Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka Sanadkaan lagu dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin ay Qaramada Midoobay faafisay Axaddii Maanta taa  oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka: Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadlaysaa muddada ka billaabata 1da Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ay weli khasaare culus u geysata dadka rayidka, burburisa kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakicisa malaayiin dad ah, kana horistaagta bulshada u baahan inay gargaarka bani’aadanimo,

Intii muddadan lagu jiray, UNSOM waxay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah. In ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay  Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof tan iyo xilligaas kuwaas oo dilalkooda lagu kala eedeeyay Al-shabaab,Dowladda,Malleeshiyo kale iyo AMISOM.

Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:

60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab.
13% Maleeshiyaad.
11% dhinacyada Dowladda.
4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Warbiixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan:

Somaliland 208 Qof.

Puntland  413 Qof.

Galmudug 261 Qof.

Hirshabeelle 269 Qof.

Banaadir 2,265 Qof.

Koofur Galbeed 735 Qof.

Jubaland 434 Qof.

tirada-750x430.jpg?resize=696%2C399&ssl=

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka Sanadkaan lagu dilay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this