Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Ciidamadii Puntland ee la sheegay in lagu wareejiyey Dowlada Federaalka durba muran ka taagan yahay Mushaarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   


Ciidamada Puntland ee xerada 54 ayaa la isla meel dhigay iney ku howl galaan Magaca Dowlada dhexe iyagoo qayb ka noqon doonaa Barnaamijkii ahaa in Maamul Goboleed walbaa uu diyaariyo 3000(Sadex kun) oo askari oo ku howlgali doona Magaca Dowlada dhexe(Federal Forces), Xafladii maalmo ka hor ka dhacdey Garowe ee loogu wanqalay Ciidanka Puntland ee ku howlgali doonamagaca Federaalka ayaa durba muran ka daba yimid.

Warar ay Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in Dowlada Federaalka ay muran galiyeen bixinta Musharradks Ciidanka 54aad, waxaana muran k taagan yahay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad ay qayb ka helaan dhaqaalaha iyo Qalabka lagu helo Magaca Federaalka ee Beesha Caalamku bixiyeen.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Wasaarada Gaashandhiga oo laga sugayay bixinta Mushaarka ay meermeerin bilaabeen, Saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland oo Howshaas ku jiray ayaa Pi waxay u sheegeen in khaati ay ka taagan yihiin Rag ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka oo isdaba maryennwada.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Xerada 54aad ay ku jirto liiska Ciidanka Dowlada Federaalka ee loo gudbiyo Deeq bixiyaadha, waxaana muuqata in Magaca Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad la doonayo in lagu cuno Dhaqaale badan iyadoo aan Waxba lasoo gaarsiin Ciidanka Amaba ladoonayo in xoogaa dufan ah afka loo mariyo.

Sargaal ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland ayaa Puntlandi u sheegay in Qorshahaan Qarameynta Ciidanka uu u muuqdo mid qaawan oo aan mira dhal aan ahayn ama daacad laga ahayn, mar aan waydiiney Sargaalka su’aashaan ”

Dhinaca Dowlada Puntland Maxay ka qabatay kiiskaan, Wuxuu ku jawaabay ” WAXBA”

Dhinaca kalena Miisaaniyada Dowlada Puntland ee sanadka soo socda 2018ka oo Baarlamaanku ansixiyey maalmo ka hor kama muuqata miisaaniyad loo qoondeeyey Ciidankaas.

Ciidanku Ilaa hada Ma aysan helin Musharkii bishaan Decembar iyo bishii ka horeysayba.

Dhinaca Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo aan la xiriirney Way ka meer meereen iney ka hadlaan kiiskaan.

Hoos ka Daawo xafladii la sheegay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad lagu Qarameeyey mise Arintu waxay qayb ka ahayd Riwaayadii caan baxday “IGU SAWIR” oo hada ka bilaabatay Shaleemooyinka Puntland

Puntlandi.com
Garowe
24232880_1504126002968370_36099885495956 24294325_1504125949635042_10362788569331 24312584_1504125952968375_75005210534220

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this