ciidan qaran oo macquul ah.

“Wadahadaladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay ku guuldareysteen in ay u qalmaan kaalmada Maraykanka,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal oo u waramay Reuters ayaa xaqiijiyay inuu jiro welwelka qaar lagana hadlay. Isagoo intaa ku daray in xukuumadda federaalku ay ka shaqeyneyso inay wax ka qabato arinka, sida aan kasoo xiganay  Reuters.

Asbaabaha ugu weyn ee loo joojiyay taageerada ay dowlada Mareykanka siiso ciidamada dowlada ayaa kala ah:

1-Xadgudub joogta ah oo lagu hayo cunnada iyo shidaalka lasiiyo ciidamada.

2-Xuquuqda ciidamada oo sida tooska ah ay dowlada Mareykanka ugu shubto qasnada oo aan gaarin ciidamada iyadoo ay xusid mudan tahay inaysan qaadan mushaar joogta ah.

3-Magacaabida Wasiirka cusub ee Gaashandhiga oo aysan la dhacsaneyn dowlada Mareykanka.

4-Ciidamada AMISOM ee ka baxaaya Somalia oo aanu weli ku qancin Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa weli ku howlan qorsho cusub oo lagu jaraayo xitaa dhaqaalaha guud oo ay siiyaan Madaxtooyada Somalia, waa haddii aanu imaan isbedel.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso: Mareykanka oo 4 asbaabood u joojiyay Gargaarka tooska ah oo ay siin jireen Ciidamada Dowlada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this