Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaanduulaha ciidanka xoogga oo kashifay inay jiraan maamulo ka tirsan Shabeelada hoose oo la shaqeeyo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Abaanduulaha ciidamada xooga  Soomaaliyeed Janaraal Cabdullahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kaga digayaan maamulada degmooyinka iyo kan gobalka shabeelaha hoose ee wada shaqeyn ka dhaxeysa  iyaga iyo Al-shabaab, maadaama qaar kamid ah afkaarta Al-shabaab ay ku shaqeynayaan sida uu hadalka u dhigay.

Janaraal  Caanood  ayaa hadalkiisa intaasi ku daray  in shacabka Soomaliyeed iyo ciidamda xooga  ay iska horkeynayaan maaamulada degmooyinka qaar ee gobalka shabeelaha hoose, islamarkaana ay sheegayaan in ciidamada ay dhacaan mar waliba,shacabka isticmaala wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo degmada  Afgooye.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa  ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed ee Maal mahan  fariisinka looga sameeyay deegaanka calamada kula dar-daarmay in aysan baaran shacabka Soomaliyeed iyo gawaarida ay wataan, balse looga baahanyahay in ay ka difaacaan shacabka Soomaliyeed Al-Shabaab, islamarkaana ay dagaal la galaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Shaqsiyad dadka ku shubaya fikirka Al-Shabaab si ay boga bogaando uga abuuraan ciidamada,isla markaana dad ka Shaqeynaya ay yihiin kuwo xiriir la leh Shabaab iyo Shabaab la Shaqeeye.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in degmooyin badan oo ka tirsan Shabeellaah hoose dad lagu dhibaateeyay sida in qaraxyo loo dhigay ciidamada sidaas daraadeedna Shacabka aysan ka hadlin iyaga oo ku bedelay Warar lagu shubay ee ah in ciidamada xoogga ay yihiin dad xun.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Maamulada qaar ay yihiin kuwa ku Shaqeeya fikirada Shabaab isla markaana ay la Shaqeeyaan,isaga oo uga digay Maamulada degmooyinka iyo kan Shabeellaha Hoose la Shaqeynta Al-Shabaab.

Hadalka Abaanduulaha ciidmada xooga dalka  janaraal Cabdullahi Cali ayaa imaanaya xili maalin ka hor darawalada ka xeeya gaawaarida isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye ay dhigeen dibad bax ay ku sheegeen inay kaga cabanayaan ciidamo dheeri ah oo wadadaasi la soo dhigay,kuwaasi oo ka qaadanaya lacago xad dhaaf ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Abaan-duulaha-Ciidamada-xoogga-dalka.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Abaanduulaha ciidanka xoogga oo kashifay inay jiraan maamulo ka tirsan Shabeelada hoose oo la shaqeeyo Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this