Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Uganda oo bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Uganda ayaa bilowday inay ciidamadeeda Milatariga kala baxdo Soomaaliya, tanina waxay bilow u tahay dhammaadka ciidanka Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

281 askari oo katirsan ciidanka Amisom ayaa ka bixidoona Soomaaliya tan iyo inta laga gaarayo 31 december, sanadkaan 2017, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka milatariga Uganda Lt. Col. Deo Akiiki.

Ugand ayaa ah waddankii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya, sannadkii 2007, si ay u taageeraan dowladda federalka oo dagaal kula jirta kooxaha argigixisada.

Sida uu qeexayo heshiiska midowga Afrika iyo golaha ammanka, tirada ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa hoos loo dhigidoonaa illaa kun askari, dhammaadka sannadkaan.

Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah inay ciidankooda oo gaaraya 22,000 askari kala baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadka 2020, laakiin waa marka ciidanka Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegi karaan masuuliyadda ammaanka Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this