Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray war ceeb iyo njyad ku ah DF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Somalia ayaa Mareykanka ugu baaqay taageerada iyo duqeymaha diyaaradah Droneska ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab isagoo sheegay in hadii aanan la helin taageero dheeraad ah ay dadaallada lagula dagaalmayo argagixisada ay bur burayaan.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa 30 boqolkiiba dhulka Somalia iyadoo dadaalladii milatari ee caalamiga ah ee dhawaan la qaaday lana doonay in Al-Shabaab looga xoreeyo dalka aysan keenin wax natiijo dhab ah.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Somalia Mohamed Cali Xagaa ayaa aaminsan in taageerada Mareykanka ay wax qaban doonto ama ay bur burin doonto howlha Al-Shabaab gaar ahaan duqeymaha diyaaradaha Droneska ayuu sheegay inay tahay taageero wax ku ool ah.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la hadlay Wargeyska The Wall Street Journal, ayaa yiri “Hadii aanan helin taageerada Mareykanka kuma istaagi karno cageheena, qeybta amniga Somalia waa mid aanan habeysneyn waxana u baahanahayduqeymaha Droneska oo dheeraad ah maxaa yeelay Drone-ka maska madaxa ayay ka garaaci kartaa”

Qaraamada Midoobay ayaa dowladda Somalia ku taageertay ciidamo gaaraya 22,000 oo ka kala socda dalalka dariska la ah Somalia balse ciidamadaas ayaa hoos u dhac uu ku yimid kadib markii ay jab xoogan ay kala kulmeen Al-Shabaab, waxana 1,000 askari oo kamid ah ciidmaadaas ay ka baxayaan Somalia dabayaaqada sanadkaan 2017 iyadoo kuwa kalana ay ka baxayaan Somalia sanadka 2020-ka.

Mareykanka ayaa hadda si weyn sare ugu qaaday dadaalladiisa Somalia taasoo qeyb ka ah cusbooneysiinta bartilmaameedka maamulka madaxweyne Trump.

sida lagasoo xigtay waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka waxaa jira inkabadan 500 oo askari oo Mareykanka ka jooga Somalia, waxana uu Mareykanka sidoo kale xoojiyay tirada duqeymaha ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah oo Mareykanka leeyahay oo dhacday dabayaaqadii bishii November ayaa lagu dilay inkaban 100 dagaalyahan oo Shabaab ah inkastoo ay kooxda wali ka howlgasho  bartamaha iyo qeybo kamid ah Koofurta dalka.

 Mareykanak ayaa sidoo kale maalgalinaya ciidamo cusub oo xoogan oo Somali ah oo gaaraya 27,000 oo askari.
Saraakiisha Mareykanka ayaa qiray in qaar badan oo kamid ah ciidamada Qaranka Somalia si fudud aysan ugudan waajibaadkooda iyadoo ciidankaan ay yihiin kuwo aanan si fiican loo tababarin sida Al-Shabaab, intabadana ay yihiin kuwo qalabkooda Militari uu liito.
“Al-Shabaab ayaa si fiican u tababaran oo hela wax allaale waxay u baahanyihiin halka ciidmaada dowladda Somalia uusan qalabeysneyn ama uusan mushaar helin si sax ah waqtigaan la joogana dowladda gabi ahaan kuma guuleysaneyso” ayay tiri Jawaahir Abdi oo ah xildhibaanad mataleysa maamulka Koofur Galbeed oo la hadashay Wargeyska Th Wall Street Journal.

Intaas waxaa sii dheer Musuq maasuqa ka jira ciidanka Xooga dalka Somalia oo noqday mid aad u xun taasoo Mareykanka ku kaliftay in uu hadda joojiyo cunnooyinkii iyo shidaalkii gargaarka ahaa ee uu siin jiray ciidanka Somalia.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda Mareykanka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters todobaadkii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sidoo kale joojinaya barnaamij uu ciidanka dowladda bil walba ku siin jiray 100$ dollar maadaama  mushaar bixinta ay ka buuxaan ciidamo dhintay ama aanan sax ahayn balse mushaaraadkooda ay qaataan qooysaskooda.

Iyadoo taas ay jirto Mareykanka ayaa wali diyaar u ah inuu bixiyo kaalmo kaalmadaas ayaa inteeda badan diirada lagu saari doonaa tababar iyo talooyin milatarina lagu siin doonaa guutooyin kamid ah ciidmaada gaarka ah ee Somalia.

The post Mareykanka oo soo saaray war ceeb iyo njyad ku ah DF Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this