Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare Oo Dalbaday Joojinta Ka Qeyb-galka Shirka Goleyaasha Sharci-dejinta Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada.

Shirkan oo qorshuhu yahay in uu ka dhaco Baydhabo ayaa qoraal-kan ka soo baxay Aqalka sare kaas oo ku socday madaxweyneyaasha iyo guddoomiyeyaasha golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada lagu dalbaday in la joojiyo shirkaasi.

Aqalka sare, waxaa qoraalkiisa ugu muhiimsanaa:

Shirka waxaa uu aqalka sare ku sheegay mid bur-burinaya oo aan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka nidaamka federaalka ah.

Waxaa kale oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada lagu wargeliyay in ay fiiri-gaar ah u yeeshaan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka ah iyo xil gudashada aqalka sare.

Akhriso Qoraalka:

12

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this