Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirwaynaha Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo war-murtiyed laga soo saaray (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka soo socda:-

  • 1- Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo hey’adaha gacanta ka geystay sida UNSOM iyo IDLO.
  • 2- In ay adkeeyaan xiriirka ka dhexeeya Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed.
  • 3- In ay lagama maarmaan tahay sameynta dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Xeer-ilaaliyeyaasha Dalka, dalladaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, iyo sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, dalladdu waxay wax weyn ka qabaneysaa dhisidda, kobcinta, iyo tayeynta Xeer-ilaaliyeyaasha, abuurista Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Dowlad gobaleedyada, kuwa aan lahayn xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa oo kaliya.
  • 4-Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qeyb gashay waxay doorteen Guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood, oo sameyn doona Xeer-hoosaadka iyo qaab dhismeedka Dalladda Guud oo ay ku midoobayaan Xeer-ilaaliyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad-gobaleed.
  • 5-Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Dalladda, iyo mid afar biloodle ah oo ay yeelan doonaan gudiga maamulka Dalladda, laguna qaban doono dhammaan Xarumaha Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee soomaaliya, qaab meerto ah.
  • 6-Shir-waynuhu waxa uu si buuxda u taageeray dib u habeynta hannaanka caddaaladda dalka, sidoo kale dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen lagama maarmaan-nimada ka qeyb qaadashada, hogaaminta, iyo go’aan ka gaarista hannaanka caddaaladda gaar ahaan qeybta kaga aadan xiriirka ka dhexeeya Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo qaab dhismeedkooda heer Federaal iyo heer Dowlad-gobaleed intaba.
  • 7-Shirweynuhu waxa uu si xoog leh u taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Amniga Qaranka ee Hannaanka Caddaaladda dalka oo ku saleysnaa habka isku dhafka oo afka qalaad loogu yeero (Mixed System), waxa uuna shirweynuhu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo dardaro geliyo dhameystirkiisa.
  • 8-Shir-weynuhu waxa uu garwaaqsaday doorka la taaban karo oo ay Haweenka Xeer- ilaaliyeyaasha ahi ku leeyihiin Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka, sidoo kale waxaa leysla gartay in Haweenku qeyb lixaad leh ka ciyaaraan hirgelinta iyo habsami u socodsiinta howlaha xafiisyada Xeer-ilaalinta heer Federaal iyo Heer dowlad-gobaleed, sidoo kale shir-weynuhu waxuu dhiirigeliyey in la fududeeyo lana taageerodoorka haweenka.
  • 9- Shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciga dalka u dhigan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this