Sign in to follow this  
Deeq A.

17 askari oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa ka dhacayMuqdisho. waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen 17 askar ah.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Akadamiyada ciidanka General Kahiye, halkaas oo uu ciidan katirsan kuwo booliiska tababar loogusoo xirayay.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hussein , ayaa sheegay ismiidaamiyuhu inay usoorto gashay inuu gudaha usoo galo xarunta tababarka ciidanka, waxaana uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan saraakiil ciidan.

Askarta ku dhimatay falkaan ayaa la sheegayaa inay intaas kasii badan tahay, dhaawacuna wuxuuna marayaa 15 askari.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan. Waa markii labaad oo Alshabaab isku qarxiyaan goob ciidan tababar loogu hayay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this