Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo wax ka bedelaaya taatikada ay ku weeraraan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay waxbadan ka bedeleyso hanaanka ay duqeymaha ku fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee bartilmaameysta Saldhigyada maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dowladu waxa ay tilmaantay inay soo baxayaan dhaliilo la xiriira wakhtiga ku xiran diyaaradaha fuliya duqeymaha ee noocooda loo yaqaan Drones-ka.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in isbedelka ugu badan uu saameyn doono diyaaradaha ku jiheysan Saldhigyada Somalia, maadaama uu isbedel ku imaaday xiliga loogu tallo galay inuu ku dhaco howlgalka.

Waxaa lagu sheegay in la kordhiyay muddada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay weerarrada ka wadi karaan Somalia, maadaama dhowr jeer ay dhaceen diyaarado lagu xiray wakhti gaaban.

Sharci cusub oo Bishii October ee la soo dhaafay la saxiixay ayaa Talisyada Ciidanka Mareykanka u ogolaanaya in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya loogu ogol yahay in ay sii wadi karaan muddo ka badan laba sano oo soo socota.

Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka Marc Raimondi ayaa arrintaan u xaqiijiyay warbaahinta adduunka waxa uuna sheegay in hawlgalka lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish ee Somalia uu sii socon doono labada sano ee soo scota ama kasii badan.

Docda kale, Hawlgalka la dagaallanka argagixisada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa awood dheeri ah loo siiyay inay laba jibaari karaan beegsiga al-Shabaab iyo Daacish ee ku jira goobaha lama galaanka ah ee Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo wax ka bedelaaya taatikada ay ku weeraraan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this