Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo loo gudbiyey qorshe ku saabsan Somalia labada sano ee soo socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Perntagon ayaa sheegtay inay qorsheyneyso in laba sano oo hadda dhimman ay sii waddo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, sida ku cad qorshe ay u gudbisay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah xeer cusub oo bishii October uu saxiixay madaxweyne Trump oo Pentagon-ka u ogolaanaya inay howlgallo ka fuliyaan goobo ka baxsan aagga dagaalka, sida uu qoray wargeyska New York Times.

Pentagon ayaa u gudbiyey Golaha Amniga Qaranka qorshe cusub oo u ku dalbanayo in loo ogolaado sii wadidda howlgallada Soomaaliya, ayada oo aan wax dib u eegis lagu sameyn.

“Ma damacsanin inaan siyaasadda bartilmaameedyadeena warbaahinta uga sheegno kooxaha argagixisada, hase yeeshee siyaasaddeena ka hortagga argagixisanimada waxay ka tarjumi doontaa qayimka qarankeena” Waxaa sidaas New York Times u sheegay Marc Richmond oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykana.

“Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa inay taxaddar dheeri ah ka qaadato waxyeelo soo gaarta dadka rayidka, ayada oo islamarkaana aan isku dayeyno inaan ka guuleysano cadowgeena” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa sanadkan 2017 ka fuliyey Soomaaliya 30 duqeyn oo ka dhan ah Al-Shabaab, taasi oo ah laba jibaar tirada weeraradii dhacay 2016. Tirada weerarada ayaa la filayaa inay sii kordhaan 2018.

Halkan ka aqriso warbixinta New York Times

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com

The post Aqalka Cad ee Mareykanka oo loo gudbiyey qorshe ku saabsan Somalia labada sano ee soo socota appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this